Arrimo Haddii Aad Qabato Inta Aad 30 Jir Tahay Si Weyn Kuu Anfacaya Marka Aad 50 Gaadho

mustaqbalka, nolosha,

Marka uu qofku gaadho da’da soddomaadku waa xilliga uu ugu fursadaha badan yahay, waxyaabo badan oo markii hore dhaafay uu daba qabatayn karo, daalkii iyo masuuliyadihii noloshuna aanay weli wada fuulin, inta badan.

Khubarada cilminafsiguna waxa ay aaminsan yihiin in ay tahay da’da ugu habboon ee qofku uu ku sixi karo waxyaabaha noloshiisa ka qaldan, faa’idada sixitaankaasna uu ku dareemi doono marka uu gaadho 50 iyo ka weyn.

Qoraalkan oo aan ka soo xiganay degelka internet ka ee Health and Love Page ayaa ka hadlaya arrimo haddii uu qofku qabto inta uu 30 jir yahay si weyn u anfacaya marka uu 50 gaadho.

Qoraaga oo lagu magacaabo Beth Buczynski waxa uu jilayaa xaaladda dad markii ay 30 jir ahaayeen samayn jiray arrimahan uu ka digayo oo uu soo waraystay iyaga oo hadda markii ay 50 iyo ka weyn gaadheen aad u qoomamaynaya.

1. Sigaarka ha cabbin.

Haddii aad cabtana dhaqso u jooji: “Haddii aad imika i arki lahayd, waxa aad arki lahayd aniga oo jilbahayga daciifka ah ee daallan ku taagan oo kaa baryaya in ugu yaraan aad ka fikirto sigaarka sidii aad isaga joojin lahayd” Waa kharash joogto ah oo badan, ur qadhmuun iyo iyada oo boqolkiiba boqol la hubo in uu dhibaato  caafimaad kugu keenayo. Haddii aad doonayso in aad noqoto 50 jir kansar ka caafimaad qaba, sigaarka cabbistiisa iska daa.

2. Jooji cuntada xun:

Waa run in aad shaqaysan karto oo lacag badan aad samayn karto adiga oo jiray 20naad, 30maad, 40aad, 50maad illaa 90 jirka gaadhsii, dunida oo dhanna waa aad iibsan kartaa marka aad 50 jir gaadho… laakiin ogow in aanad caafimaad iibsan karin. Mar haddii aad 30 gaadhay jooji cuntooyinka degdegga ah (Fudud) sida beergarrada, saanwiijyada, jibiska iwm.

3. Wanaaji xidhiidhka aad la leedahay waalidkaa iyo walaalahaa:

In badan ayaa ay dhacdaa in fikrado kugu soo dhacaan, haddana aad beddesho (Ka noqoto), marar badanna waxaa hacda in aad dadka kugu xeeran aragti ku kala tagtaan, laakiin waxa aad ogaataa in qoysku uu yahay dugsiga ugu fiican ee laga barto sida loola noolaan karo dad aad kala aragti tihiin, sidaa awgeed qoykaaga ha kaga go’in aragti aad ku kala duwanaateen. “Anigu waxa aan ka dhashay qoys aad u dood iyo muran badan.

Haddii aanad si fiican xaalka u fahmin ulana qabsan, waxaa dhici karta in aad aaminto in uu qoyskaagu ku neceb yahay ama adiga qudhaaduna aanad jeclayn, laakiin runtu sidaas ma’aha. Waa in aynu dareenno in qoys ahaan aynu si xor ah isugu sheegno waxa runta ah ee maskaxdeenna ku jira, innaga oo og in xidhiidhkeenna qoysnimo aad uga adag yahay wax hadal iyo muran ina dhex maray ku go’aya” qofka oo ay waalidkii iyo walaalihii cadho ku kala go’aan marka uu 50 jir gaadho ayaa ay dhibtaaa ee inta aanad soddonka dhaafin xal u raadi.

