7 Fikradood Oo Aan Ka Faa’iiday Buugga Eat That Frog

Brian Tracy waa qoraa iyo khudbeeye ku xeel-dheer culuumta horumarinta aadanah. Wuxu qoray in ka badan toddobaatan buug oo badi ku saabsan qofka iyo sidii uu horumarin lahaa awoodihiisa iyo sidii ay noloshiisu u noqon lahayd mid midho-dhal leh. Buugtiisaa waxa ugu caansan `Cilmu Nafsiga Iibinta`, `Mucjisaadka

Cunwaanka buugga ee `Eat That Frog` wuxu ka yimi odhaah uu yidhi Mark Twain oo macnaheedu ahaa: Haddii waxa ugu horreeyaa ee aad samayso arroor kasta marka aad soo kacdo ay tahay inaad cunto rah, maalintaada waxaad ku dhammaysanaysaa adigoo og in aanay ku qabsanayn arrin ka adag rah cuniddii. Rahaa waxa looga jeedaa hawsha ugu wayn, uguna muhiimsan ee ku hortaal ee aad adiguna dib u dhiganayso. Hawshaasoo ka mid ah waxyaabaha haddii aad samayno ay noloshaada kusoo kordhinayso saamayn togan.
Sidii caadada inoo ahayd, waxaan idiin soo gudbinayaa 7 fikradood ama cashar oo aan buugga ka faa’iiday, qof walibana uu u adeegsan karo noloshiisa si ay u noqoto mid midho-dhal leh.

1. Plan every day ahead: Siyaabaha ugu wanaagsan ee aad dibudhigishada uga hortagi karayso, wakhtigaagana uga faa’iidaysan karayso, waxa weeye inaad habeenkii sii qorshayso maalinta kugu soo fool leh. Qor waxyaabaha aad doonayso inaad berri qabato. Habeenkii inta aanad seexan ka hor intaad qalin iyo warqad soo qaadato, qor 10 ka wax ee aad doonayso berry inaad qabato. Waxay muuqaal waadix ah kaa siinaysaa waxa aad doonayso inaad berry qabato. Arrinta labaadna waxa weeye, saynisyahannadu waxay leeyihiin maskaxda qaybteeda aan wacyiga lahayn (The subconscious mind) iyadu afar iyo labaatanka saac ma seexato, oo hawl kastoo loo soo ban-dhigo illaa laga qabyo tirayo farriin diridda kama dayso maskaxda qaybteeda wacyiga leh (conscious mind). Habeenkii oo dhan waxay ka shaqaynaysaa sidii ay yoolashaas loo soo bandhigay u qabsoomi lahaayeen. Waa caado ay badi leeyihiin dadka wax tarka leh. Kaliya ma aha inaan maalintaada uun sii qorsheeside, waa inaad toddobaadkaaga sii qorshayso, oo aad bishaada sii qorshayso oo aad sanadka kugu soo fool leh iyo waxa aad doonayso sii qorshayso.

2. 80/20 principle: Adeegso qaacidada la yidhaahdo 80/20, sidoo kale loo yaqaan Qaaciidada Pareto (Pareto principal) ee aan ku saa qaadannay xalqadii 3-aad ee Fikrad iyo Buug. Qaaciidadani si kooban waxay leedahay waxa jira waxyaabo aad u tiro yar oo haddii aad samayso ku siinaya natiijo u dhiganta 80%. Haddaba 10 kii waxyaabood ee aad xalay qoratay, arroortii marka ay noqoto, inta aadan hawl gelin, iswayddii labada wax ee ugu waawayn, uguna muhiimsan ee haddii aad labadaa shay uun qabato ay ku siinayso 80% natiijada wixii aad maalinkaa u baahnayd in aad hirgeliso. Tusaale, aniga maanta waxaa ii qornaa 12 shay aan doonayay in aan maanta qabsado, labada se wax walba iiga sii muhiimsanaa waxay ahayeen inaan dhammeeyo buug aan akhrinayay iyo inaan diyaariyo buuggan duubiddiisa iyo qoraalkan.

3. ABCD Method: Adeegso habka ABCD-da. Maxay tahay? Brain Tracy wuxu leeyahay hababka ugu wanaagsan ee aad maalintaada u maarayn karayso waxa weeye inaad adeegsato habkan ABCD-da. A-du, waa waxa ay tahay in aad qabato ee aadka kuugu muhiimka ah (Must) ee haddii aad samayn waydo aadan jeclyasanayn caaqibada ka imaanaysa. B-du, waa waxa ay tahay inaad samayso, laakiin aan lahayn muhiimadda A-da oo kale. Waa muhiim in aad samayso, laakiin marka ay kuu taallo hawl `A` ah laga mudan yahay. C-du, waa waxa ay wanaagsan tahay inaad smayso, laakiin aan dhib kuu keensanayn haddii aad samyn waydo sida inaad saaxiibbada la soo sheekaysato oo kale. D-du, iyada waxa weeye hawlaha aad cid kale u igman karayso. Wixii aad u arki karayso inaad qof kale u igman karayso, cid kale u dhiib oo adigu wakhtigaagaas ku qabo hawl `A` ah ama `B` ah. Haddaba, wuxu Brian leeyahay, hawlaha aad doonayso inaad berry qabato oo dhan u kala qaybi 4taa khaanadood (A,B,C,D), kuna dedaal inaad dhammayso hawsha A-da ah inta aadan qaban hawsha B-da ah iyo tan C-da ah ba.

4. Slice and Dice the Task: Hawsha kuu taalla haddii ay tahay mid qaro wayn oo aadan maalin iyo labo ku qaban karayn, qurub oo ka dhig qurubyo yaryar oo aad midkii ba mar qaban karaysid. Tusaale, neef geela mar ma wada cuni karaysid, si aad neefkaa u wada cunto waxaad u baahan tahay inaad qurubto oo aad maalin ba waslad cunto. Yoolasha waawaynna waa tabtaas oo kale. Tusaale haddaan usoo qaato mid ka mida yoolashayda sanadkan 2017 waa inaan 50 buug diyaariyo oo aan idiin soo gudbiyo. 50 buug waa wax badan, oo ma aha wax aan maalin iyo labo toona ku qaban karo. Weliba marka loo eego hawlaha kale ee ii yaalla ma aha wax aan xitaa 6 bilood ku qaban karo. Haddaba 50 buug waxaan u qaybiyay 48-da toddobaad ee sanadka ku jira, labana waxaan ugu tala galay inay dhex raacis noqdaan. Buugga tooddobaadka qudhiisa waan sii qurbay, oo 7-da maalin ee uu toddobaadku ka kooban yahay waxaan u qaybiyay akhrinta buugta aanan horay u akhrin, duubiddooda, diyaarintooda iwm. Waxaan filayaa inaad qodobkan ila fahanteen.

5. Develop a Sense of Urgency: Sababaha waxyaabo fara badan oo aynu nolosha doonayno inoogu suura geli la’yihiin waxa ka mida in aanay jirin cid inagu daba taagan samayntooda. Yaraanteennii, hooyo iyo aabbe ama ehel kale ayaa innagu daba taagnaa inaan waxyaabaha inoo muhiimka ah qabanno. Iskuulladana waxa casharka innagu daba taagnaa macallin iyo imtixaan la wada qaadanayo. Shaqooyinkana, inta badan cidda loo shaqaynayo ayaa waxqabdkeenna inagu qiimaynasa. Laakiin marka ay noqoto hawlaheennii muhiimka ahaa ee inoo qaaska ahaa, way adkaatay in qofku kelidii is diro oo uu qabsado. Inta badan waynnu dib dhigannaa. Haddaba, qoraagu wuxu leeyahay samayso hab degdegsiimo ku salaysan oo ku cariya si aad hawshii u qabato. Muddo xaddido oo go’aan ku qaado inaad muddadaa ku dhammayso. Sidoo kale, waxaad samayn kartaa inaad cid aad ku kasloon tahay u sheegto hawsha aad qabanayso iyo muddada aad qabsatay si ay kuula xisaabtamaan. Anigu imminka inaan idiin sii sheego inaan doonayo in aan 50 buug sanadka idinla wadaago, waxay iga caawinaysaa inaan ballantaa kazoo boxo oo aan wacadkaa ilaaliyo.

6. Create a Large Chunks of Time: Hababka ugu wanaagsan ee uu qofku wax soo saar ama waxqabad la mahadiyo ku yeean karo waxa weeye in uu samaysto maalin walba saacado u go’an oo uu ku qabto hawsha u taalla. Waayo, hawl kasta oo muhiim ah waxay u baahan tahay diirad-saaryo iyo jeediyeyaal la’aan. Samayso saacado go’an oo aad maalintii ku qabato hawlaha waawayn ee muhiimka kuu ah. 2 illaa 3 saacadood oo aad ogaysiiso dadka kula deggan si aanay kaaga soo dhex gelin oo aanay kaaga qasin.

7. Get Out of the Technological Time Sinks: Iska yaree isticmaalka teknoolajiyadda, gaar ahaan kuwa qofka mashquuliya. Brian Tracy wuxu leeyahay tiknoolajiyaddu wax badan bay ina tartay, wax bandanna way inoo dhintay. Maanta dadku halkii ay hawlaha u yaal ku mashquuli lahaayeen qabashadooda, waxa jeediyay oo ay qabatimayn sooshal miidhiyaha. Illaa heer dadku aanay maanta u adkaysan karayn in ay 30 daqiiqo hawl si toosa u qabtaan iyagoon faysbuug, twiter, instgram iyo iwm eegayn. Daraasaadkuna waxay tilmaamayaan, mar kasta oo aad ka jeesato hawl dhiirad-saaryo kaaga baahnayd, waxay kugu qaadanaysaa illaa 7 daqiiqo si aad uga soo kabato oo aad ula qabsato hannaankii aad markii hore wax ku wadday. Sidaa daraadeed, haddaad doonayso inaad noqoto qof wax soo saar leh, noloshiisana midho-dhal ay yeelato, iska yaree isticmaalka sooshal miidhiya iyo qaybaha kale ee tiknoolajiyadda ee dadka jeediya, lana qabatimo.

Qoraaga Buugga: Brian Tracy

Soo koobiddii: Mubarak Hadi

Daawasho wacan:

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *