Arrimo Hurdada Ku Saabsan Oo Ay Tahay Inaad Ogaato

Hadii aynu nidhaa hurdo hala sharaxo ama si hoose haloo faaqido, umaleyn maayo in hal warbixin iyo wax la mid ah lagu sharxi karo, hase yeeshee waxaan si kooban u soo bandhigayaa sagaal arimood oo hurdada ku saabsan. Balse intaan u gudbin qeybahaa muxuu Alle ka yidhi hurdada.

Allaah Subxaanahu Watacaalaa ayaa qur’aanka inoogu sheegay hurdada wuxuuna ydhi:

( waxaanu ka yeelnay Hurdadiina Nasasho iyo Raaxo, waxaanuna ka yeelay Habeenka mid ku dedaaya madowgiisa, waxaanuna ka yeelay Maalinta Risqi raadsasho)

Khuburo badan ayaa isku howlay in baadhitaan cilmiyeysan ka sameeyaan hurdada.waxeyna ka qoreen boqolaal buug oo hurdada uun ka hadlaya.sida hordhaca qormadeena uu ahaa aan mid mid u soo qaato sagaal walxaad ee hurdada.

1-Bini’aadamku marka sadex loo qeybiyo hurdada noloshiisa oo dhan wuxuu ku bixiyaa 25 sano.

2-Waalidka ilmaha ugu horeeya ee u dhasha lixda bilood ee ugu horeysa ma qaataan hurdo ku filan ilaa laba sano uu ka gaadho Ilmahaasi.

3-Qof hurdo’laaan tii ugu dheereyd inta la diiwaan geliyay aduunka waa ruux soo jeeday 11 maalmood.

4-Hurdada ka yar 7 saacadood habeen kasta, waxey yareysaa rajada noloshaada ee filashada (your expectation )

5-Dadka qaar ee dhagaha la’xiliga hurdada dhexdeeda waxey sameeyaan luqada iyaga u gaar ah.

6-Hurdo la’aanta waxey sababtaa in miisaankaada uu kordho isbuuc walba, taasna waa caafimad darro.

7-Marnaba suuragal kuuma aha in adigoo hurda aad hindhisto.

8-Inta badan bini’aadamka wuu badbaadi karaa ugu badnaan laba bilood cunis la’aan, taasi badalkeeda dadku waxey soo jeedi karaan kaliya 11 maalmood hurdo la,aan.

8-Gelinka hore oo aad seexataa ayaa ka wanaagsan gelinka danbe in aad seexatao habeenkii.

9-Ma ogtahay bisadda waqtiga nolosheeda oo dhan marka leysku geeyo in 70% ay hurudo.

Hurdada xooga kuu qabata ee jidhka uu aad ugu baahanyahay kuma xidhna meel goglan kaliya, ee waa hadba goobta ay kugu legado. Sidoo kale maahmaahyo waxaa jira soomaalida tidhaa marka hurdo la soo hadal qaado, tusaalahan ayaa inooga filan (HURDO HABARBA KORIN WEYSAY) oo loo soo qaato dhiirigelinta ruuxa.

Xigashada jariidada sleep, American researchers .iyo baadhitaan ii gaar ah.

Diyaariye: Siciid Xagaa Afrax.

Check Also

uur qaadista, bacriminta, uurka,

Cunnooyinka Sare U Qaada Bacrinimada Ama Awoodda Uuraysiga Haweenka

Nolosha casriga ah ee stress-ka badan, qaabab nololeedka caafimaadka u daran iyo dawooyinka uurka looga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *