Aqri Qisadaan Cajiibka ah

Mufti Ismail Menk ayaa ka sheekeynayay qiso yar oo ka dhacday Mareykanka.

Nin Muslim ah ayaa wiish uu saarnaa waxaa la soo gashay haweenay Cadaan ah oo qeybo badan oo jirkeeda ah qaawan (aan asturnayn). Ninki hoos buu eegayay, hal marna dhinaceedi ma fiirin. Aad bay uga xanaaqday arrintan, waa marki ugu horeysay nolosheeda oo aan qof eegeyn. Waxay sameynaysay shanqar iyo dhaq-dhaqaaq si ay u soo jeediso balse hal marna xageeda ma eegin. Labadooda keliya ayaana ku wada jira meesha.

Waxay aaminsaneyd in nin kasta ku qasban yahay in uu soo eego ama la hadlo, waxay nafteeda u diyaarin jirtay in ay rag badan soo jiidato. Filan waa bay ku ahayd xaalka ninkan aan hal marna dhinaceeda eegin. Marki wiishki istaagay oo uu baxay ayay ka soo daba baxday.

Waxay ku tiri, “Hey, ma wax baa iga qaldan? Xagee la’ahay? Maxay tahay sababta aad ii eegi weyday?”

Wuxuu ugu jawaabay, “Walaasheydi, waan ku ixtiraamayaa runtii, waxaan ahay nin Muslim ah, waxaa la i faray inaan indhaheyga laabto. Waxaan ahay nin Xaas leh mana aha inaan haweenay kale oo Ajnabi ah jirkeeda eego.”

Hadalki ninkan ayaa aad u taabtay. Waa marki ugu horeysay oo nin sidaa ula hadlo. Mar kasta waxay arki jirtay nin yiraahda “Quruxleyda haye, Waad nuureysaa, waad shidan tahay, Ma ku sii qaadaa, iwm.” Waxay ka codsatay nambarkiisa in uu siiyo.

Mudo ka dib, ayay soo wacday una sheegtay inay Muslim noqotay. Waxay u sheegtay in uu maalintaa fikir ku dhaliyay, gebi ahaana dareenkeedi badalay. Waxay ku tiri, Islaamka waa i Xoreeyay, waxaan saacad hor joogi jiray muraayada si aan make up isaga buuxiyo oo nafteyda dad badan ugu soo jiido balse hada Cabaayad keliya ayaan xirtaa. waxaana dareemayaa kalsooni iyo qanacsanaan gudaha ah oo marki hore iga maqneyd.

Raggu waa in ay indhahooda laabtaan oo aysan eegin dumarka wadada maraya, ay meel ku kulmaan ama Fb sawiro aan asturneyn soo dhiga.

Marna ha dhiirigelin qaaawanaanta, samee wixi Alle ku faray, ficilkaa ayaa laga yaabaa in gabadhaa walaashaa ah uu bedelo.

Maa Shaa Allaah

Share – sii faafi

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *