3 Talo Ka Qaado Ninka Dunida Ugu Maalqabeensan!

Qaar badan oo ka mid ah maalqabeenka iyo dadka guulaystay ee adduunka ayaa marka hoos loo dayo noloshooda gaarka ah waxaa la ogaadaa in hurdada habeennimo aad ugu yartahay iyo in ay tobannaan go’aan maalin kasta qaataan, iyo midda ka sii daran oo ah in aanay naftooda waqti u helin. Laakiin Jeff Bezoz oo ah ninka dunida maanta ugu maalqabeensan oo adduunkiisu gaadhay 181.4 Bilyan oo doolar, ayaa sheegaya in fureyaasha guushiisa ay ka mid tahay;

  1. 8 saacadood oo uu seexdo habeenkii,
  2. go’aamada uu maalintii qaadanayo oo aanu saddex ka badin,
  3. iyo in uu shirarkiisa ugu badan galo waqtiga qadada ka hor oo aan galabtii iyo habeenkii u dhigan, si uu maskaxdu inta ay firfircoontahay uga faa’iideeyo.

Aasaasaha iyo agaasimaha shirkadda Amazon ayaa buuggiisa ‘Invent and Wander’ oo soo baxay 17 kii Noofambar 2020 waxyaabaha xiisaha leh ee uu kaga warramay waxaa ka mid ah hababka uu go’aamada u qaato. Isaga oo dhinaca kalana sheegay muhiimadda ay leedahay in qofku uu habeenkii seexdo siddeed saacadood iyo in waqtigiisa wax ka siiyo carruurtiisa iyo qoyskiisa, iyo wax akhriska, sida oo kale waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in shaqada lagu soo koobo siddeeda saacadood ee dabiiciga ah. Isaga oo naftiisa tusaale ugu soo qaatay in marka ay gaadho shanta galabnimo oo ay ku eegyihiin siddeeda saacadood in uu joojiyo hawl kasta oo uu waday, wixii qabyo ahna shaqada beri ku darsado.

Bezos waxa uu sheegay in 8 saacadood ay shaqada maalinnimo ku filan yihiin, marka uu qofku yahay qof yaqaanno sida ay hawlaha u yaallaa u kala mudan yihiin, aqoonteedii leeyahay tamarmna geliyo. Waxa kale oo uu sheegayaa faa’iidada ay leedahay in qofku uu ka fikiro hawlaha iyo caqabadaha ka sokeeya waxa uu filayo laba ama saddex sano kaddib in ay midho dhalaan. Taasi waxa ay u suurtagelinaysaa in uu hawlo fudud iyo go’aamo kooban qaato maanta, midhahoodana sannado kaddib gurto. Ka baaraandeggaas go’aamada ayaa uu sheegay in ay ka hortag u yihiin in xaaladdu kedis ku noqoto oo uu isku dayo in uu maalin keliya go’aamo waaweyn qaato.

Waxa uu sheegay guulo badan oo uu sannadka gaadho dadkuna ku hambalyeeyaan in ay yihiin guul saddex sano la soo karinayey. In aad imika ka soo shaqayso hawlo midhahooda la filayo laba ama saddex sano kaddib, ayaa horseedi kara guul dadku habeen iyod haraar dhexdood in ay ku dhalatay moodayaan. Waxa aanay kaa furanaysaa boqollaal go’aan oo aad maalin keliya wada gaadhi lahayd.

W/D: Kamaal Marjaan

Check Also

aroortii subaxdii hurdada

Faa’idada Ay Leedahay In Aroortii Laga Soo Tooso Hurdada & Waxyaabaha Ay Cilmi Baarayaashu…..

Dhamaanteen waxaa jecel nahay in aroorta hore soo toosno, balse in yar oo naga mid …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *