Aqoon Uyeelo Cuntooyinka Caawiya Joojinta Sigaar Nuugista

In la iska daayo caadada sigaar nuugistu waxa ay u baahan tahay dadaal iyo maamulis dheeraad ah. Laakiin waxaa jira habab ay dadka u kuurgalay aaminsan yihiin in qofka ay ka caawinayso in uu joojiyo sigaarka.

Qoraaga Veronica Muyijo ayaa maqaal ay dhowaan ku qortay wargeyska ‘Confederation’  ee ka soo abxa dalka Spain waxa ay ku xustay noocyo ka mid ah cuntooyinka oo iyaguna qofka ka caawin kara in uu iska daayo sigaar nuugista, sababtuna ay tahay maaddooyinka ku jira oo liddi ku ah maadadda ‘Nicotine’ ee sigaarka ku jirta.

Khudradda

Cilmibaadhisaha arrintan lagu sameeyey waxa ay muujiyeen in khudradda noocyada cagaaran iyo ta midhaha ahba marka la cuno, ay dhadhanka sigaarka aad u xumeeyaan, taasina ay sababi karto qofku haddii uu khudradda cunisteeda joogteeyo, in uu naco dhadhanka sigaarka sidaasna ku joojiyo.

Laakiin hilibka iyo bunka ayaa ay daraasaddu sheegtay in ay dhadhan fiican u sameeyaan sigaarka, sidaa awgeed qofka sigaar nuugga ahi haddii uu cuno hilib ama cabbo bun in uu sii xiisaynayo nuugista sigaarkana.

Xeeldheereyaashu waxa ay ku taliyeen in qofka doonaya joojinta sigaar nuugistu uu badsado cunist khudradaha ay ka mid yihiin, Barakooliga, Muuska, tufaaxa, Koostada, Dabacasaha, bocorka, iwm.

Cabbitaanka badan ee biyaha

Biyuhu waxa ay qooyaan jidhka, waxa ay jidhka ka ilalaiyaan ingagga, waxa aanay qofka dareensiiyaan dhereg. Sida oo kale biyo cabbista badani waxa ay qofka ka ilaalisaa calool istaagga.

Haddaba waxaa faa’iidooyinkaas ku sii biiray in cabbista biyaha badan, oo ah ugu yarana laba litir maalintii, ay qofka ku reebto dareen dhadhamo xumo oo sigaarku yeesho, sidaa awgeed qofka doonaya in uu joojiyo sigaar nuugista waxa lagula talinayaa in uu biyo badan cabbo.

Boorashka

Boorashku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka ay ku jirto maadadda Selenium oo liddi ku ah mariidka/sunta cuntada ka dhalata, isla markaana ka hortag u noqota xanuunnada wadnaha ku dhaca.

Haddaba boorashka iyo xitaa bariiska noocyo ka mid ahi waxa ay jidhka ka saaraan sunta ay ku samayso maadada Necotine ee sigaarka ku jirta.

Baradhada

Baradhada waxaa ku jira gan iyo kaarboohaydarayt aanu jidhku awood u lahayn in uu dhaqso u nuugo, sidaa awgeed waxa ay qofka ku abuurtaa adareen dharag, waxa aanay caawisaa in uu joojiyo sigaarka.

Shaah

Shaahu waxa uu ka mid yahay cabitaannada adduunka ugu magaca dheer, taariikh fogna ay aadamuhu isticmaalayeen, iyaga oo mararka qaarkood dawo ahaan u qaadanayey. Baadhitaannada shaaha lagu sameeyeyna waxa ay ka marag kaceen in uu faa’iidooyin caafimaad leeyahay, isla markaana aanu dhibaato u geysan caafimaadka. Waxa kale oo hadda la ogaaday in cabista shaahu ay yarayso doonita sigaarka ama dareenka xaraaradda loo yaqaanno ee qofka ku kallifa in uu sigaar shito. Waxa kale oo shaaha ku jira maaddooyin liddi ku ah mariidka oo jidhka ka sifayn kara sunta nicotine ta.

Xawaashyada

Waxaa jira xawaashyo badan oo caawiya daweynta raadadka caafimaad darro ee sigaarku jdihka kaga tago. Waxaa ka mid ah busbaaska noocyadiisa kulul, sinjibiisha, qorofalka, toonta iyo caleenta kamsarta loo yaqaanno.

Xawaashyadan kala duwani waxa ay jidhka ka saaraan dareenka qofka u xiise gelinaya nuugista sigaarka. Waxa aanay ka daweeyaan sunta uu sigaarku jidhka ku reebo.

Badarka

Badarku waxa uu hodan ku yahay ganka waxa nu faa’iido caafimaad oo badan u leeyahay midhicirada. Sidaa awgeed wxa ay xeeldheereyaasha nafaqadu ku talinayaan in qofku uu cuntooyinkiisa ku daro badarka. Waxa kale oo cilmibaadhisaha dambe ay caddaynayaan in badarka oo hadhuudhka/garowga, qamandida noocyadeeda, iyo gallaydu ay ka mid yihiin in ay qofka ka yarayso xiisaha sigaar nuugista.

Cuntooyinka sigaarka dhiirrigeliya

Xeeldheereyaashu waxa ay ku talinayaan in qofka sigaar nuugista joojinayaa uu toddobaadada u horreeya oo dhan iska ilaaliyo cuntooyinka dufanka badan leh, sida hilibka noocyadiisa, caanaha iyo cuntooyinka laga soo dheegto, iyo guud ahaan cuntooyinka ay ku badan yihiin Kalaariyadu, isla markaana aan lahayn qiime nafaqo oo la sheegi karo. Waxa kale oo ay khubaradu sheegeen in cabbitaannada sonkortu ku badan tahay iyo bunkuba ay kordhiyaan xiisaynta sigaar nuugista.

Marka uu qofku ku guulaysto joojinta sigaar nuugista dib ayaa uu ugu noqon karaa isticmaalka cuntooyinkan, laakiin markaas laftigeeda ayaa ay khubaradu ku talinayaan in si tartiib-tartiib ah uu ugu noqdo.

Waxa kale oo ay khubaradu ku talinayaan in qofka doonaya in uu sigaar nuugista iska joojiyaa uu wax ka beddelo hbka cunto qaadashadiisa. Tusaale ahaan waa in uu cuntada uu cunayo aad u yareeyo, waa in uu cuntada si aad ah u calaaliyo, in uu cuntada ka hor koob biyo ah cabbo, ama uu sameeyo jimicsi fudud, iyo in uu cunto kasta kaddib cadaydo.

Sigaar joojintu miisaanka ma kordhisaa

Waxa jira dad badan oo ku dooda haddii sigaar nuugista la joojiyo in uu miisaanka qofku kordho, baadhitaanno la sameeyey ayaa iyaguna muujiyey boqolkiiba 85 dadka sigaar nuugista joojiyey in miisaankoodu uu kordhay. Laakiin xeeldheereyaasha dadka kala taliya sigaar nuugistu waxa ay sheegayaan in ay tahay xaalad si fudud looga hortegi karo.

Cilmibaadhis natiijadeeda lagu faafiyey majaladda British Medical Journal oo ka faalloota arrimaha caafimaadka, ayaa lagu sheegay qofku marka uu sigaarka iska daayo in saddexda bilood ee ugu horreeya uu miisaankiisu kordho celcelis ahaan 4.7 kiiloogaraam.

Sababtuna ay tahay maadadda Nicotine ee sigaarka samayskiisa ku jirta oo disha doonista cunto ee qofka (Amateed) taas oo macnaheedu yahay in qofka leh caadda sigaar nuugistu uu qaato cunto yar, marka uu qofku sigaarkii iska daayana ay dhacayso in ay korodho cuntadii uu cunayey. Korodhkaas kediska ah ee cuntada ayaa ay xeeldheereyaashu sheegeen in ay miisaanka kordhinayso.

Waxa aanay ku talinayaan in qofku mrka uu sigaarka joojinayo, ay fiican tahay in uu sida oo kael wax ka beddelo nidaamka cunto, isaga oo ku xisaabtamaya in baahidiis cunto ay kordhayso. Taas oo uu kaga hortegi karo in miisaankiisu uu kordho. Waxa kale oo qofka sigaarka joojiyey lagula talinayaa in uu sameeyo jimicsi iyo in uu hurdo ku filan seexdo.

W/D: Kamaal Marjaan

Check Also

cabitaanka baytaraafka, xanuunka dhiig karka

Cabitaanka Baytaraafka Iyo Dhiig Karka: Maxay Cilmi Baarayaashu Ka Sheegeen?

Dhiig karku ma ahan xanuun u gaar ah dadka waa wayn balse sidoo kale waxa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *