Xanuunka Dhiig Yarida: Calaamadaha Lagu Fahmo Iyo Sida Loola Tacaalo

Dhiigyari ama aniimiya waa xaalad dhacda marka ay yaraato tirada unugyada guduudan/cascas ee kujira dhiiga, unugyadaan waa kuwa ku shaqo leh iney jirka oo dhan gaarsiiyaan ogsijiin, ogsijiinta ayaa ah sheyga ugu muhiimsan ee uu jirku ubaahan yahay si jirka uu u sameysto tamar uu ku qabto shaqada caadiga ah ee jirka,

Astaamaha lasoo dersa qofka qabo dhiig yari ayaa ah kuwa ka yimid ogsijiin yarida soo wajahday jirka.

Waxyaabaha ugu badan ee sababa dhiigyarida ayaa ah heerka maadada birta (iron) ee kujirta dhiiga oo yaraata waxaana loo yaqaanna Iron Deficiency Anemia.

Birta la’aanteeda waxay sababeysaa iney yaraato borotiinka ku jira unugyada guduudan ee loo yaqaano HB (hemoglobin) borotiinka HB ayaa ah borotiinka kasoo xambaara ogsijiin sambabada si loogu geeyo unugyada jirka kuwooda kala duwan, sidaa darteen hadii uu yaraado HB ga qofka waxaa yaraanaya awooda dhiiga uu ku xambaari lahaa ogsijiinta ay ubaahan yihiin unugyada jirka oo idil.

Dadka qaba dhiig yarida waxay inta badan dareemaan daal, waxaana hoos udhaca tayada caafimaadkooda, xaaladaha halista ah ee dhiigyari waxaa kamid ah hadii qofku uusan raadin daryeel caafimaad iney xubnaha ugu muhiimsan jirka ay soo gaaraan dhaawac, kaas oo kadhasha abaar ogsijiineed.

Maxaa sababa xanuunka dhiig yarida?

Waxaa jira saddex siyaabood oo qofku uu kula soo dersi karo dhiigyari waxeyna kala yihiin: dhiigbax, awooda jirka uu kusoo saari lahaa unugada dhiiga cusub oo hoos udhacda, ama jirro sababeysa iney kor ukacdo burburka ku yimaada unugyada cascas ee dhiigga.

Dhiigbax. Marka qadarka dhiig baxxa uu ka bato awooda jirka uu kusoo kabi karo unugyada guduudan ee kuluma dhiigbaxa waxaa imaaneysa dhiig yari. Dumarka dareema caado daran waxaa lasoo dersi kara dhiig yari, tusaale ahaan dadka qaba dhiigbaxa gudaha ah oo sababtiisu ay tahay dhibaato kajirta dheefshiidka waxay halis ugu jiraan iney lasoo deristo dhiig yarida.

Soo saaridda unugyada cascas ee dhiigga oo yaraata. Caadiyan unugyada cascas ee dhiiga waxay nolashooda ku egtahay 120 cisho, hadii jirka uu kuwo cusub kubadeli waayo kuwi dhintay waxaa imaaneysa dhiig yari, sidoo kale waxaa jira waxyaaba sababi kara iney yaraato awooda jirka uu ku sameyn lahaa unugyada dhiigga cascas oo cusub. Waxyaabaha sababa waxaa kamid ah:

Cunada: hadii cunada aad cuneysid aysan lahayn maadooyinka iron, folic acid, vitamin B12 iyo nafaqooyin kale oo asaasiga u ah jirka, waxaa hoos udhici kara soo saaridda unugyada dhiigga cascas oo cusub.

Xaalado caafimaad: cuduradda raaga sida kansarka, sonkoroowga, xanuunada kilyaha iyo HIV/AIDS ayaa ah xanuuno faragelin ku sameyn kara soo saarista unugyada dhiigga oo cusub, dumarka uurka leh waxay noqoon karaan kuwo ay lasoo deristo dhiigyari sababtoo ah waxaa kor ukacayya baahida ogsijiin ee jirka hooyada iyo kan uurjiifka.

Xaaladaha la dhaxlo: caruurta waxay waalidkooda ka dhaxli karaan dhiigyarida aplastic Anemia oo ah xaalad is hortaagi karta soo saarista unugyada dhiigga, sidoo kale waxay dhaxli karaan Sickle Cell Anemia iyo Hymolitic Anemia oo ah xaalado sababi kara in jirka uu burburiyo unugayada dhiiga cascas.

Burburinta unugyada dhiigga oo badata: waxaa jira xaalado qaar oo kor uqaadi kara xadigga jirkaaga uu ku burburinayo unugyada dhiigga. Tusaale ahaan waxaad noqon kartaa qof qaba dhiig yari hadii uu ku haleelo xanuun saameynaya beeryaraha, sababtoo ah beeryarada waa xubinta dhiiga ka saarta unugyada gaboobay, hadii uu xanuun ku dhaco beeryaha waxuu burburineysaa unugyo badan oo fiyoow.

Waa maxay astaamaha dhiig yarida?

Dadka qaba dhiigyari waxay inta badan dareemaan daal. In kastoo ay caadi tahay in qofku uu dareemo daal marka uu qabto shaqo badan ama mid culus, dadka qaba dhiigyari waxay dareemaan daal mar kasta oo ay qabtaan wax yar sababtoo ah waxaa abaar ogsijineed ay soo wajahday unugyada jirka oo idil.

Hadii dhiigyarida ay ka sii darsato waxaa sii xumaanaya caafimaadka qofka oo noqonaya mid laga dareemo isbedelada ku yimaada jirka, maqaarka ayaa noqda mid booreed, cidiyaha ayaa cadaad noqoda, iyo dhiigga oo xinjirta ku yaraata waqti dheerna qaata iney boogta ku bogsato, astaamaha kalana waxaa kamid ah

  • Neefta oo yaraata
  • Xanaaqid ama caro badan
  • Awood la’aan
  • Wareer
  • Gacmaha iyo lugaca oo qabow noqda
  • Wadna garaac
  • Fakarka iyo diirad saaridda oo yaraada
  • Xabad xanuun
  • Hawl gabka galmada

Astaamahaan waxay ubadan yihiin iney marka hore noqdaan kuwo khafiif ah gaar ahaan hadii dhiigyaridu aysan ahayn mid daran. Jirkeena wuxuu isku dayaa inuu kabo dhiigyarida jirto, laakin hadii dhiigyaridu ay sii darsato waxay ka tan badineysaa awooda jirka uu ku kabi lahaa astaamaha dhiigyariduna waxay noqonayaa kuwa waadix ah.

Akhriso: Faa’idada Macdanta Xadiidka, Astaamaha Haday Jidhka Ku Yaraato Iyo Cunnooyinka Qaniga Ku Ah

Talo

Cunada aad cuntid iyo biyahaba waxay ka qeyb qaataan kobaca dhiiga, sidaa darteed waa muhiim in qofku uu cuno quud isku dheeli tiran iyo biyo ku filan jirka, waxaa lagaaga baahan yahay inaad aragtid dhaqtar hadii aad dareemeysid astaamaha kor kuxusan.

Si kastaba ha ahaatee inta badan dhaqaatiirtu waxay ogaadaan iney jirto dhiigyari ayadoo baaritaan ku sameynaya cudurro kale.

Check Also

hurdo yaraanta, hurdo la'aanta

Xanuunnada Iyo Cilladaha Laga Qaado Hurdo Yarida

Xeeldheereyaal u dhashay dalka Ustareeliya ayaa cilmibaadhis ay ku sameeyeen waxa ku dhaca jidhka iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *