Astaamaha Xanuunka Qaaxada (TB) Iyo Sida Ay U Saamayso Xubnaha Jirka

calaamadaha cudurka qaaxada

Qaaxo waa xanuun ka mid ah kuwo ugu khatarta badan xanuunada faafa. Xanuunkan waxaa uu saameeyaa in badan oo ka mid ah dadka dunida ku nool gaar ahaan wadamada soo koraya.

Difaaca jirka oo daciifa ayaa ah sabab ka mid ah in loo nuglaado xanuunka qaaxada. Dadka qaba xanuunka Aids-ka ayaa ugu nugul, sababtoo ah feyruska HIV ayaa la dagaalama difaaca jirka kaasoo hoos udhiga awooda uu isaga celin karo waxyaabaha soo weerara jirka sida bakteeriyada ama fayrusyada.

Qaaxada waxaa sababa bagteeriya loo yaqaano mycobacterium tuberculosis. Bakteeriyadan ayaa ah mid la isugu gudbiyo hawada, qofka qaba qaaxada sanbabada oo aan la daweyn ayaa ugugudbin kara qof kale sida hindhisada, qufaca iyo hadalkaba. Waxaa jirta qaaxo aan darneyn  oo si sahal ku faafta. Waxaa dhixi kara in qofku uu la nool yahay bakteeriyada sababta xanuunkaan laakin aan weli sababin wax astaamo ah, xiligan qaaxadu ma ahan mid faafta. Hadii aan la daweyn waxay isu badasha qaaxo leh astaamaheeda.

Halista fududeysa in qaaxada waxaa ka mid ah, dadka qaba xanuunada la dagaalama difaaca jirka sida, aidska, kansarrada sonkoroowga/macaanka, fashilka kilyaha ku yimaada iyo daawooyinka loo isticmaalo kaankarada, daawooyinka la qaato markii xubin laga badalo bukaanka laguna talaalo xubin kale iyo nafaqa daradaba.

Waa maxay astaamaha qaaxada?

Astaamaha lagu garto xanuukaan waxaa kamid ah;

  • Dhidid xiliga habeenkii ah
  • Qufac raaga ilaa 3 todobaad kaasoo mararka qaar uu dhiig la socdo
  • Xabad xanuun
  • Itaal yari
  • Qandho
  • Qarqaryo
  • Cunada oo qofka ka hortimaada
  • Miisaanka oo yaraada
  • Xanuun la dareemo marka neef la qaadanayo ama la qufacayo.

Qaaxadu waxay kaloo saamaysaa xubno kala duwan oo jirka ah sida, xangulaha, kelyaha, maskaxda iyo xataa hab tarankaba. Astaamaha ay sababto xiliyadan waxay ku xiran tahay hadba xubinta ay saamaysay, tusaale hadii ay xungulaha saamayso waxaa qofku dareemaa dhabar xanuun.

Bakteeriyada sababta xanuunka qaaxada ayaa qaar kamid ah daawooyinka awood u leh inay iska caabiso, taasoo aan si sahal ah loo ciribtiri karin. Inta badan waxaa lagu daweeyaa daawooyin soconaya ilaa saddex isbuuc ilaa 6 bilood si loo ciribtiro bakteeriyada.

Talo:

Waxaa aad u hagaag san in qofka qaba xanuunkaan laga ilaaliyo inuu dhex galo bulshada ama xubnaha qoyskiisa ilaa ay daawadu u dhamaanayso ama uu wado ugu yaraan 2 todobaad. Hadaad isku aragto wax calaamad ah oo muujinaya xanuunkaan fadlan booqo dhakhtar.

Check Also

cabitaanka baytaraafka, xanuunka dhiig karka

Cabitaanka Baytaraafka Iyo Dhiig Karka: Maxay Cilmi Baarayaashu Ka Sheegeen?

Dhiig karku ma ahan xanuun u gaar ah dadka waa wayn balse sidoo kale waxa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *