Boorashka waxaa laga helaa nafaqo iyo tamar badan, waxaa ka buuxo fiitamiinnada E, B6, B5 iyo macdano sida birta (iron), selenium, phosphorus, magnesium iyo copper. Boorashka wuxuu hodan ku yahay barootiin iyo maadooyinka sun-saarista, waxaana ku yar dufanka. Sii akhri faa’idooyinka caafimaad ee laga helo boorashka:
Kolesteroolka:
Boorashku wuxuu ka mid yahay cuntooyinka Fiber-ka badan leh, sida sahalka ahna u milma. Waxa uu jirka ka caawiyaa tirtiridda kolestaroolka jirka, waxuuna duxdaas ka mamnuucaa in ay halbawlayaasha dhiigga ku negaato.
Dhakhaatiirta nafaqada iyo cuntada aadamuhu waxa ay ku talinayaan in ay fiican tahay in qofku uu maalin kasta isticmaalo saddex garaam ah boorash ah sababtoo wuxuu ka mid yahay cuntooyinka sidaa dhaqsaha ah dheefshiidka ugu milmaha. Taas oo haddii la caadaysto suurtagelinaya in qofku uu jirkiisa maalinkasta ka saaro boqolkiiba 5 ama 10 dufankaas aan caafimaadka u fiicnayn ah. waxa kale oo ay daraasaddaha cilmiga ahi daahfurayaan in dadka boorasha cunistiisa caadaysta ay ka cimri dheer yihiin dadka kale.
Sonkorowga:
Boorashku waxa uu caawiyaa kantaroolista sonkorta dhiigga waxaana uu yareeya halista cudurka sonkorowga nooca 2-aad. Fiber-ka ku jira boorashka wuxuu kaalin muhiim ah ka ciyaaraa kontoroolka xadiga sonkorta ee ku dhex wareegaysa dhiiga, isagoo hoos u dhigaya burburinta iyo nuugida kaarboheydareytka iyo sonkorta. Dadka macaanka qaba waxaa lagula taliyaa inay maalin kasta cunaan boraash.
Calool istaagga:
Boraashka waxa ku jira fiber oo ah nafaqo u wanaagsan caafimaadka qabka dheefshiidka, waxa uu ka hortagaa calool istaagga, saxaradana wuu jilciyaa, waana sababta ay muhiimka u tahay in maalin kasta la cuno.
Kansarka:
Boorashka waxaa ku jirta Maadada loo yaqaanno “Lignans” oo yaraysa halista kansarrada hormoonka la xiriira sida kansarka naasaha iyo qanjirka borostaatada.
Difaaca jirka:
Boorashka waxaa ku jirta maado la yiraahdo beta-gluten oo la dagaalanta bakteeriyada, sidoo kale waxaa ku jira fiitamiin C oo xoojiyo difaaca jirka.
Miisaanka:
Boorashku waa cuntada ugu fiican ee ay tahay in uu cuno qofka doonaya in uu miisaanka iska dhimo, waayo waxa uu ka mid yahay cuntooyinka baalka leh sidaa awgeed waxa uu u fiican yahay caafimaadka caloosha waxa aanu badiyaa kaadida. Waxa uu ka mid yahay cuntooyinka ugu fiican ee qofka ku abuura dheregga waqtiga dheer ah. hal mar oo aad boorash cuntaa waxa ay kor u qaaddaa xaddiga hormoonka Cholecystokinin ee jirku soo deynayo, taas oo keenta in marka uu jirka ku bato uu xakameeyo ama si aad ah u dhimo amateedka qofka iyo doonistiisa cuntada.
Kaar-jebinta:
Boorashku waxa uu yareeyaa calool xanuunka, xanuunka makaanka ee dumar badani isku arkaan, sida oo kale waxa uu ka mid yahay cuntooyinka aan qofka ka ilaaliya ololka jirka.
Maqaarka:
Boraashku waxa u roon yahay caafimaadka maqaarka wuxuu baabi’yaa hurka iyo cuncunka maqaarka. Wuxuu kaloo caawiyaa qoynta iyo jilcinta maqaarka.
Magnesium:
Boorashku waxaa ka buuxo macdanta magnesium oo ka qayb qaadata tamar siinta, dejinta xididada dhiigga, caawinta murqaha wadnaha, nidaaminta cadaadiska dhiigga iyo ka hortagga wadne istaagga iyo faaligga.