4. Haddii aad 30 jir gaadhay iska jir in ay qorraxdu:

kugu dhacdo adiga oo aan marsan kiriimada ama walxaha kale ee qorraxda fallaadhaheeda jidhka ka ilaaliya: “Doqon baa aan ahaa, taladii la i siinayey waa aan dhegeysan waayey. Ma waxa aad doonaysayaa in jidhku ku yeesho jactad iyo baro cad, iyo in qorraxdu ay ka dhigto jidh khafiif ah oo aan difaac xooggan lahayn, sida anigaba igu dhacday. Mase diyaar u tahay in uu boogo yeesho ama midabkiisa dabiiciga ahi tago. Haddii aad sidaas rabto, waa hagaag eek u soco, oo qorraxda fallaadhaheeda u ogolow in ay jidhkaaga ku dhacdo”

5. Jimicsiga joogtee:

Mar haddii aad soddon jir gaadhay, samayso hab-nololeed firfircoon, si marka aad 50 jir gaadho aanad u noqon ruux aan dhaq-dhaqaaq iyo xarakaad ku jirin. “Iska jir in miisaankaagu kordho, jimicsi same, kuna dadaal in miisaankaagu aanu dhaafin xadka ku habboon jidhkaaga”

6. Bilow in aad lacag dhigato, xitaa haddii aad dhigayso lacag aad u yar:

“Lacag ururso. Waa aan ogahay in lacag dhigashadu ay dhib badan tahay, naftana wax badan oo ay jeceshay ka xakamaynayso, laakiin haddana waa lama huraan” Marka aad 30naadka gasho, celcelis ahaan dadka dakhliga soo gala waa mid noloshiisa uun le’eg, laakiin naftaada ku tababar dabeecadda ah in ay lacag kaydsato. In aad hadda lacag urursataa waxa ay kuu fududaynaysaa in marka ay da’daadu 50 gaadho ee wax-soo-saarkaagu yaraado aanu hoos u dhicin hab-nololeedkaagii soddon jirku.

7. Naftaada bar in waxa ay duruufteeda runta ah u hoggaansanto:

Qof kastaa waxa uu jecel yahay in noloshiisu farxad u ahaato, laakiin in badan ayaa aan aqoonin tubta saxda ah ee ay farxaddaas u mari karaan ama si qaldan u fahamsan farxaddaas gaadhisteeda. Haddii aad hayntaada runta ah u hoggaansanto, noloshaadana aad waafajiso hadba dakhligaaga, waxaa laga yaabaa in aanad sida maalqabeenka u noolaan, laakiin waxaa hubaal ah in aad ku noolaanayso farxad mararka qaarkood ka badan ta maalqabeenka.

8. Habeen dib ha u dhigin ka dhabaynta ujeedooyinkaaga nolosha:

 “Ma in aad guri iibsato ayaa aad rabtaa? Ma guur iyo ubad ayaad dhisi lahayd? Ma buug baad qori lahayd? Ma shahaado jaamacadeed oo kale ayaad diyaarin lahayd, ama si kale ayaa aad waxbarashadaada kor u qaadi lahayd?o kale ayaad diyaarsan lahayd? Ma shaqada ayaad iska beddeli lahayd? Ma siyaasadda ayaad geli lahayd, ama tartan u geli lahayd xafiis dadweyne? Ma ganacsi ayaa aad bilaabi lahayd? Haddii aad mid uun ka mid ah su’aalahan aad HAA kaga jawaabtay, ama aad mid la mid ah niyadda ku hayso, oo ay da’daadu Soddon gaadhay, maanta oo aan berri ahayn ku dhaqaaq hirgelintiisa.

“Hawl kasta bilowgeedu wuu adag yahay, laakiin guushu gaadhisteedu ma sahlana. Waxa aad ogaataa xaqiiqada ah in marka ay da’daadu 30 gaadho uu waqtigu bilaabayo in uu ku socdo xawaare aanad malaysan karin, la beretan waqtiga oo waa sida seefta ee dhaqso u goo inta aanu isagu ku goynin.

9. Hurdada ha u deymo la’aan:

Haddii aad shalay labaatan jirkaagii adkaysi u lahayd hurdo la’aanta iyo tacabka badan, durba maanta xaalku waa isbeddelayaa, oo adkaysigii yaraa, haddii aanad hadda waqtigaaga u qaybin shaqo iyo nasasho ku filan jidhkana dhaqso ayaa aad u dareemi doontaa midho aanad mahadin. “Qolkaaga hurdada oo aad madoobaysato iyo in aad habeenkii iska ilaaliso ilayska muraayadda talishanka ee casriga ah, talefannada casriga ah iyo kombiyuutarku waxa ay kaa caawinayaan in aad hurdo xasiloon seexato. Naftaada ku tababar in hawl kasta oo aad jirto habeenkii saacad go’an seexato, subaxdiina saacad go’an toosto”

10. Ilkahaaga caafimaadkooda daryeel:

“Waa qasab in aad durba u tagtay dhakhtarka ilkaha. Si uu u hubiyo caafimaadka ilkaha, kuwa wax-ka qabasho u baahanna xal u doonay, sidoo kale caafimaadka cirridka u hubiyey” Godadka ilkaha ku samaysma soo buuxso. Ogow oo xaaladda caafimaad darro ee ilkaha haddii aan dhaqso loo xallin waa ay ka sii dartaa uun, hadhowna waa kharashka oo sii kordhay iyo xaaladda oo aan sidii ugu habboonayd waxba looga qaban.

11. Sannadkii 10 buug wax ka yar ha akhriyin:

“Alla maan waqti badan ku soo qaato daawashada talefishanka iyo ciyaarta Fiidyowga” Dadka 50 jir gaadhay ee la waraystay cid keliya oo ka mid ahi ereygan iyo mid ku macno dhow midna ma’ay odhan. Ha illaawin in maskaxda bani’aadamku abid joojin koritaanka, sidaa awgeed ka caawi in ay korto, oo ku quudi cilmiga oo halka ugu badan ee laga dheefaa ay tahay wax akhriska.

12. Da’dii wax urursiga waa aad dhaaftay ee xusuus badan iska reeb:

“Waxa aad tahay taranta waayo-aragnimadaada. Konton jirka inta aad baraarugto ha rumaysan in aad lumisay waqtigii noloshaada ka midka ahaa ee aad xusuusta iska reebi lahayd. Xusuustu ma guumowdo, lamana gubi karo.

13. Dadka wax ku soo celi:

“Wax bixi, oo sadaqadda iyo hadyadda ka sokow, dadkaaga u adeeg, waxa aad dareemi doontaa wanaagga ay u leedahay noloshaada” Wax kasta oo aad bixinayso qalbiga ka bixi, oo bixi adiga oo aan filanayn in aad beddelkiisa hesho ama abaal laguugu hayo.

14. U fiirsi iyo dhugmo yeelo, hana ka baqan in aad ku dhiirrato waxa ku cabsi geliya.

“Guriga ka soo bax oo naftaada ku carbi in aanay ka baqan miidaamada iyo dhiirranaanta. Sawirro badan iska qaad, meelaha laga cabsado istaag oo naftaada adkaysiga ku tababar. Khatarta ku dhiirro, wixii aan guushiisa iyo guul darradiisu kala caddayna dib ha uga joogsan ee hubi ka uu noqonayo. Ogow in ay jiraan kuwa qayrkaa ah oo ku dhiirrada in ay diyaaradda cirka maraysa iska soo tuuraan iyaga oo naftooda ku aaminaya dallad yar oo maro ka samaysan. Noloshaada farxad iyo firfircooni badan ayaa ay ku abuuraysaa, xusuus fiican oo waayo dambe aad nafta ku maaweelisana waa ay kuu noqon.

15. Inta ugu badan ee aad awooddo socdaal oo safarka ha u daymo la’aan:

“Socdaalka iyo dhul maristu waxa ay kuu beddeli karaan si aanu jirin wax la mid ah oo kuu beddeli karaa. Waxa kugu qasmayaan in aad danayso oo daryeesho arrimo kaa da’weyn” Waa waayo-aragnimo, tacabbur iyo cabsi aad u badheedhay, sidaa awgeed haddii aad safarka badsato waxaa hubaal ah in wax noloshaada cabsi geliya aanad arkayn inta kuu hadhay nolosha”

16. Baro sida nafta keli loola faqo si ay arrimaheeda si xeeldheer uga fikirto:

“Ma’ yara wax yaabaha aad ka faa’idaysan karto inta aanad 30 jirka dhaafin, si ay kuu anfacaan marka aad 50 gaadho. laakiin waxa uun aad ka faa’idaysan kartaa haddii aad u hurto waqtiga iyo samirka ay u baahan tahay, oo mar kasta ka yar faa’idada aad arki doonto marka aad 50 jirka gaadho. Fikirka iyo ka fiirsigu waxa ay qofka u fududeeyaan in tallaabooyinka uu qaadayaa ay noqdaan kuwo miisaaman oo caan ceeb iyo taariikh xumo u soo jiidin, waxa aanay u sahlaan in uu caqabado badan si dhib yar uga gudbo.

Naftaada bar in ay yeelato waqti ay isku keliyeysato oo ay dib u qiimayso waxa ay soo martay, waxa sugaya iyo qaladaadka nolosha ee ay samaysay, oo looga baahan yahay in aanay dib u dhicin iyo in ay ka barato duruus wax-ku-ool ah oo mustaqbalka ay kaga gaashaamato in qaladaadkaas oo kale dhacaan.

17. Hoy yeelo:

Inta badan dhalinyaronimadu waxa ay qofka ku dhaaftaa raaxada iyo in uu kharash badan ku bixiyo arrimo laga yaabo in aanay dhaafin saacadaha iyo maalmaha ugu horreeya, waa arrin fiican in nafta la dareensiiyo farxad iyo damaashaad, oo caafimaadka nafsiga ah ayaaba ku jira, laakiin ogow oo gurigu waa hanti lama huraan ah oo inta badan aan dhalinyaronimada lagu ogaan waxtarkeeda. Laakiin baahideeda ugu weyni soo baxdo marka uu ruuxu gaadho 50 jir.

Ku dadaal inta aanad 30 jirka aad ugu weydaaran dhinaca 50 ka in aad yeelato guri kuu gaar ah, waqtigaaga nasashada ayaad ku qaadan waana dhaxal raagaya oo magacaaga ku lammaan.

18. Xusuus-qor yeelo:

“Waxa aad illaawi doontaa qaar badan oo ka mid ah xusuusahaagii quruxda badnaa” in aad qoraal geliso dhacdo kasta oo xiise kuu lihi waxa ay kaa caawinaysaa in aad mustaqbalka ka dhigato maaweelo, mustaqbalkaagana ku noolayso. Kombiyuutarkaaga ayaa hawshaas si fudud kuugu qaban kara, qoraalkuna waa shayga keliya ee aan guunka noqon. Waxaa laga yaabaa in qoraalkaaga maantu uu jacayl kuu geliyo ubadkaaga iyo tafiirtoodaba.

20. Saaxiibbadaa ka dayacin:

“Ha u daymo la’aan saaxiibbada aad og tahay in aad mar kasta xaalkii ugu fiicnaa ku jirto, saaxiibbada talada iyo tusaalaha kula garab taagan, kuwa ku hoga tusaaleeya ee aad warkooda xiisayso, sirtaadana ku aamini karto” Ha illaawin saaxiibkaa, la qosol, waqti aad la sheekaysato u same, ka shaqee guushiisa iyo wanaaggiisa, gacanna ku lahow sidii noloshiisu u wanaagsanaan lahayd, ugu yaraan toddobaad kasta xidhiidh ama kulan la yeelo

20. Haddii aad maanta niyaddaada gelisay dhammaadkaagii soo dhow yahay 50 jirka maxaa aad ku gaadhi?

“Maalinta aad isu aragto in jidhkaagii bilaabay in uu muujiyo caalamadaha gabowga iyo dhammaadka, ayaa kugu dambaysa in aad farxad iyo qosol niyadda ah ku dammaashaaddo, ama in aad isku daydo in aad farxad geliso dadka kugu xeeran” Waa in aad mar kasta niyaddaada xoojisaa si adiga oo xooggan aad u gaadho da’da 50 jirka.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

-Wargeyska Geeska Afrika

Check Also

isla hadalka,

Isla-Hadalka Ama Naf La Sheekaysiga (Self-talk), Noocyadiisa Iyo Faaidooyinkiisa

Isla-hadalka ama Isla-sheekeysiga (Self-talk) waa arrin caan ah oo dad badan lagu arko, wuxuu noqon …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *