6 Arrin Oo Kordhiyo Firfircoonida iyo Dhiirranaanta Qofka

Awoodda iyo tamarta qofka ayaa ku xiran dabeecadaha kala duwan ee bini’aadamka. Nashaadka, firfircoonida iyo laqabsiga samaynta waxyaabaha guusha lagu gaaro ayaa u baahan tamar iyo dadaal dheere ah. Awooda loo yeesho in la sameeyo waxyaabo badan oo nolosha ku xeeran ayaa dhanka kale caqabad ku ah walwalka iyo walbahaarka maadaama ka faa’ideysiga awooda iyo firfircoonida shaqsinimo ay kor u qaadayso ka guul kaarida hadafyada kala duwan ee nolosha qofka.

Walwalka iyo walbahaarku waxay hoos u dhigaan farxada iyo fahmida awooda shaqsiga, waxayna caqabad ku yihiin horumarkiisa. Joogtaynta firfircoonida iyo dhiiranaanta ayaa dhanka kale hoos u dhiga itaal yarida jismiga iyo midka maskaxdaba.

Siyaabaha loo kordhiyo tamarta ama awooda loona ahaado shaqsi ku dhiiran dhamaan hawlaha horyaala ayaa ah qaabab kala duwan iyadoo la adeegsanayo siyaabo kala duwan. Siyaabahaan ayaa waxaa fure u ah ku xirnaanshaha Alle iyo aaminaada ama kalsiinada guusha. Waxaa kamid ay sida dabiiciga ah ee loo kordhiyo dhiirranaanta;

Quudo macdan kugu filan

Macdanta ayaa la ogaaday inay qayb weyn ka qaadato inuusan qofku dareemin caajis badan kaasoo la aaminsan yahay inuu ka yimaado, tamarta murqada iyo fariimaha maskaxda oo yaraada. Macdanta sida khaaska loo xusey ayaa ah mida loo yaqaano Magnesium taasoo laga helo cunnooyin kala duwan, sida cunooyinka balka leh oo ay kamid yihiin, qamadiga iyo haruurka. Macdantaan ayaa ka qayb qaadata samaynta fariimaha lagu gudbiyo neerfayaasha.

Jimicsi/ Lugeyn

Firfircoonida ayaa wax kor u qaada jimicsiga. Jimicsu waxuu la diriraa caajiska maadaama unugyada ama xubnaha jirku ay noqonayaan kuwa awood leh. Waxaa muhiim ah in maalin walba lasameeyo jimicsi joogta ama la socdo ugu yaraan 3o daqiiqo. Arintaas ayaa la aaminsan yahay inay siyaadiso dhiirranaanta iyo awooda oo qofku u heli karo inuu sameeyo bartilmaameedyada ku xardhan jadwalkiisa.

Indha guduudso duhurkii

Hurdada waqtiga yar ee laseexdo duhurkii ayaa faa’ido weyn u leh caafimaadka. Maadaama galinka hore ee maalintii uu yahay kan ugu shaqada badan, waxaa la aaminsan yahay in hurdada duhurkii ah ay meesha ka saarto daalkii iyo culeyskii uu qofku dareemayay kahor iyo kadib xiliga shaqada.

Haka boodin quraacda

Quraacdu waa cunno xiliyeed aad u muhiim ah. Xiliga habeenkii ee la hurda ayaa jirku isku sameeyaa qashin saarid, shaqada badan ee uu jirku qabtay habeenkaa ayaa ka dhigaysa muhiimad gaar ah in la cuno quraac maadama jirku uu u baahan yahay tamar. Quraacda oo laga boodo ayaa laga qaadi karaa ama noqon karta mid kamid ah sababa keena xanuunada ku dhaca beerka iyo maskaxda.

Maaree walwalka

Walwalku waxuu keenaa inay daasho maskaxdu. Awooda saxda ah ee uu qofku ku dhaqdhaqaaqa ahaa ah mida ka timaada maskaxda. Walwalku waxuu hoos udhigaa habka fikirka iyo go’aan qaadashada shaqsiga waana mid nafta ku abuura cabsi iyo baqdin joogta ah. Yareynta ama maareynta walwalka ayaa la aaminsan yahay inay kor u qaadi karto dhiirranaanta shaqsiga.

Cab biyo kugu filan

Inkabadan lix galaas oo biyo ah oo la cabo maalintii ayaa u wanaagsan caafimaad qabka dheefshiidka iyo guud ahaan mida jirka. Biyaha ayaa inoo qabta shaqooyin aad u balaaran oo ay kamid tahay isku dheelitirka heer kulka jirka iyo ka qayb qaadashada shiidada cunada iyo saarida haraaga aan jirku u baahnayn sida saxarada iyo kaadida. Cabida biyaha badan ayaa kamid ah heerarka lagu siyaadin karo dhiirranaanta.

Siyaabaha kale ee dabiicaga ah ee lagu kordhin karo dhiirranaanta iyo awooda maskaxda ayaa waxaa kamid ah quudashada cuntooyinka ay sonkortu ku yartahay, dabaasha, xiriirka aad la leedahay bulshada gaar ahaan kuwooda aad ku dayato iyo kalsoonida aad ka qabto rajada guusha.

W/Q: Adam Shire

Check Also

Faa’idooyinka Ay Leedahay In La Yareeyo Isticmaalka Baraha Bulshada

Isticmaalka baraha bulshada waxa aynnu ka helnaa aqoon guud iyo xogo marar ka qaarkood waxtar …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *