Shaki kuma jiro in waqtigu uu yahay waxa uu yahay hantida ugu qaalisan ee ruuxu haysto, haddii uu yahay qof shaqeeyana waxa aynu ku tilmaami karnaa in uu nolosha qofka yahay, laakiin waxaa jira oo weliba aad u badan sababo iyo cudur-daarro aynu ku sheegi karno tuugta waqtiga xadda, iyaga oo weliba si sibiq ah ilbidhiqsi-ilbidhiqsi iyo daqiiqad-daqiiqad u luminaya, illaa goor dambe uu qofku dareemo in saacado badani ka lumen.
warkan oo aan ka soo xiganay Majaladda Sayidatii ayaa qormadan maanta kugula wadaagaya qaar ka mid ah cudur-daarradaas waqti lumiska ah ee aynu ku magacownay tuugta waqtiga. Waxa aanu akhristayaashiisa xurmada leh kula talinayaa in ay ka feejignaadaan tuugtan oo sideeddani ugu muhiimsan yihiin:
1- Waqti dheeraysiga iyo dib u dhigista: Dadku inta badan waxa ay iska jecel yihiin jiitan iyo in cudur daar ay u raadiyaan shaqo ay maanta qaban lahaayeen si ay berri ugu riixaan, isaga oo awoodi kari lahaa in uu maanta dhammeeyo. Inta badan sababaha shaqaalaha ku keena in ay shaqada dib u riixaan waxaa ka mid ah; qofka ooh awl necbaysanaya, xamaasaddii iyo xiisihii shaqadu u baahnayd oo aanu lahayn ama qofka oo fashilaadda ka baqa. Waxase lagu tilmaamaa in uu yahay tuugga ugu weyn ee waqtiga qofka lumiya.
2. Kala mudnaysiinta hawlaha oo qofka ka lunta: Dad badan ayaa ay ka qaldan tahay in shaqada inta aanay bilaabin ba ay marka hore eegaan sida ay hawshoodu u kala mudan tahay una kala muhiimsan tahay, tusaale ahaan hawsha u baahan in uu hadda dhameeyo iyo tan uu dib u dhigi karo. Waa tuugga waqtiga, oo waxa aad arkaysaa qofka oo waqtigiisa oo dhami ku lumay hawl ay u yaallaan hawlo ka muhiimsani. Sidaa awgeed qofka waxaa lagula talinayaa inta aanu shaqada bilaabin in uu marka hore qoro liiska shaqooyinka u yaalla oo uu u kala hor bilaabayo sida ay u kala mudan yihiin.
3. U fiirsasho la’aan: Marka aad hawl bilaabayso, ee aad si kedis ah u hakinayso, kadib markii ay hawl kale kaa soo dhex gashay, sida talefanka oo soo dhacay ama shaqo degdeg ah oo timid, inta badan waxa ay qofka ku keentaa in maskaxdiisu baahdo oo fiirsigu ka lumo, sidaa awgeed marka uu hawshii soo dhex gashay dhamaysto, waxaa dhacda in uu awoodi waayo in uu dib ugu soo noqdo hawshii hore si uu u sii ambaqaado, isaga oo laga yaabo in uu hawl kale oo tan dambe la xidhiidhay sii galo ama tii dambe iska sii wato. Haddaba waxaa laguugula talinayaa in mar kasta oo hawl cusubi kaa soo dhex gasho shaqo aad u wadatay, in aad aad ugu feejignaato ku soo noqoshada hawshaada hore.
4. Qofka oo awoodi waaya in uu ‘MAYA’ yidhaahdo: Qofka ka xishooda in uu diido casuumadaha, ballamaha, kulamada iyo booqashooyinka aan waqtigooda hore loo sii cayimin, waxa uu isku arkaa in uu awoodi kari waayo in uu helo waqti uu hawlihiisa ku kala maamulo. Sidoo kale waxaa dhacda in hawlo badan oo aanu qaban Karin loo diro ama lagu kallifo, tusaale ahaan maamulkiisa shaqada ama cid kale oo uu ixtiraam u hayaa ay ku cuslayso hawlo dheeraad ah, kuwaas oo aakhirka keenaya in waqtigiisu isku dhex daato, kadib marka uu kala wadi kari waayo hawlaha loo dirayo.
5. Hakadyada aan ku sii talogalka ahayn: Waxaa in badan dhacda in qofka oo si caadiya shaqadiisii u wata ay inta badan soo dhex galaan hakadyo shaqada sii wadisteeda ka yara joojiya waqtiyo kala duwan, tusaale ahaan talefan si kedis ah ugu soo dhaca, saaxiib ballan la’aan ugu yimaadda goobta shaqada, ama arrin waqtigii uu ugu talogalay kaga bata, sida shirarka shaqada soo dhex gala.
6. Qorshe (Jadwal) la’aan: Qofka oo inta uu shaqo bilaabo, haddana marka uu cabbaar wado, shaqo kale ku jeesta oo iyadana cabbaar wada, haddana mar kale dib ugu noqda shaqadii hore, waxa ay qofka ku qasbaysaa in uu dadaal dheeraad ah oo badan sameeyo, taasina waxa ay keentaa daal maskaxda ah iyo in juhdigiisu is-maax dumiyo, oo ay u dhowdahay in labada shaqo ee uu isku dhex wadaa labaduba isla khasaaraan.
7. Qorshayn aan maangal ahayn: In aynu hawlaheenna u qorshayno qaab aan nidaamsanayn, oo tusaale ahaan ay dhacdo in hawl uu qaban karo maalin gudaheed ay ku qaadato shan maalmood, aakhirkana uu fawdo ka dhigo nidaaminta waqtigaaga, hawl kastaana kaa qaadato waqti ka badan intii ay ku dhammaan kari lahayd.
8. Nidaam Xumo: Caadi ahaanba nolosha qofku waxa ay ku fiican tahay in ay nidaamsanaato, oo tusaale ahaan waqtigiisa shaqada, cuntada, hurdada iyo haasaawaha iyo cawayska asxaabtu uu noqdo mid waqti ku sar go’an oo aan iska iman marka uu doono, taas ayaa ay habka ugu fiican ee uu qofku kula socon karo waqtigiisa, faa’idada ugu badan ee ugu suurtogalsanna ka heli karo.