In qofku aanu yeelan saaxiib waxa ay u xun tahay caafimaadkiisa nafsiga ah iyo kan maskaxeed waxa aanay khubarada arrimahan ku xeel-dheeri sheegaan in saaxiibku uu yahay fursad uu qofku ku dhadhamin karo macaanka iyo farxadda nolosha, la’aantiina ay ku adkaanayaan dhinacyo badan oo nolosha ka mid ahi.
Xeel-dheerayaasha cilmiga bulshada iyo cilmi nafsiguna waxa ay mar kasta qofka kula taliyaan in uu yeesho saaxiibbo kala duwan, oo wadar ahaan iyo waaxid ahaanba uu ula kulmo, sheeko wadaag iyo iskaashina ula leeyahay. Waxa aynu qormadan akhristayaasha kula wadaagayaa maqaal uu qoray wargeyska The Huffington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka oo soo bandhigaya siddeed ka mid ah noocyada ay saaxiibbada yihiin oo ay khubaradu sheegeen in aanu qofku noloshiisa uga maarmi karin:
1. Saaxiibka ugu wanaagsan ee daacadda ah: Mararka qaarkood saaxiibkaaga ugu wanaagsan ee daacadda ahi waa sababta keliya ee aad maskaxdaada fayoobideeda ku ilaashan karto. Qof kastaa waxa uu u baahan yahay saaxiib aan xakame iyo naqdi badnayn oo wax kasta oo ka yimaaddaba taageera. Saaxiibka noocan ahi waxa uu qofka u yeelaa muuqaal ah in uu wanaagsan yahay xataa mararka qaarkood isaga oo aan sidaa ahayn. Waa qof og sirta ugu xun ee qofka, haddana weli jecel, oo aanay saamayn ku yeelan saaxiibtinimadii uu u hayey.
2. Saaxiib aan biqin: Waxa aynu ku noolnahay duni ballaadhan, oo ay jiraan meelo badan oo la tegi karo, dad badan oo la baran karo iyo waayo-aragnimo badan oo la korodhsan karo, iyada oo ay sidaas tahay haddana qaar badan oo innaga mid ah ayaa ku dheggan noloshooda joogtada ah oo aan jeclayn is-beddelka. Dhammaanteen waxa aynu u baahannay saaxiib bannaanka inooga soo tuura dhufaysyada nolosha oo ian bara afkaar cusub, dhaqanno cusub iyo falsafado ka duwan inta aynu ku dheggenayn isla markaana ina bara in ay jiraan wax ka duwan intan aynu caadada ka dhigannay oo la qaban karo, ama meelo kale oo la tegi karo.
3. Saaxiib qallafsan: Marar badan oo nolosheenna ka mid ah waxa aynu u baahannay in aynu maqalno runta qallafsan ee laga yaabo in aynaan jeclaysan dhegeysigeeda. Waa markaas marka uu qofku u baahan yahay saaxiib dhiirran oo ay khubaradu ku tilmaameen daacadnimo waxshnimo ah in uu leeyahay. Haddii aad xidhiidh aan fiicnayn aad dadka la leedahay ama dhacdhacaagu badan yahay, amaba aad naftaada qaladaad ka gelayso waxa ay u dhowdahay in dadka oo dhami ay kuu sheegaan in aad saxan tahay. Waa markaas marka aad u baahan tahay saaxiib daacadnimadiisu waxshimo leedahay oo si bahalnimo ah oo qallafsan kuugu sheega in aad iska bixiso muraayadda khayaaliga ah ee wax kasta cagaarka kaaga dhigtay, in aad joojiso riyo maalmeedka oo aad runta ku soo daadagto.
Waabay adag tahay ee, haddii aad hesho saaxiib si bahalnimo iyo kakanaan ah runta kuugu sheegi kara, ku fara adayg, waayo qof noocaas ah in aad heshaa waa ay hawl badan tahay.
4. Waaniye caqli badan: Jesse Jackson ayaa mar yidhi, “Weligaa qof hoos ha u eegin, haddii aanu ahayn qof (Kaa hooseeya oo) aad doonayso in aad kor u soo qaaddo” Haddii noloshaada aad soo geliso ruux, maskax badan, firfircoon, hal-abuur leh oo diyaar u ah in uu ku dhaqmo falsafaddan, waxaa aad tahay qof aad u nasiib badan. Dhammaanteen waxa aynu u baahannay saaxiib, ina dhiirri geliya, ruux firfircooniyeedna innagu abuura, si aynu u noqonno dad sida ay hadda yihiin ka fiican, isaga oo haddanai na dareensiinayn in aynu hoosaynay oo uu kor inoo soo qaaday.
Waaniyaha caqliga badan ee aad u baahan tahay in aad la saaxiibtaa, qasab ma’aha in uu yahay qof aad isku shaqo ama hiwaayad tihiin. Waa keliya qof dhowr tallaabo kaa sarreeya dhinaca fahamka nolosha, xikmad iyo dulqaadna u leh in uu kugu hago toobiyaha saxda ah. Qof kasta ayaa uu noqon karaa, saaxiib, qof aad wada shaqaysaan, xitaa mararka qaarkood kaa da’ yar, qof kaa weyn, deris aad muddo ahaydeen iwm, maadaama oo aad og tahay in qofkani uu yahay qof aad dhinaca nolosha iyo fahamkeeda kor u eegayso, daryeelmagazine.com ayaa ku leh waa in aad ka dhigataa saaxib kor kuu soo qaada oo ugu yaraan martabaddiisa ku soo gaadhsiiya.
