Waxaa cilmi ahaan la wada og yahay in kilyuhu ay yihiin shaandhada dhiigga oo shaqo aad u badan u haysa hannaanka shaqo ee qofka, laakiin intaas kuma koobna ee sidoo kale waa isha awoodda iyo tamarta uu qofku ka helo. Labada kilyood waxa ay jirka ka soo saaraan qashinka ka hara cuntada si aysan dhiigga ugu dubin kadibna sun ugu noqon qofka.
Marka cillad ay ku timaado killida ama labada kilyoodba, waxay horseedi kartaa dhibaatooyin caafimaad, Maadaama jirku uusan awoodin inuu si wanaagsan iskaga saaro wasakhda iyo qashinka.
Marar badan waxaa dhacda in bakteeriyo ay soo gasho killida iyadoo soo maraysa kaadi mareenka sidaasna uu infekshan ugu dhaco killida. Haddii aan la daaweyn infekshanka kilyaha wuxuu sababii karaa dhagaxaanta kilyaha ku samaysma iyo howlgabka kilyaha.
Hadaba halkaan hoose waxaan ku soo qaadanaynaa calaamadaha lagu garto infekshanka kilyaha waxayna kala yihiin:
Kaadi badan oo joogto ah:
Haddii markasta ay kaadi ku qabanayso adigoo aan kordhin biyaha ama cabitaannada aad cabto ama adigoo aan uur lahayn ama sonkorow qabin, waxay astaan u noqon kartaa infekshanka kilyaha.
Kaadi ur badan:
Kaadida oo ur badan yeelataa waa astaan kale oo lagu garto infekshanka ku dhaca kilyaha. Urtaan xun way ka duwan tahay urta caadiga ah ee kaadida, sababtu waxay tahay, marka kilyaha uu infekshan haleelo waxay sameeyaan unugyo malax leh, malaxdaasi waxay soo raacdaa kaadida, taas oo keenaysaa urta badan ee kaadida.
Dareen xanuun leh xilliga kaadida:
Marar badan, marka dadka qaar, gaar ahaan dumarku ay isku arkaan kaadida oo gubaysa ama xanuun leh waxay ku qaldaan oo ay moodaan infekshanka ku dhaca kaadi haysta wayna iska indho tiraan. Arintaan waxay astaan u noqon kartaa infekshanka kilyaha, khaasatan haddii ay la socdaan astaamaha ku xusan qormadan.
Kaadida oo qofka ku adkaata inay ka timaado:
Haddii aad isku aragto adigoo ay kaadi ku hayso haddana marki aad damacdo inaad kaadiso ay kaa imaan la’adahay ama aad bilaabi la’adahay, waxay calaamad u noqon kartaa infekshanka kilyaha gaar ahaan haddii uu la socdo xanuun, caabuqa kilyaha ayaa joojinaya inay kaadida si fudud uga timaado qofka.
Dhabar xanuun:
Haddii caabuq uu kilyaha ku dhaco ama infekshan waxay keeni kartaa dhabar xanuun, waayo kilyaha waxay u dhowyihiin dhabarka waxay ku yaallaan dhinacyada laf dhabarta. Badanaa dhabar xanuunku waa mid khafiif ah marka hore. Dhabar xanuunka joogtada ah wuxuu astaan u noqon karaa infekshanka kilyaha sidaas darteed waa muhiim in la baaro.
Dhiig la socda kaadida:
Haddii aad isku aragto kaadida oo dhiig la socdo islamarkaana ay weheliyaan xanuun iyo ur xun, taasi waxay tilmaamaysaa infekshanka kilyaha. Caabuqa iyo infekshanku waxay keenaan in kilyuhu ay dhiigaan, waxaana uu dhiiggu soo raaca kaadida.
Astaamaha hargabka:
Waa calaamad kale oo qarsoon oo lagu garto infekshanka ku dhaca kilyaha, waana inaan lagu qaldin hargabka caadiga ah. Hargabku waxa uu yimaada marka xubin jirka ka mid ah uu infekshan ku dhaco, difaaca jirkana uu la dagaallamayo infekshankaas taas oo keenaysa calaamadaha hargabka. Haddii aad isku aragto hargabka ay la socdaan calaamadaha kor ku xusan, waa inaad si dhakhso ah iskaga baartaa infekshanka kilyaha.