Ahmiyadda Ay Leedahay Xusuus Qorka Oo La Caadaysto

Xusuus qorka maalinlaha ahi waxa uu waayaha qaar ahaan jiray caado lagu faano, laakiin aad ayaa ay hoos ugu noqotay intii uu soo baxay internet ku, gaar ahaan warbaahinta bulshada (Social Media). Dad aad u badan ayaa dhacdooyinka ay maalinlaha ula kulmaan iyo aragtidooda waayaha maalin kasta ay waajahaan waxa ay dhaqso ugu baahiyaan baraha xidhiidhka bulshada.

Si kastaba ha ahaato ee baadhitaanno la isku barbar dhigay waxyaabaha qofku uu ku qori jiray xusuus qorkiisa maalinlaha ah iyo qoraallada aynu dhigno baraha xidhiidhka bulshada, waxaa lagu ogaaday in ay aad ugu kala duwan yihiin dhinaca xogta la qorayo iyo faahfaahinteeda. Sababtuna waa in qofka baraha bulshada wax ku qorayaa aanu marar badan ku dhici karin in uu si badheedh ah u caddeeyo arrinta uu wax ka qorayo, iyo in aanu helin xorriyaddii uu haysan lahaa haddii uu wax ku qorayo buuggiisa gaarka ah. Taasi waxa ay suurtagelinaysaa in marka ay duruufuhu saamaxaan uu xusuusqorkan oo faahfaahsan dadka la wadaago.

Xeeldheereyaashu waxa ay sheegeen in xusuus-qorka maalinlaha ahi uu wanaajiyo caafimaadka jidheed iyo nafsadeed labadaba, isla markaana uu xoojinayo awooddiisa maskaxeed iyo hal-abuur.

Dhacdooyin iyo sheekooyin badan oo aad maanta goobjoog u tahay ama qayb ka tahay ayaa laga yaabaa in aanay macno badan kula lahayn, laakiin xilli dambe oo da’daada ka mid ah uu qiimahoodu soo baxo, ama ay qasab noqoto in jiilasha innaga dambeeya taariikh ahaan loogu gudbiyo.

Haddii aanad hore xusuus qor u lahayn maanta bilow oo dhacdo kasta oo aad u aragto muhiim qor, goobta iyo goorta, jilayaasha, sababaha, cawaaqibka ka dhashay iwm. berri waxa ay noqon doontaa xog miisaan leh oo buug laga dhigi karo ama cid ka faa’idaysata loo sii werin karo. Haddiiba ay dhacdo in aanay faa’ido yeelan oo aad tuurto, waxa aad niyadda gelisaa in ay ka xumaan lahayd adiga oo inta aanad qorin, aad muhiimaddeeda ogaato beri dambe oo aanad xasuusan karin faahfaahinteeda.

Sida lagu xusay warbixin ay wakaaladda AP faafisay, faa’idooyinka xusuus qorka oo la caadaysto laga helo waxaa ka mid ah:

  1. Waxa ay xoojisaa xusuusta qofka.
  2. Waxa ay xoojisaa awoodda hal-abuur iyo curineed ee qofka.
  3. Waxa ay dhistaa kalsoonida uu qofku naftiisa ku qabo.
  4. Waxa ay wanaajisaa doodda iyo awoodda gorfayneed ee qofka.
  5. Waxa ay xoojisa caafimaadka jidheed iyo nafsadeed ee qofka.
  6. Waxa ay kobcisaa oo wanaajisaa habqoraalka qofka.

TALO:

Muhiim ma’aha halka aad ku qoraysaa, buug iyo qalin, talefan, kombiyuutar iwm, laakiin waxaa muhiim ah:

  1. Joogtayn: In 3-dii ama 4 tii maalmoodba aad 15 illaa 20 daqiiqo u fadhiisato qoraalka wixii muddadaas aad u soo joogtay.
  2. Waxa ay xeeldheereyaashu ku taliyeen In qoraalkaaga aad samayso subaxnimada ama ugu yaraan gelin hore ee maalinta.

MAXAAD QORI?

Marar badan qofka qoraalka xusuus maalmeedka waxaa ka hor istaaga isaga oo u arka in aanay jirin arrimo mudan xusuus oo uu la kulmay maalmahaas. Waxa se aad ogaataa in waxyaabaha ay tahay in aad qorto ay ka mid tahay; in aad qorto dareenkaaga caadiga ah ee ku aaddan maalintaas (Sida dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha bulshada iwm), sida ay cimiladu tahay maalintaas, cid muhiim ah oo aad la kulantay, buug aad akhriday ama hal qodob oo aad buug akhris ka faa’iday iwm.

W/Q: Kamaal Marjaan

Facebook Page: Kamaal Marjaan

Check Also

4 Hab Oo Masuul Kasta Uu Ku Kasban Karo Dadka Shaqada Uu Ku Maamulo

In xidhiidh kalsooni ahi uu dhex maro maamulaha iyo shaqaalaha uu la shaqaynayo ama guud …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *