1. Daawashada Talefishanka: Marka aad talefishanka daawanayso, gaar ahaan marka uu socdo barnaamij aad ku xidhan tahay ama aad aad u xiisaynayso, waxaa dhacda in adiga oo aan is ogeyn aad ku talax tagto cuntada aad cunayso.
Cilmi baadhis dhowaan la sameeyey ayaa daahfurtay in qofka oo marka uu cuntada cunayo talefishanka dhinac ka daawada ama cuntadiisa ku hor cunaa ay keento in uu cuno xaddi ka badan intii uu cuni lahaa marka aanu talefishanka daawanayn, sidaa awgeed waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in ay lagama maarmaan tahay in qofku uu cuntada iska daayo marka uu talefishanka daawanayo.
2. Mac-macaanka: Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday badsashada cunista sonkorta iyo mac-macaanka kale ee laga sameeyo ay waxyeelo gaarsiyaan hormoonada caloosha, gaar ahaan hormoonka loo yaqaan Lepin ee cabudhiya rabitaanka cuntada.
3. Warwarka iyo sakatiga: Xidhiidh adag ayaa ka dhexeeya dareenka gaajada iyo warwarka iyo sakatiga. Mar kasta oo uu isku buuqa iyo sakatigu sii bato ama uu qofku arrin aad ugu mudan ka fikirayo waxaa dhacda in jidhka qofku uu soo saaro xaddi inta caadiga ah aad uga badan oo ah hormoonka lagu magacaabo Ghrelin taas oo sababta in qofku uu gaajo xoog ah dareemo iyada oo aanay si rasmi ah calooshiisu u madhnayn.
4. Biyaha: hadii aadan cabin biyo kugu filan waxay sababaysaa inaad isku khalado oonka iyo gaajada sida ay sheegeen khubarada caafimaadka ku xeel dheer.
5. Lulada: Mararka qaarkood waxaa dhacda in maalintii iyada oo xilligii shaqada ah ama maalin badh ah ay hurdo badani ina hayso, waa xilli aanay suurtogal ahayni aynu hurdo tagno, markaas oo kale dadka badankoodu waxa ay yaqaannaan caado ah in ay shaah iyo cabbitaanno kale oo ay nafta ku soo diiriyaan raadsadaan, khubarado dhowaan daraasad ku samaysay arrintan ayaa xaqiijiyey in hurdo ku filan oo aanu qofku helin ay keento in isla hormoonkii Ghrelin uu ku bato jidhka isla markaana uu yaraado hormoonka Leptin, taasina waxa ay keentaa shucuur gaajo oo qofka oo aanay calooshiisu madhnayn ku dhiirri gelisa in uu cunto badan cuno.
6, Dhafarka: Daraasad ay sameysay jaamacad Pennsylvania ayaa soo bandhigtay ina dadka dhafra ay 550 Kaloori (calories) ka badsadan dadka aan dhafrin. Taas waxa dheer iney cunta culus badsadan waqtigas ay soo jeedan. Daraasad Australia laga sameeyay ayaa mujineysa in ashkhaasta subaxdi aan hurdada ku daahin aaney ku badneyn dadka miisanka ku kordho markii loo dhigo kuwa dhafra.
7. Daalka nafsiga ah iyo burburka: In qofku uu dala iyo tacab dareemaa waxa ay khalkhal ku beertaa isla labadii hormoon ee aynu hore uga soo hadalnay ee ahaa Ghrelin iyo Leptin, sidaa awgeed marka uu qofku daalkan iyo tacabkan badan dareemo waxa ugu horreeya ee uu xasuustaa waa in uu wax cuno, isaga oo u haysta in uu shaqada ama hawsha uu qabtay uu ku gaajooday, laakiin runtu ay tahay in aanay calooshiisu madhnayn. Markan oo kale talada ugu fiican ee lagu siinayaa waa in aad koob shaah ah uun cabto in aad koobkaas ku darto dhirta ka qayb qaadata nasinta iyo dejinta neerfayaasha ku dartaana waa ay sii fiican tahay, waxa kale oo muhiim ah in aad hesho jiif aad isku kala yara bixiso.
Ugu dambayntii khubarada arrimahan ku xeel dheeri waxa ay ka digayaan in marka uu qofku isku arko gaajo iyada oo xaaladaha aynu kor ku soo xusnayn jiraan in uu markaba ku fikiro in gaajadaasi si qaldan maskaxdiisa uga soo baxday oo aanay si run ah u haynin, kadibna uu kula tacaalo xal kale oo uu gaajadaas ku waabin karo isaga oo aan cunto cunin.