Calaamadaha Cillada Argagax Qabadka (Panic Attack) Iyo Dadka Khatarta Ugu Jira

Argagax Qabadka:

Xaalada argagaxa waa dhacdooyin daran oo qofka uu aamino iney ku soo wajahan tahay arin khatar ah ayadoo aysan jirin wax khatar ah, xaalada argagaxa waxay sababi karta inuu qofku aamino inuu dareemayo qabad.

Hadii aan la daweeyn xaaladaan waxay ku kalifeysaa qofka qaba inuu ka fogaado hawlaha dibadda, ayadoo ay sababtuna tahay inuu ka cabsanaayo inuu dareemo argagax qabad kale.

Maxaa sababa argagax qabad.

Badanaa lama garto waxa saxda ah ee sababa. Waxyaaba kala duwan ayaa sahli kara inuu dhaco argagax qabad, waxaana ka mid ah; qofka in qoys kiisa ay hiddo u leeyihiin argagax qabad, iyo in qofka ay la soo deristay wal wal daran.

Yaa halis ugu jira iney ku dhacdo argagax qabadka

Marka laga reebo dadka qoyskooda hiddo u leeyihiin argagax qabad, waxaa halis ugu jira

  • Dadka caruurnimadoodi lagu soo xagdubaay
  • khibrad dhacdo jug ah, sida shil gaari oo halis ah
  • Isbadel weyn oo nolosha ah, sida dhalmo
  • Dhimasha qof aad jeceshay
  • La noolaansha walwal daran

Waa maxay Astaamaha argagax qabadka

Argagax qabadku wuxuu ku dhici karaa si lama filaan ah ayadoo aysan jirin ifi faale digniin ah.

Astaamaha waxaa si tartiib tartiib ah loo dareemaa muddo toban daqiiqo ah, argagaxa wuxuu kiciyaa Sympathetic Nervous System, oo ah dareenka qofka uu helo ee ah “Iskadhici ama ka carar” marka qofka ay kusoo wajahanto khatar.

Astaamaha argagax qabad waxaa ka mid ah.

  • Xabad xanuun
  • Qarqaryo
  • Mergasho
  • iney adkaato wax liqida
  • Dareenka iney dhimasho kusoo foodleedahay
  • Dareen suuxdin
  • Neef qaaadasho saaid ah
  • Lalabo
  • Wadna garaac deg deg ah
  • Jarayn
  • Neefta oo ku dhegta
  • Calool xanuun
  • Dhidid
  • kabuubyo

Dadka qaba argagax qabad waxaa ka tanbadin karta cabsida ka dhalata marka uu ku dhaco argagax qabad, oo waxay dareemaan ineysan ammaan ka ahayn inuu mid kale ku dhaco.

Sidee loo baaraa argagax qabadka.

Astaamaha argagax qabad waxaa la wadaago xaalada kale oo caafimaad oo halis ah, sida wadna qabad. Dadka qaba xaaladaan waxaa looga baahan yahay iney raadiyaan daryeel caafimaad si meesha looga saara xaalada kale ee halista ah oo la wadaagto astaamaaha argagax qabad.

Si meesha looga saaro inuusan jirin wadna qabad, dhaqtarka wuxuu ku saaraa EKG, oo ah qalab lagu ogaado shaqada koronto ee wadnaha, dhaqtarka waxaa kaloo laga yaabaa inuu kuu diro baaris, si loo fiiriyo in dheecaanada qanjirka Thaayroydka aysan ka imaan cilada, sababtoo ah, dheecaanadaas waxay saameeyaan hab garaaca wadna.

Qofka hadii uu dareemo argagax qabad mar qura, taas kama dhigna qofka inuu qabo xalaada argagax qabad, shuruudaha lagu ogaado argagax qabad waxaa kamid ah:

  • Argagax qabad lama filaan oo joogta ah
  • Qofka inuu ku sameeyo isbedel noloshiisa si uu uga foogaado argagax qabad dhaca mustaqbalka
  • In argagax qabadku uusan la xiriirin xaalada kale oo xaafimaad sida, ku xadgudubka maandooriyaasha, cabdisida dhex galka bulshada, iyo murugo

Qofka qaba argagax qabad haduusan raadin daryeel caafimaad, waxay ubadan tahay in ay xaaladaas xumaato oo ay noqoto mid faraha ka baxday.

Talo:

Inta badan argagax qabadku wuxuu ku dhacaa si aan la qiyaasi karin, wayna adag tahay si looga hortago, sidaa darteen bukaanka waxaa laga rabaa iney qaataan tilaabooyin oo ay kor ugu qaadi karan caafimaad qabkooda, tilaabooyinkaan waxay ka caawinayaan iney yaraato dhacdooyinka argagaxa, tan kale waxaa muhiim ah in qofka uu qaato tilaabooyin hoos u dhigi kara xadiga walwalka haysta.

Check Also

caafimaadka kelyaha

10 Cunno Oo Lagu Xifdiyo Caafimaadka Kelyaha

Kelyaha waxay shaqooyin badan oo muhiim ah u hayaan jidhka intiisa kale. Waxaa ka mid …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *