5 Qodob Oo Lagu Ilaaliyo Caafimaadka Jidhka Iyo Maskaxda

Qodobbada hoos ku qorani waxa ay u fiican yihiin caafimaadka jidhka iyo maskaxda, waxa aanay kor u qaadaan awoodda uu jidhku u leeyahay in uu iska caabbiyo calaamadaha gabowga, isaga oo ilaashanaya muuqaalka dhalinyaranimo.

1. Joogtaynta Jimicsiga

2. Hurdo kugu filan oo aad seexato.

3. Wanaaji cuntadaada:

Cuntooyinka u badan khudradda, badarka, kalluunka, subagga ama saliidda aan caafimaadka dhibaatada ku keenayn, iyo in la iska yareeyo cunista hilibka xoolaha iyo milixdu, waxa ay u fiican yihiin caafimaadka jidhka, maskaxda iyo nafsadda, waxa aanay dhiirrigeliyaan awoodda uu jidhku kaga hortegeyo calaamadaha gabowga.

4. Jimicsiga maskaxda:

ku dadaal in maskaxda aad u dirto hawlo ku qasbaya in ay shaqayso, sida furfurista hal xidhaalayaasha iyo Barashada xirfadaha cusub.

5. Bulshada dhexgal:

Bulshada oo la dhexgalaa waxa ay xakamaysaa xaaladaha nafsiga ah ee isku buuqa iyo warwarku ka mid yihiin.

Kamaal Marjaan

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *