7 Talo Oo Muhiim U Ah Horumarka Shakhsiga Ah

horumarka guusha, nafta, nolosha

1. Ha ka biqin qaladka:

Qaladka ugu weyni waa in aad hawsha gacmaha ka laabato adiga oo ka baqanaya in aad qalad gasho. Waxba ma baran kartid haddii aanad qalad gelin, sidaas awgeed qaladkaaga u aqoonso in uu yahay cashar waayoaragnimo oo kaa caawin doona in aad nolosha u bislaato, noqotana qofka aad doonayso in aad noqoto. Marka aad hawlqabato waa aad guulaysan ama waayoaragnim ayaad korodhsan.

2. Naftaada maalgeli:

Weligaa ha illaawin daryeelka naftaada, si maalin leh ah u danee kobcinta garaadkaaga iyo hab fikirkaaga, iyo wanaajinta caafimaadka jidhkaaga iyo maskaxdaada. Joogto u kordhi aqoontaada, xirfado cusubna baro, waxa ay kaa caawinayaan in aad yoolkaaga gaadho.

Ogow, qiimahaagu waa waxa aad taqaanno oo lagu daray sida aad waxaas u adeegsan karto.

3. Dhiirro

Hawl iyo tijaabo cusub ha ka biqin, dad cusub baro, dal iyo deegaanno cusub arag. Waxa ugu badan ee la qoomameeyo marka la hawlgabaa, waa waxa aad ku hammiday/riyoonaysay ee aanad ku dhiirran intaad awoodda u haysay.

4. Naftaada sheeg:

Cidina ma akhriyi karto waxa aad laabta ku haysato, waa waajib in aad dadka u caddayso dareenkaaga, inaad rayigaaga ka dhiibato waxa ay kuu sheegayaan ama falalkooda, weligaa ha sugin in ay iyagu ku maleeyaan.

Arrintani waxa ay kaa fogeynaysaa in dib u sixitaanka iyo difaaca dambe aad ku lumiso waqti iyo tamar aanay u qalmin.

5. Go’aan gaadh oo imika ku dhaqaaq:

In aad sugto waqti munaasab ah ama fursad fiican, macnaheedu waa inaad dayacday fursad aad ku baraarugi doonto goor tareenku kaa tegey. Inta aanay fursaddu kuu iman sii fikir oo go’aan gaadh. Ogoow fursadda munaasabka ahi waa markaa aad joogto.

6. Isbeddelku uu joogto yahay:

Xaalku ha fiicnaado, ama ha xumaado maanta, waxaa hubaal ah in uu isbeddel imanayo. haddii uu maanta kuu fiican yahay ka faa’idayso inta aanu isbeddelin, haddii uu xun yahayna, ha quusan ee u diyaar garow isbeddelka imanaya, si aanay fursaduhu kuugu iman adiga oo aan weli diyaar ahayn.

7. Waqti ha ku lumin rayiga ay dadku kaa qabaan:

Waxa muhiimka ahi waa rayiga aad adigu iska aaminsan tahay, weligaa yaanay dadku naftaada ku barin. Waa in aanay raad kugu yeelan waxa ay dadku kaa filayaan ama kaa doonayaan in aad noqoto. Ilaasho saaxiibbada sida aad tahay kugu jecel, balse aan kugu qasbayn in ay kaa dhigaan sida ay iyagu rabaan.

W/Q: Kamaal Marjaan

Check Also

4 Hab Oo Masuul Kasta Uu Ku Kasban Karo Dadka Shaqada Uu Ku Maamulo

In xidhiidh kalsooni ahi uu dhex maro maamulaha iyo shaqaalaha uu la shaqaynayo ama guud …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *