Fikrado Ay Lacagtaada Kuugu Dhaqaaloobayso

lacag dhaqaalo Hadaba waxa idin soo aruurinay 10 siyaabood oo qof walbe lacagtiisa ku ilaashan karo asagoon ka baahneyn.

1. Iska Bixi Deynta
Hadaad isku dayeysid inaad lacag keydsatid balse deyn badan aad dad ama bank ka qabtid taasi way kugu adkanaysa. Hadaba waqti isa sii aad ku bixisid deymaha marka hore, markad iska dhameysid bilow inaad lacag keydsatid. Hadaadan aaminsanayn fikradaan waxad xisaabisa lacagtad deynta ku bixisid bil walba taasoo iskugu soo biyo shubanaysa inaad u shaqeysid deyn iska bixin oo kaliya.

2. Qoondeey Intaad Keydin Lahayd Bil Kasta
Qiimo u xadid intaad keydin laheyd bil walba, ha ka dhigin lacag badan oo hadhow kugu adkaata inaad keydin weyso. Shan Dollar hadaad ka jarto raatibkaaga mar walba lacag qiimo weyn ayay noqoneysa sanadkii.

3. Nafta Qanci
Marnaba ha keydin lacag naftaada aad ugu baahantahay sida caafimaad ahaan ama cunto. Had iyo goor caafimaadkaga ka hor mari lacagtad rabtid inaad keydisid oo waxad yeelata dhakhtar khaas ah. Haday suurta gal tahayna waxad u qoondaysaa lacag caafimaadkaga aad meel u dhigtid.

4. Balwada iska Dhaaf
Balwadu waa mid gabagabeysa nafsada bani’aadanka hadaba hadaad balwad leedahay ka tasho saad iskaga dhaafi lahayd oo balwadu waxay kaa dhameysa lacagtada isla markana halis galisa caafimaadkaaga.

5. Fasaxaga Guriga Ku Qaado
Hadaad fasax ka qaadatid shaqadada ha iska waalin oo magaaloyin kale ha u dalxiisin tasoo qarash badan kaga soo baxaayo. Waxa haboon inaad dalxiiskaga qoyskaaga la qaadatid oo guriga iska joogtid saad u badbaadisid lacagta aad qarashgaraynaysid.

6. Qarashgaree saad u Keydisid Lacagtaada
Tani waa mid aad u muhiim ah balse dadku badana aysan arkin, tusaali ahaan haduu nalalka guriga haday yihin kuwo intaas kaa gubta waxad u yeerataa qof ku xildheer si ay cilada u xaliyaan intaad mar walba lacag ka bixin laheed nal cusub. Hadaad leedahay baabuur intaas kaa xumaado ku tala gal inaad mid ka roon gadatid.

7. Cuntada Guriga Ka Cun
Cuntada guriga laga cuno waxay leedahay laba faa’ido, mid waa ay ka raqiisantahay tan banaanka labo waa ka caafimaad fiicantahay.

8. Lacagtada Bank Dhigo
Kulama aadan lacagtada faraha ku hayn kulama aadan qarashgareyn oo waad ka wahsaneysa ama waqtiga ku diidaya inaa doonatid. Hadaba lacagta oo bank la dhigtaa waxay kugu cawinaysaa inaadan wax badan ka isticmaalin.

9. Xisaabi Qarashkaga Sanadkii
Raasumaalkaga sanadki xisaabi si aad u ogaatid waxa maalayacaniga ah aad ku qarashgareysay lacagtaada, taasi waxay kugu caawineysa si aad uga feejignaatid mustaqbalka.

Source: Qalanjo

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *