Lamaane markaa is guursaday ayaa ku socdaalay doon yar si ay magaaladoodi ugu noqdaan. Durbadiiba, dabeyl aad u weyn ayaa badi kicisay, doontina rogi rabtay. Ninku wuxuu ahaa nin adag oo karti badan wuxuu muujiyay deganaan & xasilooni, gabadhi ayaa baqday, quusna is taagtay. Iyadoo gariireysa ayay tiri, “miyaadan adigu baqeyn? Tan waxay noqonaysaa xilligi nolosheena ugudambeysay, maxaa doontan na soo saaray? waan dhimaneynaa.. Wax samee. Maad ii jawaabto? Iwm.
Ninki ayaa seeftiisi galka ka soo saaray. Gabadhi ayaa yaabtay oo is tiri muxuu hada seeftan ku sameynayaa duufaan baa na heysatee? Seeftii ayuu dhuunta ka saaray, markaasuu ku yiri, “ma baqeysaa hadda”.
Waxay bilowday inay qososho waxayna tiri, “sidee u cabsadaa Seefta gacantaada ayay ku jirtaa, waxaana ogahay inaad i jeceshahay.”
Seefti ayuu galka ku ceshaday, wuxuuna ku yiri, jawaabta waad heshay. Dabeysha gacanta Alle ayay ku jirtaa!, waxaana ogahay in Alle na jecelyahay. Wax kastoo nagu dhaca Khayr bay ahaanayaan, haddii aan badbaadno waa Khayr, haddii aan badbaadi wayno waa Khayr. Annagu dadaalki dhinaceena waa la nimi, Alle ayaana tala saaranay.
W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje