Ruux kasta oo da’diisu dhalinyaronimo ka gudubto waxaa ku bilowda warwar hor leh oo uu ka qabo gabowga iyo duruufihiisa, gaar ahaan dhinaca caafimaadka iyo weliba muuqaallada gabowga astaanta u ah ee qofka ka soo daahira, sida coodh-coodhka.
Waa run in aan maal, aqoon iyo nolol barwaaqo midina aanu qofka u dammaanad qaadi karin in uu abidkii haysto muuqaalka dhalinyaronimo, oo mar kasta oo uu gu’ u kordhaba sii guuraya. Sababo kale ayaa keena gabowga raagistiisa iyo soo deg-degistiisaba, waxaa ka mid ah waxyaabo aynaan innagu gacanta ku haysan, sida hidde-sidayaasha, waxaa iyaguna jiro arrimo door ah oo aynu dib ugu riixi karno gabowga iyo calaamadihiisa ama ugu yaraan intii muddo ah aynu ku sii haysan karno quruxda iyo dhalaalka dhalinyaronimo.
Shabakadda Reform House oo laga leeyahay dalka Jarmalka ayaa qoraal ay dhowaan soo saartay oo ay kaga hadlaysay arrintan waxa ay inoogu soo gudbinaysaa dhowr tallaabo oo qofka maraa, marka ay da’i hesho uu muddo sii haysan karo caafimaadka iyo quruxda dhalinyaronimo. tallaabooyinkaas oo aynu afsoomaali usoo rognay si akhristayaashu uga faa’idaystaanna waxa ay yihiin sidan:
Waxa aad tahay uun wixii aad cunto:
Cuntada caafimaadka qabta iyo in aad ku dadaasho cunista cuntooyinka aan lahayn dufanka iyo isku-dhisyada kiimikaad iyo sidoo kale cuntooyinka Kalooris ku ku badan yihiin waxa ay qofka u leedahay faa’idooyin caafimaad oo qaybo ka mid ah laga arko wejigiisa iyo habsami u shaqaynta xubnaha kala duwan ee jidhkiisa, gaar ahaan marka da’diisu weynaato. Xeeldheerayaasha caafimaadkuna waxa ay ku taliyaan in qofku uu xoogga saaro cunista cuntooyinka dhirta ka timid.
Omega 3:
Xeeldheerayaashu waxa ay in badan ka hadlaan asiidhka duxda ah ee Omega3 oo la xaqiijiyey in uu dhimo kor u kaca ku yimaadda dufanka dhiigga, dufankaas dhiigga raacaana waxa uu ka mid yahay sababaha calaamadaha gabowga ku keena qofka. Omega3 waxaa laga helaa kalluunka.
Dareeruhu waa furaha dhalinyaronimo waarta:
In qofku uu maalin kasta cabbo ugu yaraan laba litir oo biyo iyo dareeraha /sharaabka laga sameeyo dhirta iyo sharaabka kalaba ahi waxa ay saamayn fiican ku leedahay wax-qabadka unuygada maskaxda iyo weliba qaabka muuqaal ee maqaarka. Mar kasta oo ay da’da qofku sii korodhana dareeraha oo jidhkiisa ku yaraadaa waxa uu hoos u dhigaa awoodaha garasho iyo maskaxeed ee qofka.
Ka dheeroow cadhada iyo diiqadda:
Awood uma’ lihin in aynu saamayn ku yeelanno hidde-sidayaasha, laakiin waxaa jira arrimo kale oo ay ka mid yihiin diiqadda nafsiga ah iyo cadhada oo saamayn taban ku yeelata awoodda iska caabbinta calaamadaha gabowga. Markaas ayaanu jidhku awood u yeelanayaa in uu soo kabo, burbur kasta oo ku dhaco unugyada iyo neerfayaasha.
Maskaxdaada jimicsi u samee:
Maskaxda dadku waxa ay u baahan tahay caqabado iyo hadba in taakooyin cusub oo nololeed ay la soo dersaan, si ay u noqoto mid mar kasta feejigan oo soo jeeda, una diyaar ah in hadba dhibta ka hor timaadda ay xal degdeg ah u raadiso.
Ciyaaraha xujooyin ka ah, hal-xidhaalaha iiyuo maaddooyinka qaar oo xisaabtu ka mid tahay waxa ay waxa ay kor u qaadaan heerka hawlgudasho ee maskaxda waxa aanay xoojiyaan firfircoonideeda. Sidaa awgeed waxaa fiican in qofku uu samaysto saacado uu qabto hawlaha ama waajibaadka la og yahay in maskaxda ay ku abuuraan firfricooni.
Xarakaadku hawlgabka ayaa ay dib u dhigaan:
In qofku uu maalintii xarakaad iyo socod sameeyo ugu yaraan inta u dhaxaysa 15 illaa 20 daqiiqo waxa ay nidaamisaa saacadda bayoolojiga ah ee qofka ku beeran waxa aanay si muuqata dib ugu riixdaa soo shaac bixista astaamaha gabowga. Waxaa intaas u sii dheer in ay hab-dhiska difaaca ilaalinayso aadna u xoojinayso lafaha iyo muruqyada qofka.
Diyaariye: Kamaal Marjaan