Ahmiyada Ay Leedahay Qashin Saaridda Jidhka!

Qashin saaridda jirka waxa kaliya ay sameyn karto ma ahan qurxinta maqaarka, ee waxey kaloo siyaadin kartaa heerka tamartaada, kor uqaadista habka dheefshiidka iyo yareynta miisaanka.

Qashin saaridda waxay socotaa muddo kooban waxaana loogu talo galay in jirka sunta looga saaro.

Qashin saaridda jirka ma ahan arin si dhaqsa ah uridda miisaanka. Ujeeda waa in culeyska laga qaado xubnaha jirka qashin saara sida kilyaha, beerka iyo mindhiciraha sidoo kale qashin saarka wuxuu kor uqaadayaa shaqada xubnahaas.

Hadii aad u baahan tahay inaad culeyska ka qaado xubnahaas ama aad mararka qaar qashin saarto jirkaaga, raac qodobadaan oo isku day inaad sameysid hal mar bil kasta.

Qorshahaan waxaa loogu talo galay inuu socdo todobo cisho.

Marka hore waa inaad fiirisaa cunnadaada oo aad go’aan sataa xiliga aad rabtid inaad bilowdid qashin saaridda jirkaaga, kedib waa inaad ka fogaataa barnaamijyada caqabad ku noqon kara qorshaha sida, xafladaha iyo aroosyada. Ogoo dadka qaar waxey dareemaan madax xanuun ama saxaro jilicsan. Waa arin ka dhalata joojinta cunnooyinka qaar. Astaamahaan waa kuwo intooda badan yaraado inta u dhexeysa 24-48 saacadood.

Cunnooyinka laga foogaado.

  • Buskutka
  • Xalwada
  • Nacnaca
  • Sodhada
  • Malabka
  • Caanaha
  • Bariiska
  • Baasatada
  • Sonkorta
  • Sigaarka

Cunnooyinka lagu raaxeysto

  • Miraha: fawaakihaad kasta
  • Qudaarta: qudaar kasta oo cusub ama fresh ah
  • Kaluunka
  • Hilibka aan cadiinta laheyn
  • Fuulka
  • Ukunta/beydka
  • Saliid saytuunka
  • Lawska
  • Shaaha cagaara, shaaxa aan kafeyga laheyn
  • Biyaha: hal ilaa saddex litir maalin kasta

Qorshaha qashin saarka ee todobada maalin

  1. Marka hore qashin saar niyadda. Adigoo ku xirnaanaya diinta, ku tukanaya salaada masjidka
  2. Cabidda biyo lagu daray liima dhanaan: hanoqoto waxa ugu horeeya ee aad cabtid subaxdi
  3. Jimicsi: ugu yaraan soco ama rucleey 1 saac maalin kasta oo ka mid ah todobadaas maalin
  4. Cun qudaarta aan la karin sida karootada/dabacase, barbarooni, yaanyada
  5. Isku day inaad maalin kasta cabtid saddex litir oo biyo ah. Biyaha waxey caawinayaa kilyaha si ay u qashin saaraan dhiigaaga.
  6. Xoq jirkaaga oo dhan: maqaarka oo lagu xoqo buraash wuxuu caawinayaa in dhiiga uu gaaro jirka oo dhan, ka bilow xoqitaanka lugaha iyo gacmaha adigoo u sii gudbaya jirka oo dhan. Ka fogoo xoqidda meelaha jilicsan sida, dhuunta, wejiga iyo meelaha boogaha leh. Marka aad isku xoqdid buraash kedib qubeyso adigoo ku meyranaya biyo qabow ah, si dhiiga uu ugu qulqulo maqaarka oo dhan.
  7. Calaali cunnada ugu yaraan 10 ila 15 jeer inta aadan liqin ka hor. Calaalin taas waxey howsha ka fududeyneysaa habka dheefshiidka.
  8. Soon maalmaha isniinta iyo khamiista: waxaa la aamin san yahay soomidda laba maalmood isbuuc kasta in ay nadiifiso jirka, ayadoo u sahleysa in difaaca jirka uu gudaha ugalo meelaha godadka cunnada ay ku harto ee kamidka ah habka dheefshiidka, waxaa sahlan in difaaca jirka uu cagta mariyo wax walba oo jirka dhib u keeni karo, sidaa darteen soonku wuxuu wadada u nadiifinayaa difaaca jirka.

Fiiro gaar ah: Ha qashin saarin jirkaaga hadii aad leedahay uur, naasnuujineysid, tahay qof da’ ah, qabtid dhiig kar, tahay qof caato ah ama arintaan ay tahay mid kasoo horjeedo talada dhaqtarkaaga.

Check Also

uur qaadista, bacriminta, uurka,

Cunnooyinka Sare U Qaada Bacrinimada Ama Awoodda Uuraysiga Haweenka

Nolosha casriga ah ee stress-ka badan, qaabab nololeedka caafimaadka u daran iyo dawooyinka uurka looga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *