Talaabooyin Aad Ku Gaari Kart Hadafyada Noloshaada

Sidaan u dhanahay dhamaanteena waxaan ku bixinaa waqtiyada qaar inaan fiirino waxaan dooneyno iyo sidaan ku heli laheyn, kadibna wan dajinaynaa ama aan diyaarinaynaa oo aan rajeyneenaa go’aana aan ku qaadaneynaa sidaan ku heli lahayn waxaan dooneyno.

Waxaa jira talaaboyin iyo Asraar badan oo hadii aad raacdo aad guul ku gaari karto, ama hadii aad raacdo talaabooyin ka mid ah ay kuu rumooweyso riyooyinkaaga oo dhan.

Hadaba waxaan idin soo bandhigeynaa qaar ka mid ah talaabooyin ku aadan sidii aad ku heli lahayd waxaad dooneyso noloshaada:

1-Noqo Adiga:                                  

Waxaa jira in aad dunidaan ku tahay mid kali ah, waa inaad ka faa’ideysataa, waxaa tahay mid qurxoon oo caqli leh, soo bandhig waxaa tahay iyo waxaad qaban karto, samee in aad wanaajiso dabeecadaada la dhaqanka dadka, haka joogsan waligaa inaad ku fikirto inaad tahay mid awooda inuu gaari karo wuxuu rabo.

2-Noqo mid isku kalsoon:

Kalsoonidu waxay leedahay soo jiidasho waxayna ku gaarsiisaa hor’umar wanaagsan isaankana kuma dhasho kalsoonida markuu dhalanayo, dadka aan garaneyno oo dhan oo aduunka hor’umar ka gaaray waxay ku gaareen kalsoonida ay ku qabaan nafsadooda mana arkaan wax dhib ah xili kata iyo meel kasta ay jooggaan waa dad tala saarta alle ka dibna u istaaga in ay hormariyaan noloshooda iyo inay kor u qaadaan.

3-Ahaaw mid dadka ula dhaqma si wanaagsan:

Waa muhim in aad dadka wanajiso ayna ku jeclaadaan hadii aad tahay mid aminsan arinkan waana inaad dareentaa sharaf iyo karaamada ay leeyihiin dadka wax kale kuguma suura galeyso ilaa iyo in aad u dhoola cadeeso mooyaanee.

4- Qabo Shaqo dhab ah:

Inaad u qabato shaqada si dhab ah waxay kuu fududeyneesaa In aad hesho waxaad dooneyso, waxayna kuu horseedeysaa in aad noqoto mid jira, adiigso kaliya waxaad dooneyso kana tag waxaadan garaneynin.

5-Samee waxaad jeceshahay:

Hadii aad tahay mid jecel inuu qabto shaqo hadii aad doonto ahoow mid qaata mishear wanaagsan wali waxaad tahay mid noloshiisa ka walwalsan , laakiin haka baqin hadii aad tahay mid yar iyo mid weynba inaad qabato waxaad jeceshahay, ayna wanaagsan tahay inaad qabato waxaad jeceshahay.

6-Inaadan shalaaynin:

Hadii aad la kulanto waxaadan jecleen u istaag adiga in aad wax ka badasho, waxaana suuragal eheen in aan badalno wax walba laakiin aan ka badali karno haba noqotee wax yar sidaa darteed waxaa haboon in aanan shalaaynin nolosheena waxaana kugu waajib ah inaad jeceshahay waxaad tahay.

7-ka taxadir nafsadaada:

Cafimaadkaaga waa mas’uuliyad waana inaad si wanaagsan uga fikirtaa, inaad wax aqrisato in aad in badan socoto, talaabooyinkan ayaa ah kuwa wax ka qabta caafimaadkaaga iyo guula haada.

8-Noqo mid sabar badan:

Mararka qaar waxaa jira inay dhacaan waxaadan raali ka eheen sidaa darteed waa in aad noqotaa mid sabra taasi ayaa mar walaba kuu haboon adiga.

Check Also

4 Hab Oo Masuul Kasta Uu Ku Kasban Karo Dadka Shaqada Uu Ku Maamulo

In xidhiidh kalsooni ahi uu dhex maro maamulaha iyo shaqaalaha uu la shaqaynayo ama guud …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *