Waxaa jira laba nooc oo muhiim ah, oo ka mid ah noocyada hoggaaminta; Hoggaamin-bu’deedu hoggaamiyaha tahay ayaa jirta. Waa in hoggaamiyuhu uu udub dhexaad u noqdo guusha maamul ee ururka ama nidaamku gaadhayo. Is-aqoonsiga iyo is muujinta hoggaamiyaha ayaa noocan lagu yaqaannaa, waxa aana jira nidaam maamul oo kor kaga soo degaya la hoggaamiyaha, waxa keliya ee u furanina waa in uu sida la faray yeelo.
Nooca kale waa hoggaamin bu’deedu tahay la hoggaanshaha. Waxa hab maamul oo guusha loo marayo aqoonsiga, kobcinta iyo horumarinta la hoggaanshaha. Nidaamyada hoggaamintan raacaa waa kuwa shaqaalahooda u aqoonsan in ay yihiin raasamaalka ugu muhiimsan ee ay leeyihiin, sidaa awgeedna maalgashada. Waxa ay leeyihiin nidaam maamul iyo kala dambayneed oo fidsan, inta badanna maamulka iyo la maamulahaba taladu si siman uga imanayso, ama ugu yaraan la is dhegeysanayo oo shaqaalaha ama la hoggaamiyuhu yeelan karo cod saamayn ku leh go’aamada hay’adda ama shirkadda.
Noocan dambe ayaa ah ka la aaminsan yahay in uu aad uga midho dhal badan yahay nooca hore, inta badanna guusha uga dhowyahay.
Qormadan hoose oo aynu ka soo xigannay shabakadda cilminafsiga ka faalloota ee ‘Phsychology today’ waxa aynu ku eegaynaa saddex tilmaamood oo lagu yaqaanno nooca labaad ee labada nooc ee hoggaaminta ee aynu kor ku xusnay. Waa saddex dabeecadood oo ah kuwa ugu muhiimsan ee ay tahay in hoggaamiyahan laga helo. Waxa aanay kala yihiin:
- Xurmayn: In hoggaamiyuhu uu xurmayn iyo tixgelin u muujiyo dadka uu maamulayo iyo xitaa kuwa aanu maamulayn ee tusaale ahaan ay ka mid yihiin dadka macaamiisha u ah ama xidhiidhka la leh dalka uu hoggaaminayo. Tixgelinta waxaa ka mid ah in uu qiimeeyo oo uu u bogo, xirfadda dadka uu maamulayo, daacadnimadooda shaqo iyo waxtarka ay ku soo kordhiyaan shirkadda ama shaqada uu u dirtay.
Waxa kale oo tixgelinta looga jeedaa, in hoggaamiyuhu uu u dacwoodo oo soo bandhigo waxtarka iyo gacanta uu la hoggaamiyuhu ku leeyahay shaqada ama shirkadda, in uu qiimeeyo aragtidooda iyo dareenkooda. In uu dhegeysto shaqaalaha ama la hoggaamiyaha iyo in uu xaal ogaado. Arrimahaasi waa furaha koowaad ee guusha hoggaamiyaha.
- Garawshiyo: Hoggaamiyuhu waa in uu muujiyo u bogista, aqoonsiga iyo garowshiyaha uu u hayo hawsha ay dadka kale ku soo kordhiyaan shaqada, shirkadda ama hay’adda. Waa in uu qofka ku ammaano midhaha ka yimi dadaalkiisa, marka ay abaalmarin mudantahayna uu bixiyo.
- Abaalmarin: Hoggaamiyaah sida dhabta ah u yaqaanna dadka uu hoggaaminayaa, waxa uu fahmaa waxa mid kasta oo dadkaas ka mid ah u noqonaya dhiirrigelin iyo niyad-dhis, waxaas ayaanu ku abaalmariyaa marka uu mutaysto abaalmarin.
Dadka qaarkood abaalmarinta ugu fiican waxa ay u yaqaannaan in xil iyo waajibaad dheeraad ah la siiyo, sidaa awgeed waa in la dallacsiiyaa, qaar kale waxa ay jecel yihiin in dadka loo sheego guusha iyo wanaagga ay keeneen, waa in kuwaasna xaflad iyo munaasabad laga sheegaa, laakiin dhammaantood waxa ay ka siman yihiin in abaalmarinta ugu fiican ay u yaqaannaan marka lacag dheeraad ah ay helaan. Iyaduna waa in aanay meesha ka maqnaan.
–Kamaal Marjaan