Akhrisku waxa uu kamid yahay afarta xirfad barasho ee waawayn, waana midka ugu muhiimsan ee aqoontu kasoo maaxato. Qormadan kooban waxaan diirada ku saari doonaa in aan wax ka iftiimiyo sida umaddaha aduunku ugu kala duwanyihiin akhriska, faa’iidada akhrisku u leeyahay shaqsiga iyo bulshada iyo inagu bulsho ahaan heerka
aynu ka joogno akhriska.
Ugu horayn hadaan milicsano ummadaha kala gadisan ee caalamkan kuwada nool, innaga oo ka eegayna sooyaalkooda siyaasadeed, dhaqaale, farsamo iyo waliba garaadka aqooneed ee bulsho, waxaa si fudud kuugu muuqanaya sawiro aad u kala duwan oo ku tusaya bulsho kasta halka ay ka joogto arrimahaas.Waana taas ta keentay in aduunkan oo mida iyo dadka ku nool oo Aadam wada dhalay in ay hadana u kala baxaan ummado horumaray, ilbaxnimo leh, waxna gumaysta iyo qaar kaloo dib u dhacay, aqoontoodu hoosayso lana gumaysto.
Hadaba waa makhraati ma doon in qofka fayoow durbaba ay maskaxdiisa kusoo degdegi su’aasha ah maxaa sababay in umadduhu sidaas u kala duwanaadaan.
Jawaabta oo kooban waa heerka aqoontooda oo kala sareeya. Wadamada horumaray waa ay ka aqoon, xirfad iyo ilbaxnimo badan yihiin kuwa kale, taasna waxaa kuu cadaynaya heerka ay ka gaadheen culuumta kala duwan iyo wax soosaarkooda.
Waxaad na ogaataa akhriska iyo saxiibkiisa dhabta ah waa qoraalka ee in ay yihiin furaha aqoontan la isku dhaafay. Iyadoo aynu wada ognahay sida ummadaha horumaray uga akhris iyo aqoon badan yihiin kuwa dib udhacay, waxaan tusaale fudud usooqaadanaynaa war bixin uu sanadkii 2014 daabacay wargayska Mental floss taas oo faraysa umad kasta iyo qof walboo hormar raadis ah inuu badiyo akhriska.
Waxaan ka soo qaadanaynaa Saddexda wadan ee caalamka ugu akhriska badan iyo inta saacadood ee
dadkoodu wax akhriyo todobaadkii celcelis ahaan.
1. India = 10 saac, 42 daqiiqo
2. Thailand = 9 saac, 24 daqiiqo
3. China = 8 saac
Hadaba akhristaw ma shaki baa kaaga jira in saddexdaas wadan ay hormar xawli ah ku socdaan? Mase ogtahay in ay ku jiraan hayaan dheer oo ay ku gaadhayaan umaddaha horumaray? Jawaabta adaan kuu dhaafi!
Hadii aan aragnay sida umaddaha aduunku ugu kala duwan yihiin akhriska in ay wax walbana ugu kala duwanyihiin, bal aan wax yar ka idhaahdo faa’iidada akhriska ee qof ahaaneed iyo ta bulsheed.
Ahmiyada akhrisku uma baahna sharaxaad badan waayo waa sida qorraxda oo kale cid caqli u saaxiibana kama qarsoona waa tay soomaalidu dhihi jirtay “waa baryay sacabo laguma qarin karo” oo kale. Waxaa kaloo iyana kugu filan Diinteena xaniifka ah meeqaanka uu akhrisku kajoogo, iyadoo quraan ka kariim ka ah Eebe SWC ku bilaabay “IQRA” Akhri iyo sidii saxaabadii Rasuulka SCW iyo culimadii hore ee islaamka agtooda uu ka ahaa akhrisku.
Tusaale fiicana waxaa inoo ah xiligii dawladii Cabaasiyiinta halka ay reer Baqdaad ka gaadheen akhriska iyo qoraalka iyo sidii dhalinta caalamku ugu xerayn jireen Baqdaad.
Hadaba hadii aan wax yar ka sheego faa’iidooyinka bulsheed ee qoraalka waxaa kamida:-
- Akhrisku wuxuu kobciyaa garaadka bulshada.
- Waa furaha ilbaxnimada iyo aqoonta ee bulsho.
- Wuxuu sahlaa isfahanka bulshada iyo isu dulqaadashada iyadoo la kala fikir duwan yahay.
- Wuxuuna kobciyaa xirfadaha bulshada iyo dhaqaalohooda.
- Sidoo kale akhrisku waxa uu faa’iido balaadhan oo aan la soo koobi karin uleehay akhristaha wax yar hadaan ka xusnana waxaa ka mida:-
- Waxa uu kobciyaa garaadka maskaxeed iyo ka aqooneed ee qofka.
- Waa furaha xogaha iyo wadooyinka cusub ee lagaga gudbo daruufaha ku meersan nolosha.
- Wuxuu kula wadaagaa aqoon iyo khibrad dad hore oo aadan si kale ku hesheeen.
- Waxa uu kor uqaadaa kalsoonida, wuxuuna ku barayaa samaynta fikrado iyo qorsheyaal cusub.
Isku soo duuduuboo, akhrisku waa furaha aqoonta iyo ilbaxnimada. Waxa uuna saamayn ogan kuleehay nolosha shaqsiga iyo ta bulshadaba.
Qofka akhriska u waaya wakhtina waa sida qofkii uu Dr. Sajid lahaa ‘waa qof wakhti u waayay cunada iyo cabitaanka oo kale!’.
Hadaba hadii akhriska saa umihiimsanyahay, saamayn togan oo balaadhana kuleehay shaqsiga iyo bulshada inagu kaalintee ayaan kaga jiraa akhriska? Shaki male in aynu heerka ugu hooseeya kaga jiro.
Waxaan kusoo gunaanadayaa aan akhriska galino waqtiga aan galinay Qaadka, Qabiilka iyo Fadhi-kudirirka, si aan ugaadhno hormar waara ummadaha qayrkeen ah na ula tartano.
Tixraac:
JJ Wong, Why Reading is so important.
99 Ways To Get Kids To Love Reading” Mary Leonhardt.
‘Al-Qiraa’a Ad-dakiyah, Dr Sajid Al-cabdali’
‘Muna axmed, ‘hadii aad ogaan lahayd faa’iida akhriska!’
W/Q: – Maxamed Badel Cali “Taqwiim”
Kalasoo xidhiidh: taqwiim99@hotmail.com