Waa run in xidhiidh kasta oo saaxiibtinimo oo laba qof dhex maraa uu ku bilowdo kalgacal iyo xiise aad u sarreeya, laakiin macnaheedu ma’aha in uu ku waarayo wanaaggaas. marmarka qaarkoodna waxa uu ku dambeeyaa xidhiidh sun ah oo nolosha qofka burburiya.
Maxamed Daaha oo ah qoraa iyo dhakhtar ku xeeldheer caafimaadka nafsiga ah ayaa buuggiisa ‘Xidhiidho khatar ah’ waxa uu ku sheegayaa qaar ka mid ah xidhiidhada khatarta ku ah caafimaadka nafsiga ah ee qofka iyo mustaqbalkiisa, sidaa awgeedna ay waajib tahay in qofka looga dabiibo sida xanuunka, si aanu xidhiidhkaasi u sii jirin.
Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Harvard ee dalka Maraykanka ayaa muddo 75 sano ah waxa ay baadhitaan ku samaynayeen xidhiidhada dhowr jiil oo kala duwani, si ay u gartaan raadka uu xidhiidhka aadamaha dhexmaraa ku yeesho noloshooda, gaar ahaan marka uu noqdo xidhiidh sannado badan jira.
Bilowgii daraasadda waxa ay cilmibaadhayaashu aaminsanaayeen in sababta kala duwanaanshiyaha ku keenta nolosha bani’aadamku ay tahay lacagta, magaca, ama in uu qofku dhowrto quruxdiisa iyo muuqaalkiisa duleed, laakiin dhammaadkii daraasadda waxa ay ogaadeen in waxa ugu badan ee raadaynta ku yeesha caafimaadka nafsiga ama jidhka ee qofku uu yahay xidhiidhka wanaagsan ama xun ee uu la yeelanayo aadamaha kale.
Maxamed Daaha waxa uu buuggiisa ku sheegayaa calaamadaha lagu garan karo xidhiidhada caafimaadka qaba, oo ay ka mid yihiin:
- In aad isku aragto shucuur nafsiya oo ah in mar kasta qofka kale kula joogo, wehelkaaga yahay, kuna danaynayo xitaa haddii uu jidh ahaan kaa durugsan yahay.
- In labada qof ee xidhiidhku ka dhexeeyaa isku arkaan dareen ku qasbaya is dhegeysi, iyo iska warqab.
- Ixtiraam isweydaarsi ah, iyo is aqbalaad bilaa shuruud ah; in xaaladda, ficillada iyo hadallada qofka kale aanay dhibin. In uu arki waayo iinta saaxiibkii iyo meelaha uu ku fashilan yahay. macnaheedu ma’aha in uu ku waafaqsan yahay ama sax u arko, balse waa in uu go’aansaday in uu sidiisa ku aqbalo, dulqaadna u yeesho, ama ka shaqeeyo sidii uu uga caawin lahaa bedelista xaaladdaas
- In uu iska ilaaliyo, isaga oo cid kale hadalkeeda ka duulaya in uu aragti qaldan ka qaato saaxiibkii, ama uu xukun iska gaadho isaga oo aan hubin waxa jira.
- In mar kasta uu dareemo in uu fahamsan yahay, in uu dareenkiisu la socdo, in uu mawqifkiisu la midaysan yahay iyo in uu si fudud u aqbalayo waxa uu ka dalbado ama u soo jeediyo.
- Xidhiidhka caafimaadka qabaa waxa uu ka dheer yahay jilista iyo iska yeelyeelka. Waa in qofku uu isagu, isaga uun ahaadaa, isaga oo aan dadaal u gelayn in uu iska dhigo qof kale si uu saaxiibkii u raalligeliyo.
NOOCYADA XIDHIIDHADA SUNTA AH
Xidhiidhada labada qof dhexmara qaarkood ayaa sun ku ah nolosha labada qof midkood, sida uu Dr. Maxamed Daaha buuggiisa ku sheegayna waxaa ka mid ah:
QOFKA ISU-BOGA
Waxaa lagaaga digayaa xidhiidh aad la yeelato qof ah nooca ay culimada cilminafsigu ku tilmaamaan ‘Narcissist’ oo aynu ku macnayn karno qof isagu isu bogay oo aan arkayn wax aan naftiisa ahayn. Qofkani waxa uu kaa rabaa in aad u aragto in uu qof weyn oo karaamo badan yahay, wax kasta oo uu sameeyo ama yidhaahdaana uu yahay waxa ugu weyn ee la samayn karayey. Xitaa haddii ay caddahay in waxa uu falayaa uu keenayo natiijo taban ama dhib ku ah dadka kale, waxa uu kaa rabaa in aad u aragto wax fiican.
