1-Dadka guusha gaara ee guuleysta waxey la saan qaadaan isbaddalka. halka guwa nolosha ku guulddareysta ay ka cabsadaan isbaddalka.
2-Dadka guuleysta waxey dusha u ritaan mas’uuliyadda haddii ay fishilmaan. laakiin kuwa guulddareysta iyaga ayaa isku eedeeya fishilkooda.
3-Dadka guuleysta waxey ka hadlaan fekrado cusu, halka kuwa guuldareysta ay ka hadlaan dadka kale.
4-Dadka guuleysta wey cafiyaan, halka kuwa guuldareysta ay caloosha ciil ku heystaan.
5-Dadka guuleysta waxey jecelyihiin in dadka kale ay caawiyaan. laakiin kuwa guuldareysta waxey jecelyihiin in sidooda oo kale la kufo.
6-Guuleystayaasha waxey jecelyihiin in ay wax badan dhageystaan intii ay hadli lahaayeen. halka kuwa guuldareysta ay jecelyihiin kaliya hadalka laakiin aysan wax dhageysan.
7-Kuwa guuleysta wax cusub ayay bartaan. halka guuldareystayaasha ay u maleeyaan in ay wax walba yaqaanaan.
W/Q: Siciid Xagaa Afrax