Si aad u ilaalisid maqaarkaaga waxaad ogaataa inuu leeyahay 9 cadow, hadii aad ka ilaalisidna ay kuu siyaadayso qurux iyo cafimaad iyo shabaabnimo. Si aad khatartaas iyo cuduradaa aad isaga ilaalisid 9kan iska jir.
Sigaarka: sigaarka oo la cabaa wuxuu udiidaa qofka inuu qaato ogasajiin ku filan taaso keenaysa inuu burburiyo fitamiin Cga muhiimka u ah inuu dhiso kolaajiin caawinaya inuu maqaarku shabaabnimadiisa ilaaliyo, taaso keenaysa in qofka maqaarkiisu jacadado coodhcoodho siiba afka hareerihiisa iyo indhaha.
Hawada wasakhaysan: tanina waxay keenaysaa isla dhibaatooyinka uu keeno sigaarku.
Hawada qalalan: maqaarka aad ayey u dhibtaa hawada qalalani, taasoo u keenaysa maqaarku inuu waayo qoyaan badan, saas darteed waa inaad ilaalisaa inaad qoysid sida mar walba inaad kareem marisid.
Misaanka oo kugu bata / ama kaa nusqaama : qofku markuu naaxayo ama catoobayo maqaarkiisu wuu isjiidaa si uu u kala baxo oo uu dabcaa mar walba oo uu kala isjiidmana way adkaataa inuu sidiisa ku noqdo.
Maqaarka oo la qalo: dad ayaa wajiga iska qala iyagoo qurux raadinaya taasina aad ayey khatar ugu tahay maqaarka, sababto ah waala kala jiiday maqaarkii. Ama dadka sida badan u isticmaala Make up waxay keentaa in maqaarku siduu ahaa uu ka badalmo.
Maqaarka sida khaladka ah loo dhaqo: dadka qaar ayaa si adag u dhaqa maqaarka wajigooda taasoon loo baahnayn oo natiijooyin xun keeni karta, hadaba si dabacsan oo tartiiba ah udhaq maqaarkaaga.
Alkoholka: khamrigu khatar ayuu uyahay beerka, taasoo keenaysa inuu bururiyo fitamiin Bga ku jiray jirka.
Mukhaadaraadka / haashka: mukhadaraadka qaarkood waxay kadhigaan maqaarka mid u dulqaadan waaya qoraxda, qaarkoodna waxay qalajiyaan wajiga oo dhibco dhibco ayey ka soo saartaa wajiga.
Qoraxda shucaaceeda: faa`iido badan ayey ledahay qoraxdu, laakiin hadii intii loo baahnaa uu ay kabadato xanuuno ayey keentaa sida kansarka.
WQ: Sucaad A. Maxamed