7 Qodob Oo Aad Noolashaada Ku Hormarin Karto

horumar1 Go’aan qaadasho: Qofku markuu go’aansado isla markaana ka hawlgalo sidii uu noloshiisa wax uga badali lahaa ayuu horumarku yimaadaa, had iyo jeerna dadka horumarka ugu badan hiigsadaa waa dadka isku hawla inay ku go’aan qaataan xaaladaha ay wax ka qaban karaan ee aan ku go’aan qaadan markay xaaladi kaga timaado dibedda. Tusaale ahaan noqo qof markay wax la darsaan yi…dhaahda maxaan ka qaban karaa balse aan cid kale ku canaanan ama khaladkeeda saarin ka dibna aan isdhigan.

2- Samayso hadaf aad ku horumarinayso noloshaada, gaar ahaan mabaadi’da wanaagsan, oo aad kaga bilawdo wax yar ka dibna aad kolba wax ku darto, sida inaad noqoto qof jadwalka uu dhigto aan ka bixin, ka bilaw wax aan kugu dhib ahayn, in maalin kastaba aad qabato ka dibna kolba maalin wax yar oo aad qaadi karto ku kordhi ilaa aad noqonayso qof jadwalkiisa maalin laha kaga dhabeeya.

3- Isku day inaad wakhti siisid sidii aad u ogaan lahayd meelaha noloshaada ah ee u baahan inaad horumariso, iskuna day sidii aad siday u kala mudan yihiin aad u kala horaysiin lahayd ka dibna aad aayar aayar u horumarin lahayd.

4- raadi wax naftaada iyo ta dadka kalaba faa’iido idiin ah, ha noqon qof anaani ah oo tiisa uun ka fakiro, balse had iyo jeer ku fakir go’aanka aad qaadanayso iyo talaabada aad qaadaysaa inay noqoto mid labadiina dhinacba faa’iido idiin ah (Win/Win), hadaad aragto inaanay taasi suurtagal ahayn, daryeelmagazine.com ayaa ku leh waxa wanaagsan inaad iska dhaaftid oo ku qanacdo inaanad wax talaabo ah qaadin, tusaale ahaan, hadaad madax u tahay shaqaale qaado talaabooyin labadiinaba idiin dan ah, kana fagow inaad qaadato wax adiga kuu dan ah shaqaalahaagana ku dhib ah.

5- Si laguu dhagaysto adigu noqo qof si fiican wax u dhagaysta, liidnimo maaha inaad dhagaysato qofka kula hadlaya, mana ah inaad ka hororsato hadalka balse waa inaad ku dadaashaa ujeedadiisa inaad fahanto si fiicana dhagaha u siiso, si adna laguu dhagaysto loona ixtiraamo aragtidaada.

6- Ha u arkin dhibaato aragtiyaha kala duwan ee laga yaabo in kaaga ay ka soo horjeestaan, balse isku day in aragtiyahaa kala duwan ay noqdaan kuwo xal lagu raadiyo, waayo ma tihid adigu qofka markasta saxsan kaligaana ma tihid qofka wax yaqaana.

7- Wakhti sii aad isku waafajiso dhamaan waxyaalaha aynu kor ku soo sheegnay hana noqdaan kuwa la jaanqaada isbadalkaaga jidh ahaaneed. Cibaado ahaaneed, Maskax ahaaneed, bulsho iy dareen ahaaneedba, isku day intii karaankaaga ah sidii ay dhamaantood u noqon lahaayeen kuwo isla waafaqa oo dhinac u wada jeeda.

by jabra

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *