Ha noqon gabar dharka ay banaanka kala imaatay ama jikada kula jirtay ku seexata
Qurxdada iyo nadaafadada ma aha oo kaliya inaa banaanka marka joogtid muujisid. Gabdhaha badankood ma daryeelaan quruxdooda inteysan seexan ka hor.
Siyaabahan hoos ku xusan waxey kugu cawinayan inaad kusoo kacdid raaxo iyo qurux.
1. Iska dhaq Turukada
Iska meeydh waxyaabihi aad ku quruxisay wajigaga aadoo biyo qandac ah isticmaalaya isla markaasna kareem marsanaya ‘ogow biyaha kulul korka waa qalajiya’.
2. Marso kareem
Malintiyoo dhan waa soo jeedana waana mashquulsanhey taasoo sababta in jirkeena qalalo. Hadaba habeenka waa fursad fiican oo aad qaleylkaas ku baabi’in karta adigoo marsanaya kareem waliba gacmaha iyo lugaha.
Nadaafada waa Iimaanka badhkis
3. Barkin Silka ah
Ku seexo barkin sabiibax ah ‘silk’ taas oo ka celineysa in timahaga ku dhagaan barkinta, Timahaaga waxey leeyihin saliid iyo wasaq, hadaba biin ku xir kana ilaali iney wajigaga soo gaaran.
4. 8 saacadood seexo
Jirkaagoo hela hurdo ku filan waxey soo saarta nuurka wajigada iyo nasasho ka muuqata indhahaga. Iska ilaali inaa waqti yar seexata taaso kugu sababta in indhaha hoostoodo ku madowaadan oo dhiig fariisto.
Xigasho: qalanjo