Astaamaha Oof Wareenka (Pneumonia) Iyo Sababaha Keena

oof wareenka, oofta, oof wareen,

Oof wareenka waa infekshan ku dhaca mid ka mid ah ama labada sambab, waxaan sababi kara infekshankaan ilma aragtada sida bakteeriya, fayrus ama fungi. Oofwareentu waxay sababeysaa caabuq ku dhaca kiishashaka hawada ee ku jira gudaha sambabada, kiishashaka waxaa ka buuxsama dareere ama malax, taas oo ka dhigaysa neefsashada mid adag.

Astaamaha oodibta ama oofwareen waxay noqon karaan kuwo khafiif ah iyo kuwo halis gelin kara nolosha, darnaanshada oofwareen waxay inta badan ku tiirsan tahay

  • Waxa sababay caabuqa
  • Ilma aragtada dhaliyay infekshanka
  • Da’da bukaanka
  • Caafimaadka guud ee shaqsiga

Noocyada iyo waxa sababa oof wareenka

Bakteeriyada oofwareen

Waxay saameyn kartaa qof kasta da’duu rabo ha jiro, waxay ka dhalan kartaa hargab daran, bakteeriyaasha ugu caansan ee sababa waxaa lakala yiraahdaa: “Streptococcus pneumoniae” (isterebtokokus nimonay) “Chlamydophila pneumonia” (kalamidofila nimonay) ama Legionella pneumophila (lijiyonela nimofila) Pneumocystis jiroveci (nimosistaysis jirofisi).

Oofwareen waxaa inta badan lagu arkaa dadka qaba difaaca jirka oo itaal daran, sida dadka qaba Aydhiska, ama Kansarka.

Oofwareenta fayrusyada

Waxay inta badan ku dhacdaa caruurta iyo dadka da’da ah

Waa maxay astaamaha oof wareenka?

Astaamaha guud ee bakteeriyada oofwareentu waxay kusoo ifbixi karaan si dhakhsa ah, waxaana ka mid ah

  • Xabad xanuun
  • Jareyn
  • Qandho
  • Qufac qalalan
  • Xiiqleyn
  • Lalabo
  • Murqo xanuun
  • Matag
  • Neef qaadasho degdeg ah
  • Wadna garaac degdeg ah
  • Neef qaadasha oo adkaata

Astaamaha qaar waxay tilmaami karaan xaalad degdeg ah, fadlan raadi dhaqtar sida ugu dhaqsiyaha badan hadaad isku aragtid mid ka mid ah astaamahaan

  • Maqaarka oo buluu noqdo
  • Dhiig soo raaca candhuufta ama xaakada
  • Neef qaadasho shaqo ubaahan
  • Qandho sare
  • Wareer
  • Wadna garaac degdeg ah

Talo

Qof kasta oo qaba sonkoroow, neef, iyo xanuuna kale oo raage waxay halis ugu jiraan oof wareen ama oodin, intabadan waxaa looga hortagi kara tallaal looga hortago bakteeriyada oofwareen iyo hargabka, sigaar cabidda oo la joojiyo waxay hoos udhigeysaa halista infekshankaan. Daaweynta oofwareentu waxay ku xiran tahay waxa sababa.

Check Also

xanuunada maskaxda taleefanka,

Cilladaha Maskaxeed Ee Laga Qaado Isticmaalka Badan Ee Taleefanka Gacanta

Qof kasta oo sita taleefanka gacanta ee casriga ahi celcelis 150 jeer ayaa uu maalintii …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *