In buuggaag tiro badan aad ku kaydsato rugtaada gaarka ahi waxa ay leedahay faa’idooyin dhinacyo badan, xitaa haddii aanay suurtagal kuu ahayn in aa dhammaantood wada akhrido ama aad tahayba dadka aan marka horeba akhriska aad ugu fiicnayn.
Umberto Eco, qoraa Talyaani ah oo caan ahaa ayaa mar uu xisaabiyey, waxa uu sheegay in qofku uu noloshiisa oo dhan akhriyi karo 25’200 oo buug. Weliba waa haddii uu wax akhriska bilaabo marka uu 10 gu’ jiro, joogtana ka dhigto illaa 80 jirkiisa (Haddii uu gaadho), isaga oo maalin kasta hal buug oo dhexdhexaad ah akhriskiisa dhammaystiraya.
Umberto isaga oo xisaabtaas haya, haddana markii maktabaddiisa la tiriyey waxaa yaallay in ka badan 30 kun oo buugg. Haddii xisaabtiisa la raaco intaas oo buug ma’ uu wada akhriyin, laakiin waxa uu ogaa faa’idooyinka ku jira in buug la kaydsado oo aynu ka xusi karno:
1. Sida uu Nassim Nicholas Taleb ku sheegayo buuggiisa ‘The Black Swan’ mar kasta oo ay korodho aqoonta qofku, fahamkiisuna sii ballaadho, waxaa kordha xiisaha uu u qabo in uu yeesho maktabad u gaar ah, tiro aad u badan oo buuggaag ahna ku soo urursado, xitaa mararka qaarkood isaga oo dareensan in aanu wada akhriyi karin.
Dhinaca kalana mar kasta oo aqoonta qofku korodho waxa uu garawsadaa badnida xaddiga aqoonta ah ee weli ka maqan, dareenkaas ayaana sabab u ah in qofku uu jeclaado akhriska iyo in uu joogto u raadsado buuggaag tiro badan oo uu filayo in uu aqoon dheeraad ah ka heli doono, si uu u daboolo galdaloolooyinkiisa aqooneed ee maalinba maalinta ka dambaysa uu isku sii ogaanayo.
2. Faa’idooyinka ay leedahay buuggaag urursigu waxaa ka mid ah, in qofku mar kasta oo uu isha ku dhuftaba ay ku baraarujiso in hawl badan oo akhris ahi ay qabyo ka tahay.
Waxa ay u badantahay in soo noqnoqoshadaas xasuustu, ay mar uun ku dhiirrigeliso in uu go’aan adag ku qaato wax akhris.
3. Faa’ido kale oo ay leedahay ayaa ah, qofku mar kasta oo uu buuggaagtaas kaydka ah arko, isaga oo dabcan og in aanu wada akhriyin, in uu ku beermo dareen ah in aqoon badani ay weli ka maqantahay. Sidaas awgeed kuma dagmayo aqoonta uu leeyahay heer kasta oo ay gaadhsiisantahay, waxa aanu ku dhiirranayaa in uu cilmiga sii kordhisto akhris iyo barasho mid uu ku helaba.
4. Marar badan ayaa laga yaabaa in buuggaagta badan ee qofka u kaydsani ay ku dhiirrigeliso in uu diyaariyo mawduuc aqooneed ama dood iyo cilmibaadhis uu ka hadlo ama qoro, taas oo ku riixda in uu akhriyo kutub aanu akhriyin ama akhriyi lahayn, ama ugu yaraan qaybo ka mid ah kutubta uu hayo in uu tixraac ka raadsato.
5. Waxtarka uu dhaqanka kutub urursigu qofka u leeyahay waxa isaguna garab socda, waxtar uu u leeyahay dadka waaweyn ee guriga kula nool. Aragtida badan ee buugta kala duwani waxa ay qofka la nool ku baraarujisaa muhiimadda akhriska, waxa aanay ku dhiirrigelisaa in uu wax akhriyo, taas oo marar badan ay dhacdo in uu dhaqankaas yeesho.
6. Dadka waaweyn marka laga tago, buug urursiga iyo dhaqanka akhrisku faa’ido badan ayaa uu u leeyahay carruurta guriga ku nool. Cilmibaadhis cusub ayaa lagu ogaaday in carruurta ku kora guriga ay kutubta badani yaallaan, gaar ahaan kutub tiradoodu u dhexeyso 80 illaa 350, in ay ay akhriska balwad u yeeshaan ama akhriska iyo waxbarashada xiiseeyaan.
Carruurta guryahooda kutubta badani taallo ama waalidkood wax akhriyo waxa kale oo lagu arkay, xiise ay u qabaan cilmiga Xisaabta, Teknoolajiyadda iyo xirfadaha kale ee waxbarashada xidhiidhka la leh.
W/Q: Kamaal Marjaan