Qofkani ma ilaaliyo dareenka dadka kale, waa keligii qummane, wax kasta isagu isku horumariya, naftiisa ayaa mudnaanta koowaad mar kasta u leh, masiibo iyo murugo ayaanay ku tahay in aad dhaliil ka sheegto ama aad kartidiisa iyo muhiimadda hawsha uu hayo shaki geliso.
KU TIIRSANAHA
Waa saaxiib doonaya in uu si buuxda adiga kuugu tiirsanaado, mar kasta iyo waqtigaaga oo dhanba waa uu kuu baahan yahay, diyaarna uma’aha in uu masuliyadaha qaybtiisa qaato. Waa qof mar kasta calaacal iyo cabasho u taagan oo dhinaca taban nolosha ka eega, waa fulay aan ku dhac lahayn, oo xeeladihiisa nololeed kooban yihiin. Waa qof mar kasta diyaar u ah in uu sameeyo wax kasta oo ay ku kacayso raalligelinta qofka ay wax ka dhexeeyaan.
Xidhiidhka noocan ah iska jooji, waayo waxa uu kugu keenaya hawl dheeraad ah iyo masuuliyado joogto ah oo aanad marmarka qaarkood qaadi karin. Waxa uu kugu noqonayaa culays aad ku qasban tahay in aad buuxiso iintiisa iyo waxa uu tebayo.
INDHO LA’AANTA:
Marar badan waxaa dhacda in qofku duruufo hore oo xidhiidhadiisii hore ah uu natiijadoodii kula dul dhaco qofka cusub ee uu xidhiidhku dhex marayo, kaddibna isaga oo aan is ogeyn ayuu qofkii ka soo qaadayaa sida qofkii hore oo kale, wanaag iyo xumaan labadaba. Waxaa la arkaa qofka oo aan arkaynba qofkan uu saaxiibka la yahay shakhsiyaddiisa iyo waxa uu falayo ama odhanayo.
Waxa ay inta badan ku dhacdaa dadka xidhiidhada jacayl ama nacayb ee hore soo maray, sidaa awgeed haddii adigu aad qofkaa tahay waxaa fiican in aad dib u baraarugto oo aad ogaato in qofkani qof kale yahay. Haddii aanu adiga ahayna, waa in aad ka feejignaato in qofka aad la xidhiidhaysaa uu yahay qof xaaladdaas oo kale soo maray, oo kaddibna kugula dhaqma sida xaaladdaas hore.
QOF XANUUN DHIMIRKA AH QABA (PSYCHOPATHY):
Marka laga tago xanuunka dhimirka ee waallida caddaanka ah qofka ku keena, waxaa jira tobannaan xaaladood oo caafimaadka dhimirka wax yeella, kuwaas oo marar badan aanay dadka ku xeeran bukaanku dareemin ama rumaysan karin in uu dhimir ahaan buko.
Dr. Daaha waxa uu buuggiisan ku sheegayaa in xidhiidh aad la yeelato qof aan dhimir ahaan caafimaadkiisu buuxin ay tahay khatar noloshaada burburin karta. Calaamadaha uu sheegay in aad qofkan ku garan kartana waxaa ka mid ah in uu yahay beenaale, haddana awood u leh in uu naftiisa kuu qurxiyo oo aad xiise u qaaddo xidhiidhkiisa. Qof kalgacal badan muujinaya laakiin runtu ay tahay in aanu naxariis iyo jacayl midna haybsan abid. Qof naftiisa iyo nafaha dadka ku xeeran ba dhib iyo culays ku haya, laakiin huwan dahaadh qurux badan oo cidda ku xeerani aanay dhibsanayn.
Qof aragtidiisa, hadalka iyo habdhaqankiisuba dheeldheel iyo ciyaar ku dhisan yihiin. Waxa aad halis u tahay in uu bad cagaha kuu geliyo oo mawqif aanad lahayn iyo aragti aanad la dhacsanayn aad difaacdo, waa qof rabshad iyo cadho u samaysan, talo iyo waano aan qaadan, ugu dambayntana kaa dhigi kara qof bulshada kale ka go’a.
Xeeldheereyaasha cilminafsigu waxa ay ku talinayaan in aad sida ugu dhaqsaha badan u joojiso xidhiidhka saaxiibtinimo, guur ama nooc uun xidhiidh ee idinka dhexeeya qofka noocan ah, iyo in aad sida ugu dhaqsaha badan agtiisa uga dheeraato.
