7 Ficil Oo Ay Habboon Tahay Inaad Samayso Mar Walba Oo Aad Xanaaqdo

Xanaaq waa dareen ka dhasha shucuur adag, waxuuna la xiriiraa waxyaabaha qaar ee sababa raaxo la’aan iyo in qofku uu caroodo, xanaaqu wuxuu ka mid yahay 6 da dareen ee aasaasiga ah sida farxad, xanaaq, la yaab, baqdin iyo karaahiyo.

Xanaaqu waa dareen nagu dhiira geliya inaan noqono qofka iskaafiya, hasayeeshee mararka qaar waxaa jirta jawaab celin daran oo ka dhalata xanaaqa, taas oo uu qofku ka qoomameeyo marka ay shucuurtiisu degto, sidaa daraadeed waa muhiim in qofku uu is baro sida loo maareeyo jawaab celinta ka dhalata xanaaqa.

Fasax qaado isla marka aad dareentid inaad xanaaqsantahay.

  • Waxaad fasax ka qaadataa wax walba oo aad sameyneysid markaas, iyo wax walba oo kaa careyn kara si aad u dejisid dareenkaaga.
  • Mar walbo xusuusnoow qasab ma ahan inaad ujawaabtid ama aad wax ka qabatid xaaladda markaas taagan kaqaado fursad aad ku nasatid oo aadna uga fekertid xaalada markaas taagan oo waxaad ku dhahdaa naftaada “Waxaan usoo laabanaa arintaan 10 daqiiqo kadib marka aan dego”
  • Hadii aad xanaaqdid adigoo jooga goobta shaqada, usoo bax dibadda si aad uqaadatid neecaaw wanaagsan, hadii aad xanaaqdid adigoo jooga gurigaaga isku day inaad gashid qol kale oo aad ku nasatid amaba suuliga si aad uheshid jawi aad kaligaaga ku sugan tahay kadib na kafeker marxalada taagan.

U ogolaaw naftaaada iney dareento xaanaqa.

  • Xanaaqa waa dareen caadi ah oo dadka dhan ay dareemaan, sidaa darteed sii naftaada waqti yar ay ku dareento xanaaqa si aad u aqbashid xaalada kula soo gudboonaatay oo aadna horay uga sii socotid, marka aad horay uga dhaqaaqdid isku day ineysan kugu soo laaban dareenka xanaaqaas, kana dhaadhici naftaada inaad horay uga dhaqaaqday.

Qaado neef qota dheer.

Neefsasho qota dheer waa tilaabooyinka ugu muhiimsan ee la qaado si loo kordhiyo ogsijiinta dhiiga, sababtoo ah hadii ay siyaado ogsijiinta dhiiga waxaa siyaada geedi socodka maskaxda.

  • Tiri ilaa saddex adigo jiidayya neefta, istaaji oo tiri ilaa saddex inta aadan soo bixin hawada
  • Xaqiiji neefsadhadaas iney balaariso sambabada iyo calooshaada
  • Sii wad neefsashada ilaa aad ka dareentid inaad degtay

Is tusi muqaal wanaagsan

  • Hadii aad wali dareemeysid inaadan degin, qiyaas adigoo jooga meel muuqaal ku farxad geliya leh, kana feker iftiin keeda, neecaawdeeda iyo quruxdeeda, waa caadi hadii ay tahay muqaal aad aragtay caruur nimadaadii.

Is bar inaad kula hadashid naftaada hadal wanaagsan.

  • Bedel ku samee sida aad uga fekertid waxyaabaha qaar oo ah si xun, una bedel inaad uga fekertid si wanaagsan
    tusaale ahaan bedel fikirka ku saabsan qofka kaa xanaajiyay xiligi aad gaariga waday oo ah “xayawaankaas wuu ijiiri gaaray maanta, gaariga ayuuna iga buusay”
    Ubedel “Miskiin kaas maanta wuu deg deg sanaa waxaana laga yaabaa inuu dhakhtarka kadaahsanaa, laakin alxamdulillah Eebe waa ibad baadiyay”

Samee dhaqdhaqaaqa jirka

  • Jimicsiga ayaa muhiimad wayn u leh caafimaad qabka jirka bani aadamka guud ahaan, dhaqdhaqaaq jirka oo la joogteeyo waxay xakameeysaa dareenada qaar uu xanaaqu ka mid yahay. Jimicsiyada ama dhaqdhaqaaqyada u wanaagsan xanaaqa waxaa kamid ah.
  • Orodka
  • Kubadda cagta oo aad ciyaarto
  • Dabaasha
  • Kubadda kolayga oo aad ciyaarto
  • Jimicsiga misaanka
  • Jimicsiga feerka

Seexo hurdo kugu filan.

Hurdada waa shey aasaasi u ah jirka, hadii laga tagana waxay sababtaa in dareemaha qofka ay khalkhalaan.

Dadka weyn waxay ubaahan yihiin 7-8 saacadadood oo hurdo ah si caafimaad qabka jirka iyo maskax ay u noqoto mid sareeysa, hurdada oo nuqsaanta waxay qeyb weyn ka qaadataa cudurro badan iyo awood la’aanta xakameynta dareemaha qofka

Check Also

4 Hab Oo Masuul Kasta Uu Ku Kasban Karo Dadka Shaqada Uu Ku Maamulo

In xidhiidh kalsooni ahi uu dhex maro maamulaha iyo shaqaalaha uu la shaqaynayo ama guud …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *