Astaamaha Lagu Ogaado Dadka Leh Dabciga Ma-Diidmada (Agreeableness)

Qoraalkaan waxaan kaga hadlaynaa dabciga ma-diidnimada cilmi ahaanna loo yaqaanno “agreeableness” oo ah dabci ay leeyihiin dadka qaarkiis. Dadka dabcigaan leh waa kuwa qalbi furan, naxariis badan oo bulshadu ay jeceshahay si fududna saaxiibbo ku kasbada. Dabcigaani waa mid ah shanta dabci ee waa wayn ee aadamaha, afarta kale waxay kala yihiin:

  • Dabciga furfurnaanta iyo bulshaawinnimada (extrovertion)
  • Dabciga is-xakamaynta (Conscientiousness)
  • Dabciga maskax furnaanta (Openness)
  • Dabciga kacsanaanta (Neuroticism)

Astaamaha lagu garto dadka leh dabciga ma diidnimada: 

Waa dad naxariis badan oo jecel u adeegidda iyo caawinta dadka kale, danaha dadka kale ayay ka horumariyaan tooda. Waqtigooda iyo dedaalkoodaba waxay ku bixiyaan caawinta dadka kale, taasna waxay ka helaan farxad iyo tamar. 

Ma-diideyaashu, guud ahaan waa dad bulshadu ay jeceshahay, la joogoodana farxad laga helo. Dadka badankoodu waxay u arkaan inay yihiin saaxiibbo wanaagsan. Astamaaha dadka leh dabciga ma-diidnimada waxaa ka mid ah:

  • Waa dad bulshadu ay jeceshahay 
  • Waa deeqsiyaal 
  • Waa dad la damqada xanuunka iyo dhibaatooyinka dadka kale 
  • Waxay caawiyaan dadka baahan, waxayna ka dhex muuqdaan ololaha deeq aruurinta, gurmadka iyo caawinta bulshada 
  • Waxay jecel yihiin inay ka qeyb qaataan farxadda dadka kale 
  • Waxay ku fiican yihiin dad la dhaqanka 
  • Waa dad si fudud u samaysta asxaab waxayna leeyihiin saaxiibbo badan 
  • Waxay jecel yihiin iskaashiga iyo wax wada qabsiga 
  • Waa dad beer jilicsan  
  • Waa dad ku kalsoonaada qof kasta oo ay la macaamilaan 
  • Way ka fogaadaan wax kasta oo isku-dhac keeni kara
  • Xukunka dadka kuma degdegaan 

Deeqsinimada: 

Waa dad bixiya wixii ay hayaan, waxay ka qaadaan farxad caawinta dadka kale. Waxay dareemaan abaalgud gudaha ah marka ay wax wanaagsan qabtaan umana arkaan inay tahay naf-hurnimo, waxay u arkaan waajib saarnaa oo ay ka soo baxeen. Deeqsinnimada iyo gacan furnaanta kama ahan is-tusnimo.

Iskaashiga: 

Waxay iska ilaaliyaan isku-dhaca. Waxay jecel yihiin in loo arko nabad-doonno, baahidooda iyo danahooda waxay uga tanaasulaan si aysan u waayin asxaabta badan.

Daacadnimada: 

Waa dad toosan oo daacad ah, waxna ma qariyaan 

is-hoosaysiinta: 

Dadka leh dabciga ma-diidnimada ma ahan dad isla-wayn mana sheegtaan inay ka fiican yihiin dadka kale, waa dad Is-hoosaysiiya. 

Kalsoonida:

Waa dad ku kalsoonaada qof kasta oo ay la macaamilaan, dadka ay la saaxiibaanna kuma sii jirto oo dedaalkooda iyo waqtigooda ayay u huraan, uma arkaan dhib inay dad kale caawiyaan. Kalsooni buuxda ayay siiyaan asxaabtooda waxayna aaminaan in iyagana sidaas oo kale loogu kalsoon yahay. Waxay u nugul yihiin in cid kasta ay iska aaminaan iyagoo u maleeya inay niyad wanaagsan yihiin.

Ma-diidnimadu ma wax wanaagsan baa? 

Faa’iidada ay leedahay ma-diidnimadu waxaa ka mid ah in dadka dabcigaan leh ay yihiin kuwo ku fiican wax wada shaqaynta, la macaamilka bulshada iyo inay xiriiro wanaagsan la yeeshaan dadka kale. 

Si kastaba ahaatee, ma-diidnimadu waxay yeelan kartaa khasaaro. Tusaale ahaan, Ma diideyaasha waxaa ku adag inay keligood shaqo qabtaan. Waxaa kaloo ku adag inay dadka la xisaabtamaan, iyo go’aan qaadashada. Dadka leh dabciga ma-diidnimada waxaa ku adag naqdinta iyo sixitaanka dadka kale.

Dadka ma-diideyaasha ah waxay ka fogaadaan wax kasta oo isku dhac keeni kara, wax walba ayay u huraan si aysan u lumin asxaabta badan sidaas awgeed waxay yeelaan waxyaabo aan dan u ahayn iyaga oo inta badanna dib ugu soo noqda ama dhib u keena.

Shaqooyinka aadka ugu fiican yihiin dadka leh dabciga ma-diidnimada waxaa ka mid ah suuq-geynta, xiriirka dadweynaha, dhaqaale aruurinta, iibka, siyaasadda, kal-kaaliye caafimaad iyo macallinimada. 

Shaqooyinka laga ilaaliyo ee ay badanaa ku fashilmaan waxaa ka mid ah maamulka oo u baahan go’aan qaadasho iyo shaqooyinka u baahan wada-xaajoodka iyo gorgortanka sida ganacsiga

Check Also

cuntooyinka, casho, cashada

10 Cunto Oo Ay Qalad Tahay In Lagu Casheeyo Iyo Sababta Caafimaad Ee Loo Diidayo

Bismillahi, waxaan qoraalkaan kaga hadlayaa cunnooyinka aanan habboonayn in aan lagu casheeyoo taasoo caafimaadka u …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *