8 Qodob Oo Ay Tahay Inaad Iska ilaaliso Marka Aad Qoraneyso CV

cvQoraha maqaalkaan ayaa waxa uu leeyahay waxa aad maalmihii dambe u soo badanayay ardayda ka soo qalinjabisay iskuulada, jaamacadaha iyo koleejyada oo u baahan in ay qortaan CV si ay u codsadaan shaqada ay is leeyihiin ‘waad buuxinkartaan’.

Sidaa darteed, waxaan maqaalkaan uu sharraxaad ka bixinayaa 8-da eray oo ay haboon tahay in aad iska ilaaliso markii aad qoraneyso CV.

1. Xirfad yaqaan (Skillful)

Dhab ahaantii… waxaad leedahay xirfado! Yaab. Qoraha maqaalkaan waxaa uu leeyahay haku ekeenin in aad CV-gaaga ku qortid Xirfadyahan (in aad tahay) ee marka hore isweeydii maxaad taqaanaa oo xirfad ah ka dibna isku day in aad dharaan dhariso – adiga oo sheegaya meelaha aad ka soo heshay xirfadahaasi.

2. Aad u qanacsan

Waa arrin fiican in aad sheegto waxa adiga aad ku qanceyso tusaale “qanaacad gudaha ah”ama “barashada iyo helida qanaacaad xirfadaha dhankayga ah” hasa yeeshee hadii aad ku soo gaabsatid aad u qanacsan waxa uu leeyahay qoraha maqaalkaan waxa ay keeneysaa in uu isweydiiyo loo shaqeeyaha cusub sababta ay muhiim u tahay in aad ku adkeyso qanaacadaada saa’idka ah? Waxaaba suurta gal ah in aad la kulanto su’aalo kale oo adag oo dheeri ah.

3. Xirfadaha xiriirka

Waa maxay xirfadaha Xiriirka? awood ma u heli kartaa in aad qof la hadasho? Awood ma u helikartaa in aad si wanaagsan qof ula hadasho? Waa kuma qofka taasi go’aanminaya? Sidee baad ku ogaatay in aad heysato xirfadd dhanka xiriirka dadweynaha ah oo aad u wanaagsan?

CV-gaaga waxaa waajib ah in uu sheeyo kala duwan oo la isku bar-bardhigi karo ka kooban yahay ama uu ka muuqdo, xirfadda xiriirka waa hadal iska caadi ah oo uu qof kasta ku soo qorto CV-giisa. Hadii uu kaaga yahay mid aanan u qalmin shaqada la soo xayeysiiyay, adiga oo aqoon aad u sareysa leh ayay suurtagal noqon kartaa in uu kaa tashado loo shaqeeyaha sababo CV-gaaga ka yimid awadeed.

4. Curin

Inta badan waxaa iska caada ah in la qoro erayada sida curinta – waa kuwa had iyo jeer ay adeegsadaan dadka qorta CV-yada. Waxaa ay dhumiyaan wanaaga erayga oo faahfaahsan, taasi oo ka dhigaysa in loo shaqeeyaha cusub ee doonaya in uu shaqaale qorto. Waxa uu arko ayuu waxku xugmiyaa. Ereyada ay ka midka yihiin Curinta, hogaamiye kooxeed iyo ku dadaalidda natiijooyin, waxaa ka qurux badan in aad sidaan u soo gaabiso ereyadaan adiga oo ka dhigaya qaabkaan (waxaan u qabtaa howsha koox ahaan, waxaana ahay hogaamiye kooxeed qibrad buuxda leh).

5. Hal abuurid

Ahaan sashaha hal abuuridda waa mid leh tayo fiican, tanina dhab ahaantii waa eray wanaagsan in aad ku qorato CV-gaaga, laakiin waxaa waajib ah in aad ka fogaato qeexidda nafsadaada aad ku sheegeyso in aad tahay hal abuur… taa bedelkeeda tilmaam ka bixi hal abuurnimadaada sida: (waxaan la shaqeynayay muddo fog dad leh curin wanaagsan, waxan ahay qof ku dhiiran oo leh curinta waajibaadyada) IWM.

6. Dhib xaliye

Eregyaan ma ahan mid wanaagsan maxaayeelay waxaa jiri kara waxyaabo markasta ah diidmo, mana ahan qofkasta in uu yiraahdo waxaan ahay (dhib xaliye) intaasna uu ku ekaado. Waxaa qarsoon in aad markasta la kulanto dhibaato aadna noqoto qof isla markaas xaliye. Daabcan dhihida: (dhib xaliye), waa wax adag in la saadaaliyo iyo natiijada ka dhalan karta su’aalaha lagu weydiinayo, sida: waxaad inoo sheegtaa wax ku saabsan [dhib qaas ah oo dhacay] iyo sida aad ku xalisay dhibkaas. Waa nasiib, helida in aad ahaato qof wanaaga ka taliya misana xaliya dhibaatooyinka qaar.

7. Runloow

Qoraha maqaalkaan ayaa waxa uu leeyahay anagu kuma aan fikirno in qofkasta uu CV-giisa ku dhigayo erayga runloow, laakiin tani waxa ay ka turjumeysaa dhamaan erayada ku qoran CV-ga in loo hingaadsado ama loo aqristo si qaldan, waqtiyada ay dhici karto in aana sax aheyn ama sheeyo kale oo ah kuwo qaldan, waxaan nahay bini’aadam oo waxaa caadiyan sameynaa qaladaad, laakiin ma ahan kuwa aan intooda badan ka sameyno raali galin. Sidaas darteed waxaad ku qori kartaa CV-gaaga (waxaan ahay qof jacel in uu markasta ka run sheego [waxa loo dhiibay] sida ay yihiin ama laga rabay).

8. Shaqatoori

Eregya shaqatoori waa mid aad u wanaagsan. Loo shaqeeyaha waxa ay jacelyihiin qofka shaqatooriga ah. Miyaad ogtahay in loo shaqeeyaha waxa ay aadka u jacelyihiin? oo uu shaqaalahana kor u qaadi karo damacaas ama jaceylkaasi. Mararka qaar ma ahaan kartid in ay kuu sugnaato shaqatoorinimo oo aad ku hesho shaqo, qaasatan hadii aad tahay qof ka shaqeenaya warshada halka ay sheeyada kalana yihiin kuwa aad u qiima badan sida: curiyanimada (soo bandhista sheey cusub) ama diirad saaridda (maaliyad). Marka isku day in aad ka fogaato qorida ereyga shaqatoori oo kali ah hasa yeeshee waxaad qori kartaa adiga oo tilmaamaya sifaha shaqatoori aad ku tahay ama aad ku noqon karto.

Akhristayaal, hadii si wanaagsan aad ugu fiirsataan 8-daan qodob ee daryeelmagazine.com kor kusoo xustay, waxaad moodaan inta badan CV-yada in lagu qoro; hasa ahaatee soo gaabinta ereyada ay ka mid yihiin: (xirfad yaqaan aad u qanacsan, xirfadaha xiriirka, hal abuur, curin iyo qaarka kale), waxay keeni kartaa in aan wax badan laga fahmin CV-gaaga, sidaasi darteed waxaa muhiim ah in aad raaciso qodobkasta faahfaahintiisa.

WD: C/Wali Cali Maxamuud (Carafaat)

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *