8 Astaamood Oo Aad Ku Garan Karto Haddii Jirkaaga Aanu Helin Biyo Ku Filan

Waxaan aaminsannahay in uusan jirin qof dafiri kara faa’idada ay leedahay biyaha caadiga ah oo si joogta ah loo cabbo, hasa yeeshee waxaa jira dad badan oo inaga mid ah oon cabbin biyo ku filan maalin kasta. Maadaama aanan la joogtayn cabidda biyaha waxaan si joogta ah u dhaawacnaa jirkeenna, hadii aad dareentid qaarka mid ah calaamadaha aan muuqaalkan, waxaad hadda ku bilowdaa koob biyo caadi ah. 

Waxaad dareentaa in afku ku qalalan yahay: 

Arrintaan waxay u egtahay mid iska cad hasa yeeshee saameynta ay leedahay sidaas oo kale uma cadda, dabcan mar walba ood dhedheg ka dareentid afka waxaad laacdaa wax dareere ah laakin cabitaannada sonkorta leh waxay si kumeel gaar ah u xaliyaan af qallayllka. Biyo caadi oo la cabo waxey saliideyn u tahay xuubka jilicsan ee ku hareereysan afka iyo cunnaha, biyaha waxay waqti dheer ka dhigayaan afkaaga mid si joogta ah qoyaan uga hela calyada. 

Waxaad dareentaa in maqaarkaaga uu qalalan yahay 

Maqaarka waa xubinta ugu weyn ee jirka bani aadamka, dabcan waxuu u baahan yahay inuu helo biyo ku filan. Xaqiiqada ayaa ah qallayl laga dareemo maqaarka inay tahay astaanta ugu horraysa ee kuu sheegeysa in jirkaaga aysan ku jirin biyo ku filan ama jirku uu fuuqbaxsan yahay, fuuqbaxa wuxuu sababi karaa dhibaatoyin badan. Biyo yari waxey ka dhigan tahay dhidid yari, waana arin sababaysa in jirku uu sameyn waayo qashin saar. 

Indhaha ayaad qallayl ka dareentaa 

Hadda waxaa kuu muuqata in saameynta biyo yarida aysan ku ekeyn afka iyo hunguriga oo kaliya. Biyo yarida waxa ay keentaa in qofka indhahiisa ay noqdaad guduud ama casaan, biyo la’aanta waxaa ku gura tuubooyinka lagu keydiyo ilinta, ilinta waa biyo loogu talo galay in lagu saliideeyo indhaha ama lagu qooyo si uusan aragga u xumaanin. 

Waxaad xanuun ka dareentaa kala goysyada 

Carjawda ku jirta kala goysyada iyo carjawda diskiga ee u dhaxeeya lafaha dhabarka waxey 80 boqolkiiba ka sameysan yihiin biyo. Tani waxa ay muhiimad ballaaran u tahay ka hortaga in lafaha ay islisaan. Marka aad qaadatid biyo kugu filan waxaa fududaanaya sida kala goysyadaada ay uxamili lahaayeen dhaqdhaaqa degdega ah, sida orodka, booditaanka ama dhicidda. 

Xanuunada kugu dhaco waxey qaataa muddo dheer 

Marka jirkaaga uu helo biyo ku filan waxaa fudud in jirka uu dibadda isaga saaro sunta uu jirka ku jirtdo, xubnahaaga waxa ay jirka ka miiraan ama kashaqshaqaan wasakhda sida makiinad oo kale, laakin makiinadda mashaqeyneyso hadii aan lagu shubin biyo ku filan. Shaqada jirka ayaa noqonaysa mid aan isku dheelitirneyn, arrintaan waxay sababeysaa in jirka uu biyo ka soo leexiyo meela kale sida qulqulka dhiiga, waana xaalad keeneyso dhiibaatooyin kale oo horleh. 

Waxaad dareentaa daal iyo awood la’aan 

Sida aan horay u xusnay, marka jirka uu ku yaryahay biyaha, wuxuu biyo kasoo nuugaa ama kasoo leexiyaa dhiigga, dhiig uu ku yaryahay biyaha wuxuu horseedaa in jirka uusan helin ogsijiin ku filan. Dabcan ogsijiin yari waxey kugu sababeysaa hurdo iyo daal buuxa. Ogoow daalkaan ma ahan mid xitaa looga hortagi karo cabidda kafeega ama bunka. 

Waxaad dareentaa dhibaatooyin xaga dheefshiidka ah 

Sida aan soo xusnay biyo cabidda waxay caawisaa afka iyo dhuunta, sidaas si la mid ah ayay u caawisaa habka dheefshiidka oo idil. Hadii ay biya cabiddaada yartahay, awooda ay caloosha isaga caabiso aashitada lagu shiido cunnada ayaa hoos u dhacaysa, arrintani waxa ay dhaawacaysaa calooshaada, waxey kugu soo hogaamisaa cillado caafimaad sida laab jeex. Sidoo kale waxaad dareemeysaa calool fadhi. 

Waxaad dareentaa inay kugu yartahay kaadida 

Rumayso, hadii aadan suuliga aadin 4 ilaa 7 jeer maalinti, ma tihid qof cabba biyo kugu filan, waxaa la rabaa in kaadidaa ay mar walbo ahaato mid jaalle ama huruud khafiif ah ama kaadi uu midabka ku yaryahay. Hadii kaadidaada ay tahay mid jaalle ama huruud mugdi ah, jirkaaga wuxuu kuu sheegayaa inuusan biyo ku filan. Biyo la’aan ba’an waxa ay mararka qaar sababi kartaa infekshanada ku dhaca kaadi mareenka. 

Akhriso: Xanuunnada Lagu Daweeyo Cabbista Biyaha Kulul & Xilliyada ku Haboon in la Cabbo

Check Also

xanuunada maskaxda taleefanka,

Cilladaha Maskaxeed Ee Laga Qaado Isticmaalka Badan Ee Taleefanka Gacanta

Qof kasta oo sita taleefanka gacanta ee casriga ahi celcelis 150 jeer ayaa uu maalintii …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *