Cilmibaadhiso kala duwan ayaa caddaynaya in indhuhu ay yihiin muraayadda laga dheehdo xaaladda caafimaad ee qofku marayo.
Qormadan waxa aynu ku eegaynaa dhowr calaamadood oo ay xeeldheereyaashu xuseen in haddii qofku indhihiisa ku arko ay qasab tahay in uu dhakhtar la xidhiidho, maadaama oo ay digniin u noqon karaa dhibaato caafimaad oo qofka haysa.
Finanka indhaha ka soo baxa:
In kasta oo marar badan ay nabarro bakteeriyadu sababto awgeed finankani u soo baxaan, dawadooduna aad u fududahay, haddana waxa ay dhakhaatiirtu sheegayaan in haddii finkaasi dhaqso u tegi waayo, dhowr maalmood gudahood, ay calaamad u noqon karto in uu xidhmay qanjidh dufaneedkii ishu, sidaa awgeed ay qasab tahay in dhakhtar dhaqso loo tuso. In finkani dhaqso u tegi waayaa waxa ay calaamad u noqon kartaa in qofka uu hayo nooc kansarka ka mid ahi.
Timaha sunneyaasha oo data:
Waxaa jira sababo badan oo keeni kara in timaha sunneyaashu daataan, waxaa ka mid ahba gabowga, tacabka iyo hawsha adag, cudurka daadashada timaha, waxa se dhici karta in sababtu aanay intaas midna ahayn. Waxaa jira sababo xaaladahaas aynu xusnay ka khatar badan, waxaa ka mid ah in ay calaamad u tahay gaabis ku yimid shaqadii qanjidhka dhuunta ee Tayroodhka loo yaqaanno, ama hoos u dhac weyn oo ku yimid hormoonnadii saxda ahaa ee uu soo deyn lahaa qanjidhkani, sidaa awgeed haddii aad aragto timahaaga sunneyaasha oo si joogto ah u daadanaya, dhaqso dhakhtar u arag.
Aragga oo uu hadh kaa galo:
Nolosha casriga ahi waxa ay wadataa dhibaato ah in aynu saacado aad u badan eegno shaashadda Kombiyuutarka ama taleefanka gacanta, taasina waxa ay daal iyo indhaha oo olol, xanuun, cuncun ama biyo yeesha. Haddaba haddii aad xaalado noocan ah isku aragto waxaa muhiim ah in aad dhaqso u booqato dhakhtar indhaha ku takhasusay.
Barta arag la’aanta:
Waxaa mararka qaarkood dhacda in qofku marka uu wax eegayo, araggiisa ka dareemo dhibic ama goobo madow oo waxa uu eegayo qayb yar oo ka mid ah kaga gudban, laakiin inta badan dhib kuma keento oo aragga guud ayaa ay maskaxdu qaadataa, intaas yarna iyada ayaa tafaasiisheeda dhammaystirata. Waxa se ay dhakhaatiirtu sheegayaan in dhibicdaas oo aan si sahal ah qofku ku dareemi karin, haddii ay jirto ay calaamad u tahay in qofku uu leeyahay madax xanuun Dhanjaf ah, haddii uu calaamaddaas joogto isugu arkana ay noqonayso in uu dhakhtar booqdo.
Bararka Indhaha:
Marar badan waxaa dhacda in aynu qawadno awoodda arag ee indhaheenna oo innaga oo taas ka jawaabayno aynu gacanta ku marmarno, ama dhowrjeer inta aynu isku xidhno haddanak ala furno. Laakiin intaas wax ka badan uma dhaafno oo marka ay xaaladda araggu caadigii iska noqoto ayaa aynu bartaas kaga tagnaa. Haddaba waxa ay dhakhaatiirtu xaqiijinayaan in xaaladaha noocan ahi ay indhaha ku yimadadaan marka uu xanuun ka jiro qanjidhada dhuunta ee Tayroodhka loo yaqaanno, gaar ahaan marka shaqada uu qabanayo iyo dheecaannada uu sii deynayaa ay ka badan yihiin intii dabiiciga ahayd ee uu jidhku u baahnaa.
Indhaha oo huruud noqda:
Marar badan in midabka indhuhu casaan noqdaa waxa ay ku timaaddaa xaalado aan dhibaato badan sii lahayn, waxaa ka mid ah hurdo la’aanta iyo isha oo xanuun ku jiro, ama indhaha oo dareema shay aanay jeclaysan sida qiiqa ama wax kale oo gaadha. Laakiin in midabkoodu uu huruud noqdaa aad ayaa ay uga duwan tahay xaaladdaas hore ee marar badan haddii aanay muddo dheer sii jirin aan dhibaato keenin.
Indhaha oo huruud noqdaa macnaha keliya ee ay leeyihiin waa in ay dhibaato caafimaad darro ka jirto beerka, sidaa awgeed in indhahaagu huruud noqdaan waxa ay qasab kaaga dhigaysaa in aad degdeg ula xidhiidho dhakhtar beerka ku takhasusay.
Aragga oo hadh-hadh joogto ahi galo:
Sida aynu horeba u soo xusnay marar badan ayaa uu aragga hadh galaa, marmar ka mid ahna waa xaalad iska sahlan oo qofka dhaqso uga tagta, laakiin aragga oo si joogto ah hadh kaaga teedaa waa in ay markaba ku xasuusiso in shabakadda aragga oo xanuun iyo dhaawac gaadhaa ay ka mid tahay dhibaatooyinka ugu waaweyn eek a dhasha xanuunka macaanka. Haddii aad macaan leedahay oo aad xaaladdan isku aragto macnaheedu waa in aanad raacin talooyinkii caafimaad ee dhakhtarkaagu kaa siiyey hab nololeedka xaaladdaada caafimaad waajibinayso; sida cuntada iyo dawada qaadashadeedaba.
Haddii aanad hore macaan isugu ogeyn oo xaaladdan aad joogto ula kulantana dhaqso ugu tag dhakhtar takhasus ah oo kaa baadha xanuunka macaanka, kaddib haddii aad iska weydo u tag dhakhtarka indhaha.
Digniin indho-beel:
Isbeddel kasta oo aad ka dareento araggaaga waxa aad markaba u aqoonsataa in uu yahay digniin kama dambays ah oo kuu sheegaysa in khatar dhinaca aragga ahi kugu soo fool leedahay. Daciifnimo, dahaadh iyo hadh kaa gala aragga, aragga oo aan aad waadax kuugu noqon iyo xaalad kasta oo aragga la xidhiidhaa waxa ay horudhac u noqon kartaa indho beel kugu soo fool leh, sidaa awgeed ha u kaadin in aad marka aad aragtaba kala tashado dhakhtar indhaha ku xeeldheer.
W/D: Kamaal Marjaan