Dhismaha qoysku waa seeska uu ka bilowdo dhismaha bulshadu, samaan iyo xumaan midkii galaana isaga oo sii weynaaday ayaa uu bulshada dhex tagaa oo mararka qaarkood uu noqdaa dhibaato bulsho oo xalkeedu adkaado. Qoyska dhimihiisu in uu waraao caqabado iyo xujooyin badan ayaa ka hor yimaadda, iskaashiga lammaanaha iyo isla qaadista tolmoon ayuun baana ay ku badbaadin karaan. Haddaba qormadan waxaa akhristayaasha la wadaagaynaa dhowr qodob oo ay xeeldheerayaasha cilmiga bulshadu isla qireen in ay burburin karaan qoyska, waxaana ka mid ah:
– Naqdi iyo dhalleecayn: Dhalleecayntu waa ay ka duwan tahay cabashada, waxa aanay qofka u muujisaa cadaawad.
– Yasid: ereyada, ficillada iyo xitaa ishaarooyinka afka, indhaha ama dibnaha ee qofkka xaqiraad dareensiin kraa waa cadowga ugu xun ee qoysk burburiya, keenana nacaybka iyo kala fogaanshiyaha.
– Isdifaac: In qofku uu isku dayo qalad kasta oo dhaca in uu eeddiisa iska difaaco oo qofka kale saaro, waxa ay abuurtaa colaad iyo kala fogaanshiyo.
– Boqolkiiba 69 dhibaatooyinka qoyska dhex yaallaa waa kuwo abadiya ah, oo aan lahayn xal kama dambays ah iyo meel ay ku soo af-meermaan. In rayiga lagu kala aragti duwanaado iyo in fikirka la isku khilaafaana ma’aha waxa qoyska burburiya. Laakiin dhibtu waa habka ay lammaanuhu ula macaamilaan khilaafka dhex yaalla, jidka ay u maraan xal u raadinta dhibta dhex taalla. Cilmibaadhayaasha u kuurgala arrimaha bulshaduna waxa ay ogaadeen in guurka murugada iyo farxad la’aantu ku badan tahay uu inta badan boqolkiiba 35 kordhiyo xanuunka, isla markaana uu gaadhi karo heer uu lammaanaha ama midkood ku keeno cimri degdeg.