Agoolka Ama Toxobta: Sababaha Keena Iyo Qaababka Dabiiciga Ah Ee Looga Takhalusi Karo

Agoolka ama toxobta waa xaalad waqti dheer qaadata kuna dhacda dad badan. Agoolku waxa uu badanaa ku samaysmaa madaxa khaasattan maqaarka madaxa.

Agoolku ma ahan wax la isku gudbin karo ama xaalad halis ah balse waa xaalad qofka dareensiin karta ceeb iyo yaxyax sidoo kale waxaa adag sida loo soo afjaro ama loo dabar gooyo. Balse waxaa nasiib wanaag ah in lala tacaali karo ama laga hortagi karo iyada oo aan la isticmaalin dawooyin.

Maxaa sababa agoolka?

Waxyaalo badan ayaa sababi kara agoolka, waxaana kamid ah:

Maqaarka madaxa oo saliid badan yeesha:

Xaaladan waxay kamid tahay kuwa ugu badan ee sababa agoolka, waxaa lagu gartaa maqaarka oo casaan ama guduud noqda, maqaarka oo yeesha dufan badan isla markaasna waxaa dusha ka fuula qolof cad cad ama huruud ah. Agoolka noocaan ah waxaa lagu arkaa meelaha saliidu ku badan tahay. Sida maqaarka madaxa, suuniyaha, dhinacyada sanka, dhagaha gadaashooda, gumaarka, iyo mar marka qaarkood kil kilaha.

Madaxa oo aan lagu maydhin shaambo:

Madaxa oo la maydho iyadoo aan shaambo la isticmaalin waxay ka qayb qaadataa in agool uu ku samaysmo madaxa ama timaha. Shaambadu waxay madaxa ka nadiifisaa saliida iyo unugyada dhintay ee maqaarka duk saaran.

Fangaska:

Fangaska noociisa loo yaqaan “Malassezia” wuxuu badanaa ku dhashaa maqaarka madaxa khaas ahaan dadka waawayn ayuu ku badan yahay. Fangaskani wuxuu sababi karaa in madaxu cun cun yeesho iyo in unugyada madaxu koriimo badan sameeyaan.

Unugyada maqaarka madaxa oo dhinta kedibna daata:

Marka unugyada madaxu dhintaan way soo daataan balse hadii unugyo kabadan inta caadiyan dhimata ay dhintaan waxay ku ururi karaan maqaarka madaxa kolkaas oo ay ka qayb qaadan karaan samysinka agoolka.

Maqaarka madaxa oo qalala:

Qalaylka siyaadada ah wuxuu ka qeyb qaadan karaa samaysmka agoolka.

Sidee looga hortagaa?

Agoolku waa wax laga hortagi karo lana dawayn karo.

Hadaba iskuday inaad raacdid qodobadaan si aad uga hortagtid agoolka.

  • Isku day inaad maaraysid walwalka ku haya. walwalku wuxuu dhibaato u gaystaa guud ahaan caafimaadka qofka, sidoo kale walwalka joogtada ah wuxuu kugu dhalin karaa agool.
  • Isticmaal shaambo markaad maydhaynaysid. Shaambadu waxay yaraysaa dufanka madaxa, hadii aad madaxa ku leedahay dufan badan waa inaad maalin walba ugu yaraan hal mar ku maydhatid shaambo.
  • Isku day inaad heshid qorax kugu filan maalin kasta, balse xasuusnow inaadan u baahnayn inaad qoraxda isku dhigtid waqti badan.

Waxyaabaha dabiiciga ah ee lagula tacaalo agoolka:

Khalka tufaaxa:

Khalka tufaaxa waxaa ku jirta aashito caawisa dheelitirka heerka pH ta madaxa islamarkaana la dagaallanta agoolka ama toxobta.

  • Isku dar 2 qaado oo khalka tufaaxa ah iyo 2 qaado biyo ah, mari madaxa adigoo u deynaya nus saac kadibna ka maydh biyo iyo shaambo.
  • Samee habkaan hal mar toddobaad kasta si aad u hesho natiijo ku raalli gelisa.

Saliida qumbaha:

Saliid qumbadu waxay timaha siisaa qoyaan dabiici ah, waxayna basada ka ilaalisaa engagga ama qalleylka.

  • Ku daliig madaxa saliid qumbe diirran adigoo u deynaya muddo 1 saac ah.
  • Kaga maydh shaambo iyo biyo.
  • Ku celceli habkan toddobaadkii hal mar.

Dacarta:

Dacarta waxaa ku jira walxo liddi ku ah hurka, bakeeriyada iyo fangaska, sidaas awgeed waxa ay dejisaa cuncunka madaxa waxayna yareysaa agoolka.

  • Dareeraha dacarta mari madaxa.
  • U daa nus saac kadib biyo kaga maydh
  • Samee habkan hal mar toddobaad kasta

Malabka:

Malabku waxa uu caawiyaa dheellitirka pH-ta basada. Waxaa ku jira maadooyinka awoodda badan oo liddiga ku ah bakteeriyada, fangaska, iyo hurka.

  • Madaxa mari malab saafi ah adigoo ku daliigaya muddo 10 daqiiqo ah.
  • U daa 15 daqiiqo adigoo madaxa ku daboolaya koofiyada qubeyska.
  • Kaga maydh shaambo iyo conditioner
  • Ku celceli habkan 2 goor bishii.

Saliid saytuunta:

Saliid saytuuntu waxa ay qoysaa basada waxayna ka hortagtaa agoolka.

  • Ku daliig 2 qaaddo oo saliid saytuun ah madaxa oo ku seexo habeenkii. Subaxa xigana kaga maydh shaambo iyo timo hagaajiye ama conditioner.

Check Also

quruxda iyo caafimaadka, 40 jir

Haddii Aad 40 Jir Tahay, Qaababkan U Ilaasho Quruxdaada Iyo Caafimaadkaaga

Marka da’da Afartan jirka laga gudbo waxaa inta badan bilowda arrimo aanu qofku marka hore …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *