Wacyi la’aanta iyo aqoonta ay dadku u leeyihiin xidhiidhka ka dhexeeya cuntada iyo caafimaadka oo hooseeya awgeed inta badan waxaa dhaca qaladaad dhinaca cuntada ah iyo hab-dhaqanno dhaawac gaadhsiiya caafimaadka qofka, lana arko in ay gaadhaan heer ay keeni karaan xaalado caafimaad darro oo nafta galaafan kara.
Qormadan oo aynu soo turjunay waxaa aynu ku eegaynaa caadooyinka cunto iyo cabbitaan ee ugu khatar badan caafimaadka sida ay caddaynayaan daraasadaha khubaradu sameeyeen.
1. Ku talax tagga biyo cabbista:
Sannadkii 2008da, waxaa geeriyootay hooyo 40 jir ah oo laga raacay 5 Litir oo biyo ah oo ay laba saacadood gudahood ku cabtay, xilli ay wadday barnaamij ay miisaanka iskaga dhimaysaysay. Jidhkeenna intiisa badani waxa uu ka kooban yahay biyo, cabbitaanka biyuhuna waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha ugu fiican caafimaadka qofka. Laakiin dhinaca kalana waxa ay khubarada caafimaadku xaqiijinayaan in biyo aad u badan oo waqti kooban gudihiisa lagu cabbaa ay halis u yihiin in ay burburiyaan isku dheelli-tirnaanta dabiiciga ah ee cusbada iyo macdanaha kale ee jidhkeenna ku jira. Arrintaas oo markaba sababaysa in kelyuhu ay awoodi kari waayaan in ay dhaqso u saaraan biyaha saayidka ku ah, culayska badan ee shaqo ee kelyaha fuulaya iyaga oo doonaya in ay iska saaaraan dareeraha saayidka ah ayaana u dhow in uu kelyaha hawlgab ka dhigo.
Sidoo kale biyaha oo si aan caadi ahayn oo dhaqso ah jidhka ugu bataa waxa ay yareeyaan maadadda Sodium ee dhiigga ku jirta, waxa aanay keeni karaan xaalado caafimaad darro oo aakhrika dhimasho sababi kara. Haddaba waxa ay khubarada caafimaadku ku talinayaan in qofku uu biyaha cabbo isaga oo ka taxaddaraya in uu waqti yar biyo aad u badan ku cabbo iyo in uu xaddiga biyaha jidhkiisa gelayaa bato, waayo waxa ay keeni karaan in biyaha laftoodo sun isu beddelaan.
2. Cuntadu mar bay sun isu beddeli kartaa:
Marar badan ayaa aynu cunnaa cuntooyin aynaan ogeyn khatarta caafimaad ee ay jidhkeenna ku keeni karaan, waxaa ka mid ah:
Baradhada muddo istoodhka taalla ee yeelata baraha yaryar ee cagaaran ama cayayaanku ku dhasho. Baradhadu marka ay sidan noqoto waxaa ku dhasha maaddo sun ah oo lagu magacaabo Solanine.
Tamaandhada cagaaran waxaa marar badan ku dhasha noocyo sun ah, sidaa awgeed waxaa talo caafimaad ah in aanad iibsan illaa ay noqoto tamaandho bisayl casaan ah noqotay.
Beedku/ ukuntu marka uu xumaado (Khaayiso) waxaa ku dhasha bakteeriya lagu magacaabo Salmonella. In kasta oo aanay bakteeriyadani sideeda sun u ahayn, haddana marka ay dhiigga gasho waxa ay ku keentaa cillad dhimasho keeni karta.
Hilibka oo aan si fiican loo karin, gaar ahaan hilibka aadka u shilis, ayaa ay dhakhaatiirtu sheegeen in uu keeno khatarta ah in ay ka dhashaan isku-dhisyo organic ah oo lagu magacaabo Dioxins, laguna tilmaamo sunta kiimikada ka samaysanta inta illaa hadda taariikhda aadamaha la og yahay ta ugu khatarsan ee sida ug udaran u wax yeellaysa caafimaadka qofka. Dioxins dhibaatooyinka kale ee ay keento waxaa ka mid ah in ay raadayn taban ku yeelato hab-dhiska taranka ragga iyo dumarka, in ay burburiso hab-dhiska difaaca, in ay khalkhaliso samaysanka hormoonnada jidhka.
Khubarada caafimaadku waxa ay ku talinayaan in laga fogaado cunista cuntooyinka hidde-sidayaashooda wax laga beddelay ama sunta cayayaanka lagu buufiyo. Sidoo kale waxaa khatar caafimaad leh oo ay tahay in laga fogaado, cuntooyinka qasacadaysan ee leh maaddooyinka midabaynta loo isticmaalo iyo maaddooyinka loogu talogalay ilaalinta cuntada, oo labadaba ay isticmaalaan warshaduhu, aadna loogu isticmaalo cuntooyinka warshadaysan ee kuwa khafiifka ah loo yaqaanno, Sida sharaabbada, buskuddada, mac-macaannada warshadaysan, caanaha warshadaysan.
3. Sigaar nuugista:
Sigaarku waxa uu ugu horreeyaa waxyaabaha ay dhakhaatiirtu aaminsan yihiin in aadamaha ay ku keenaan geeri, dhibaatooyinka caafimaad ee uu leeyahayna waa kuwo aan la soo koobi karin. Cilmibaadhis cusub ayaa iyaduna mar kale sii caddaysay in sigaar nuugistu ay ka khatar badan tahay sidii hore loo moodayey, tirokoobyada qaarna waxa ay muujinayaan in dalka Maraykanka oo keliya ay sannad kasta sigaar nuugista u dhintaan dad tiradoodu ka badan tahay 480 kun oo ruux.
Eric Jacobs oo ka mid ahaa khubarada cilmibaadhistan samaysay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in illaa hadda inta la og yahay ay jiraan 21 cudur oo dhammaantood xidhiidh toos ah la’ leh sigaar nuugista, waxaana ka mid ah macaanka iyo 12 nooc oo cudurka kansarka ka mid ah iyo sidoo kale 6 qaab oo ka mid ah cudurrada ku dhaca xididdada dhiigga. Cilmibaadhayaashu waxa ay saadaalinayaan in dadka sigaarka cabbaa ay dhimashada kaga badan yihiin kuwa aan nuugin, laakiin bishaarada ay sheegeen ayaa ah in qofku marka uu sigaarka iska daayo ay khatartaasi si tartiib-tartiib ah hoos ugu dhacdo.
4. Maaddooyinka la isku qurxiyo iyo kuwa la isku nadiifiyo:
In lagu talax tago isticmaalka maalinlaha ah ee kiriimada iyo maaddooyinka la isku nadiifiyo ama la isku qurxiyo sida, shaambooga, Balsamka, waxyaabaha jidhka lagu nadiifiyo, kiriimada duxda siiya jidhka, waxyaabaha guryaha lagu nadiifiyo, cadarrada hawada lagu udgooneeyo (Air Fresh) iwm. Waxa aanay saamayn taban ku yeeshaan caafimaadkeenna, sababtuna waa raadadka kiimikaad ee ay kaga tagto.
Daraasad lagu baadhay sababaha loo tiirin karo kor u kaca weyn ee ku yimid dadka uu ku dhaco cudurka Kansarka noocyadiisa naaska iyo qanjidhka dhalmada ee ragga, iyo sidoo kale khalkhalka ku yimaadda dhiigga caadada ee dumarka oo aad u soo badanaya, ayaa daahfurtay in kiriimada iyo walxaha kale ee loo isticmaalo nadaafadda, isqurxinta, iyo daryeelka jidhku ay ka mid yihiin sababaha keena cudurradan, sababta ugu weynina waa maaddooyinkan oo isbeddello ku keena hormoonnada.
Talefishanka SWR oo laga leeyahay dalka Jarmalka ayaa dhowaan baahiyey filim uu cinwaan uga dhigay, ‘Sunta ku jirta Shaambooga iyo kiriimada’ waxa aanu barnaamijkani si gaar ah u baadhay xidhiidhka ka dhexeyn kara kiriimada jidhka la mariyo ama lagu nadiifiyo, iyo kor u kaca kansarka noocyadiisan, waxaana soo baxay in maaddooyinka isku-dhis ee kiriimadan iyo Shaambooyadan lagu daro si ay jidhka uga ilaaliyaan fallaadhaha tooska ah ee qorraxdu in ay iyagu sabab u noqdaan kansarka naaska iyo qanjidhka dhalmada ee ragga. Khubaradu waxa ay sheegeen in kiriimadani ay qofka ku keeni karaan ma’ dhalaysnimo, isla markaana ay dumarka ku keenaan khalkhal ah dhiigga caadada ah.
5. Jimicsiga uu qofku sameeyo isaga oo aan si fiican uga soo kaban xanuun ku dhacay:
Dhakhaatiir u dhashay dalka Jarmalka ayaa shaaca ka qaaday in qofka oo jimicsi ama ciyaaro kale sameeya isla marka uu ka soo doogo hargabka ama guud ahaanba xanuunnada Fayrasku keeno, ay keeni karto khatar dhimasho ah. sababtuna ay tahay caabuqa ku dhacay muruqyada wadnaha oo inta badan dhaca iyada oo aanu qofku dareensanayn.
Hans-Georg Bridle oo madax ka ah maxadka cilmibaadhista wareegga dhiigga iyo caafimaadka jimicsiga oo hoos taga Akademiyadda ciyaaraha ee Cologne oo ku taalla dalka Jarmalka ayaa isna sheegay in ay habboon tahay ugu yaraan afar maalmood in uu qofku sugo ka soo kabashada xanuunka iyo jimicsiga.
6. Ciddiyaha dhaadheer:
Ciddiyuhu caadi ahaan waa muraayad laga dheehdo xaaladda caafimaad ee qofka, in nadaafaddooda la ilaaliyaana waxa ay ka mid tahay waxyaabaha lagu xakamayn karo faafista cudurrada. Xitaa iyada oo nadaafadda ciddiyaha la ilaalinayana haddana weli waxa ay khubarada caafimaadku aaminsan yihiin in haddii ay dheer yihiin ay sabab u noqon karaan geeri. Waayo waxa ay hoy iyo gabbood u noqdaan Bakteeriyada I-koli (E-coli) oo sababta in qofku uu cuntada ku sumoobo,gaar ahaan carruurta iyo dadka ka shaqeeya goobaha caafimaadka iyo is qurxinta.
Sida ay khubarada caafimaadku qireenna, boqolkiiba 90 bakteeriyada gacmaheenna dul saarani waxa ay ku jirtaa ciddiyaha hoostooda, gaar ahaan dadka ciddiyaha dheer, xitaa haddii ay ku dadaalaan nadaafaddooda iyo in ay burus kaga soo saaraan wasakhda.
Diyaariye: Kamaal Marjaan