Inta badan aabayaasha iyo hooyooyinka ku cusub waalidnimadu waxa ay dhib kala kulmaan daryeelka ilmaha koowaad gaar ahaan sannadka koowaad ee waalidnimada oo mararka qaarkood laga yaabo in ay ku kacaan ficiloo ay iyagu u haystaan in ay ilmaha wax ugu tarayaan ama ku daryeelayaan laakiin runtu tahay in ay raad taban ku yeelanayaan caafimaadka ilmaha yar. Qormadan maanta waxaan akhristayaasha ugu soo gudbinaynaa shan ka mid ah qaladaadka waalidka ka dhaca muddooyinka u horreeya ee koritaanka ilmaha koowaad:
Cuntada iyo ilmaha yar:
Inta badan sannadka hore ee ilmaha jiritaankiisa aabaha iyo hooyadu waxa ay la kulmaan warwar badan iyo cabsi ilmaha la xidhiidha ay ku abuuraan arrimo aad u sahlan, oo tusaale ahaan ‘in ilmuhu cunto ku filan cunay iyo in kale, ama in sababta uu u ooyayaa ay tahay gaajo”
Waa arrin iska dabiici ah in maalinba maalinta ka dambaysa ay ilmaha wax u kordhaan, jidh ahaan iyo maskax ahaan labadaba, waxa aanay taasi is beddel ku keenaysaa wax yaabo badan oo marka hore waalidku gacanta ku wada hayey, tusaale ahaan marka hore waxa uu cuntada ka qaadanayaa inta ay hooyadu siiso, laakiin muddo yar kadib waxa uu bilaabaya in cuntada inta uu doonayo uu ka cuno kadibna diido, taas oo waalidka cusub ku beerta warwar ah in ilmaha cunto qaadashadiisii xumaatay, laakiin waxa ay khubaradu waalidka cusub kula talinayaan in aanay isku mashquulin arrintaas, isla markaana aanay isku dayin in ay ku qasbaan cuntada si aanu u matagin.
Mirta habeennimo ee ilmaha:
Sida ay khubaradu sheegaan ilmaha yari waxa uu u baahan yahay in naaska lagu duwo 2 illaa 3 saac oo kasta, taas oo inta badanna waalidku og yahay ama hooyadu si dabiici ah u garato. Laakiin waxaa haddana muhiim ah in la ogaado in ilmaha oo dhowrkii saac ee kastaba habeenkii mar la toosiyo si cunto loo siiyaa in ay tahay qalad, gaar ahaan marka ilmuhu uu ka gudbo bisha koowaad. Dhakhaatiirtu waxa ay waalidka kula talinayaan in ilmuhu marka uu gaadho toddobaadka Lixaad ay u geeyaan dhakhtar carruureed si loo ogaado in ay dabiici yihiin, koritaanka miisaankiisa, iyo xarakaadka midhiciradu, haddii la xaqiijiyo in ilmaha caafimaadkiisu fiican yahayna waxaa waalidka la gudboon in ilmaha aan habeenkii saddexdii saacba ama dhowr jeer mirta loo toosinin.
Daryeelka caafimaadka afka:
Inta badan waalidiinta cusub waxaa ku dhaca faham qaldan oo ah in ilmuhu maadaama oo aanu ilko lahayn aanu afkiisu u baahnayn nadiifin. Dhakhaatiirtu waxa ay ku talinayaan in ay qasab tahay in caafimaadka afka ilmaha la ilaaliyo inta uu caano nuugga yahay ee aanay weli ilkuhuba u soo bixin. Mar kasta oo ilmaha caan ola siiyo waa in maro yar oo jilicsan oo nadiif ah lagu masaxo cirridka iyo guud ahaanba afka ilmaha, laakiin iska jir lama ogola in cudbi lagu masaxo. Afka waxaa ku jirta maaddo loo yaqaanno Fluoride oo muhiim u ah caafimaadka cirridka, sidaa awgeed si ay u firfircoonaato maadaddaasi waxaa fiican in ilmaha mar kasta oo cunto la siiyo in afka loogu qooyo dhibco yar oo biyo.
Hurdada duhurka kadib:
Waalidiinta qaar ayaa aaminsan in haddii ilmuhu uu maalintii in badan soo jeedo uu habeenkii hurdo fiican oo xasiloon seexanayo, markaasay ilmaha maalintii oo dhan ka mashquuliyaan hurdada. Arrintaasi waxa ay sax ku tahay dadka waaweyn, laakiin carruurta Maya. Sida ay khubarada caafimaadku xaqiijinayaan marka ilmaha caana-nuugga ahi daal dareemo ma awoodo in uu seexdo, sidaa awgeed illaa ilmuhu uu hal sano gaadho waa in waalidku iska ilaaliyo in ay maalintii hurdada ka ilaaliyaan, waa in ilmaha la siiyaa xorriyad buuxda oo ah in saacadaha uu doono seexdo marka uu doonana soo jeedo, waayo hurdo caafimaad qabta oo uu helaa waxa ay qayb ka tahay caafimaadkiisa oo wanaagsanaada.
Luuqadda carruurta:
Dhammaanteen waxaa innagu qufulan in marka aynu ilmo yar la hadlayno isku dayno in aynu isticmaalno kelmado afka carruurta aynu u naqaanno oo aynu is leenahay iyaga ayaa uu fahmi og yahay. Laakiin cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in ilmuhu isaga oo weli yar uu dhaqso u fahmo ereyada, muddo dheer ka hor inta aanu hadal baranna uu awoodo in uu fahmo kelmadaha, sidaa awgeed qasab ma’aha in waalidku uu isku kallifo ereyo jaban in uu ilmaha kula hadlo, laakiin kelmado iyo ereyo gaagaaban oo sax ah oo caddaan ah ha u isticmaalo ilmaha tan iyo bilowga dhalashadiisaba, waxa aanay khubaradu aaminsan yihiin in ay tani si fiican uga caawin doonto barashada iyo fahamka hadalka.
-KAMAAL MARJAAN