KU DANAYSTE
La saaxiibista ama jaal la noqoshada qofka leh dabeecadda ah in uu ku danaysto wanaagga qofka kale. Qofka habdhaqanka wanaagsan iyo dhibirsanaanta leh marka uu kugu ogyahay dan uu leeyahay oo aad u qumminayso, maalinta kalana masaafad dib kaaga durka. Cadho iyo calool xumo badan ayaa aad ku arki maalinta aad dantiisa oofin weydo, ama cabasho aad naftaada nacdo ayuu kula daba joogi.
Qofka dabeecadahaas ku danaysiga ama ku shaqaysiga ah leh, saaxiibtinimadiisu waxa ay leedahay khatar weyn oo ah in maalin uun uu kuu soo raaci karo cid kugu cadow ah oo uu isagu dan ka dhex arko.
HANTIYID:
Saaxiibtinimada macnaheedu ma’aha lahaanshiyo iyo in qofka aad saaxiibteen uu hantidaada gaarka ah ka mid noqonayo. Hinaasaha waallida ahi jacayl ma’aha, sida ay dadka qaarkii u haystaan jacayl. Sida oo kale hinaasuhu ma’aha dareen lagu arko lammaaneyaasha is qaba ama xidhiidhku ka dhexeeyo ee kala jinsiga ah oo keliya. Waa dareen saaxiibbada caadiga ah xitaa ku beeran oo midkood ka hinaasayo waxa uu kan kale haysto, ama xidhiidh uu saaxiibkiisani la leeyahay cid kale.
Hinaasaha badani waxa uu calaamad u yahay in qofka hinaasayaa uu doonayo in uu saaxiibkan uu u hinaasayaa uu ka mid noqdo hantidiisa. Shakiga ka dhashaana waxa uu burburiyaa xidhiidh kasta oo ay ahayd in uu kalsooni ku dhisnaado.
Heer kasta oo ay saaxiibtinimadu gaadho, haddana waxaa hubaal ah in qof kastaa uu leeyahay seero u gaar ah oo aanu cidna u ogolayn, siro qofeed iyo xogo uu qarsado ayaa jira, waa khasaare saaxiibka doonaya in uu baadho oo uu erey iyo ficil ku lahaado arrimahaaga gaarka kuugu xidhan iyo xisaabahaaga gaarka ah.
Saaxiib dhinac kasta kaaga yimaadda oo ku dadaalaya in uu xitaa kuu yeedhiyo waxa ay tahay in aad samayso.
KA BAXSO XIDHIIDHKA SUNTA AH
Noocyada xidhiidh ama saaxiibtinimo ee aynu xusnay in ay sun yihiin, waa kuwo inta badan qofku uu dabinkooda ku dhaco isaga oo aan dareensanayn illaa uu badweynta dhibta badan dhex muquurto. Haddaba waxaa hubaal ah in dad badani isweydiinayaan, bal in uu jiro hab lagaga badbaadi karo. Halka kuwo kalana ay quus ka istaagaan in xidhiidhkani uu yahay mid la iska furdaamin karo.
Dr. Maxamed Daaha ayaa arrintan laftigeeda buuggiisa kaga hadlaya, isaga oo sheegay in Dr. Robert Firestone oo ku xeeldheeraa cilminafsigu uu caddeeyey in uu jiro xidhiidh malo-awaal ah oo dadka qaarkood u fahmaan in uu qayb ka yahay xidhiidhka caadiga ah. Inkasta oo uu dhibaato iyo xumayn ku yahayna hadana ay weli labada dhinac isa sii dhexgalaan, aadna isugu milmaan, taas oo ku riixda sii jirista xidhiidhka iyo isu dulqaadashada.
Waxa uu noqdaan xidhiidh u eeg mid waalid iyo ilmihiisa oo kale ah oo mid kastaa uu xidhiidhka u dhowraya sida waalidka iyo ilmihiisa. Waxa uu mid kastaa qaadaa masuuliyado aanay suurtagal ahayn in saaxiibka caadiga ahi qaado, laakiin sida ay u badan tahay muddo kaddib qofka xaaladdan ku jiraa waxa uu ku qasbanaadaa in uu xidhiidhka noocan ah ka firdadho, kana xoroobo dabarrada malo-awaalka ah ee ku xidhan.
W/T: Kamaal Marjaan
Xigasho: Al-Jazeera