5. Saaxiib aad kala dhaqan tihiin: Waxa aad u baahan tahay saaxiib ku dheggen hiddihiisa iyo dhaqankiisa, haddii qof kasta oo dunidan joogaa uu yeesho saaxiib ay kala hidde iyo dhaqan yihiin, waxaa hubaal ah in dunidu ay noqonayso meel aad uga fiican sida ay hadda tahay. In aad hesho saaxiibbo aad kala dhaqan tihiin waxa ay ku baraysaa duruus la xidhiidha hiddaha, dhaqanka iyo qiyamka ka baxsan kaaga, marar badanna waxaaba dhici karta in aad ka hesho meelo uu dhaqankaas kale kaaga fiican yahay oo ay tahay in aad kaga dayato si aad u qurxiso shakhsiyaddaada iyo dad la macaamilkaaga. Ama in aad ka barato hab kaaga ka fudud oo ay arrimahooda u maamulaan, mushkiladahoodana u xalliyaan.
Laakiin markan oo kale taxaddar badan ayaa lagaaga baahan yahay, qofka ha ula saaxiibin keliya in uu kaa dhaqan duwan yahay, maskaxdaada fur, kuna dadaal in saaxiibtinimada iyo dhexgalka ka hor aad iska hubiso shakhsiga, aadna u daraasayso hab-dhaqankiisa, anshaxiisa iyo dhaqanka aad ku kala duwan tihiin sida uu isugu iman karo.
6. Saaxiib fikir kasta kaaga soo horjeeda: Bani’aadam ahaan waxa aynu dabeecad u leenahay in aynu is urursanno, oo inta aynu is gaashaan-buuraysanno aynu weerarno cidda dibadda innaga ah. Haddaba waxa aad ogaataa in haddii aad saaxiibbo ka dhigato uun dadka adiga ku raacsan, kula fikirka ah, kula dhaqanka iyo qiyamka ah ama aan ugu yaraan aragtidaada ka hor imanayn, waxa aad ku dambaynaysaa in aad noqoto qof dunida inteeda kale ka go’an, oo ay u dhow dahay in uu hirdan la galo cid kasta oo sidda afkaar tiisa ka duwan.
Halkii aad iskaga xeeri lahayd dad kula aragti ah oo aan wax badan kugu soo kordhinayn, isku day in aad mararka qaarkood deggenaanshiyahaaga iyo farxadda iskaga ciyarto oo aad isku xeerto dad sida fikir boqolkiiba 100 kaaga liddi ku ah. Fikirka liddiga adag kugu ahi waxa uu kugu kallifayaa in aad aqoontaada kordhiso, indhahaaga furto, doodda iyo dad qancinta barato, iyo tan uguba sii fiican oo ah in aad barato dabeecadda ah inaad aqbali karto aragtida kaa soo horjeedda.
7. Deris saaxiibtinimo leh: Waayadan dambe ee mashquulka iyo guryaha waaweyni soo kordheen, dad badan ayaanay aqoon isu lahayn dadka ay isku xaafadda yihiin ama deriska la’ ah. Waa wax laga xishoodo, waayo jaarka qaarkii waa dad wanaagsan oo wax-tar badan. Isbarashada iyo saaxiibtinimada derisku waxa ay keentaa iskaashi xooggan oo dan u ah horumarka iyo is-tabaalaynta dadka deriska ah, waxa aanay fure u noqotaa in inta ladani ay gacan qabato, caawimana la garab istaagto inta noloshooda dhaqaale ay hoosayso.
8. Saaxiib shaqo: Ma’ og tahay marka aad shaqaale buuxa tahay in ay ka dhigan tahay in ugu yaraan boqolkiiba 50 saacadaha aad soo jeeddo ah ay shaqadaadu qaadato? Intaas oo keliya ma’aha, waxa aad sidoo kale waqti badan ku lumisaa, shaqo tegista iyo ka imaanshiyaheeda, ka fikiridda waajibaadka shaqada oo marar badan shaqada kadib aad sii fikirto, marar ay dhacdaba in aad saacado dheeraad ah shaqada ku qaadato iyo in aad isu dhisto kordhisatana aqoonta iyo fahamka aad u leedahay xirfadda iyo shaqada aad hayso.
Tiro-koobyo la sameeyey ayaa daahfuray in dadka shaqaalaha ahi ay u kala diiqad iyo murugo badan yihiin, sida ay u kala takooran yihiin shaqada dhexdeeda, taasina waa sababta ay lagama maarmaan u tahay in qofku uu shaqada dhexdeeda ku yeesho saaxiib uu la sheekayn karo, caawimo shaqo weydiisan karo, mararka qaarkoodna culayska iyo cadhada marar shaqadu keento iskaga yarayn karo. Sida Qurbo Magazine kor kusoo xusay qofka shaqaalaha ahi uu boqolkiiba 50 waqtigiisa ka mid ah ku qaato shaqada, marka waxaa muhiim ah in aynu dareenno in saaxiibka shaqaduna uu yahay qof aynu waqtigeenna boqolkiiba 50 iyo ka badan la qaadanayno.
Saaxiibkaaga shaqadu ma’ aha in uu noqdo saaxiibkaaga ugu wanaagsan ee shaqada dibaddeeda, waa keliya in uu noqdo qof aad illaa heer shaqaalaha kale iskaga dhowdihiin, shaqadana isku caawisaan, in kasta oo aanay taas macnaheedu ahayn in aad intaas ka badan isa sii fahmi kartaan saaxiibbo dibadda shaqada ahna noqon kartaan.
-Kamaal Marjaan