13 Tallaabo Oo Hadaad Joogteyso Aad Ku Helaysid Caafimaad Buuxa

waxa loo baahan yahay iyada oo aan marnaba wixii Allaah kuu qadaray anaad ka baxsanayn oo uu ku haleelaayo, hadana in uu Qofku ku dedaalo daryeelka Caafimaadka Jidhkiisa, arimahan soo socdaana waxay kaa taageerayaan ilaalinta Caafimaadkaaga hadii ilaahay kuu qadaro arimahaan ay daryeelmagazine.com idiin hayso waxa kamid ah:

1- ka fogow Sumaha cad ee saddexda ah: Sumaha cad ee saddexda ahi waa Sonkorta, Milixda iyo Daqiiqda cad, saddexdaas ka fogow intii aad kari karto ama aad u yaray waayo waxa hubaal ah inay dhib u leeyihiin Caafimaadkaaga, yaray Milixda intaad kari karto, Sonkortana Malabka ku bedel, Daqiiqda guduudka ahna isticmaal halkaad ka isticmaali lahayd Daqiiqda cad.

2- Khudaarta oo aad cunto adiga oo si fiican u calalinaaya aad iyo aad, waayo Cuntada oo la calaliyaa si fiican waxay kordhisaa nisbada Maadooyinka Kimikalada ah(Chemicals) ee la dagaalama Kudka (Cancer) Khudaarta la yidhaahdo Kaabajka(Cabbage) iyo Zahrada (Cauliflower)

3- Socod Maalin walba ah: Socod Maalin walba ah muda gaadhaysa Nus Saacad ilaa hal Saacad ah wuxuu yarayaa suurta galka ah inuu kugu dhaco Kudku(Cancer) nisbad gaadhaysa 18% wuxuuna kaa taageerayaa inaad ka takhalusto qiyaastii 3KG oo miisaankaaga ah Sanadkii wuxuuna ilaaliyaa toosnaanta Jidhka.

4- Inaad badsato cunista Lowska hadaad helayso, waxana haboon inaad cunto Waqtiyaad u dhexeeya Waqtiyada Cuntada iyo markaad dareento Gaajo, Lowsku waxay hodon ku tahay Cunsurada (Factors) quudinta ee ay saboolka ka tahay Cuntada caadiga ah ee Maalintii walba la cunaa.

5- Bunka hadaad cabto waa inaad ku darta Qorfo, ku dar Malcaqad yar badhkeed oo Qorfe ah Koobkaaga Bunka ah ee Maalin walba, wuxuu ka qayb qaataa hoos u dhigista Xaydha ku jirta dhiiga (Cholesterol) wuxuuna ka taageeraa Jidhka inuu u isticmaalo Insuliinta (Insulin) si waxtar leh oo aad ah, tan kale wuxuu faa’iido u leeyahay Dadka qaba Sonkoriga (Diabetes) haday si joogta ah u isticmaalaan.

6- Looma baahna deg deg iyo dheerayn ee waxaa laabud ah inaad qaadato Waqti markaad ku kacaysid Shaqooyinkaaga Maalin walba ah si aad uga badbaado inuu ku haleelo kor u kac ku yimaada Cadaadinta Dhiiga (Blood Pressure).

7- Ku dar Malcaqad badhkeed oo Xabat Sooda ah Koob Caanafadhi ah oo ka madhan Labeenta waana inaad qaadataa Maalin walba haday kuu suuroobayso.

8- Saddex Saami oo Khudaar iyo Furuut (Fruits) ah Maalin walba, ku dedaalo inaad cunto Khudaar iyo Furuut Saddex goor Maalintiiba waxa suura gal ah in ay yarayso khatarta ah inaad qaado Wadna Istaag (Heart attack) nisbad ah 70%.

9- Thoomto waa Pharmacy la yaab leh oo kaa ilaalinaya Cuduro badan, Thoomto waa tan ugu cajeb badan Daawooyinka Dabeeciga ah  waxay kaa ilaalisaa Xanuuna badan hase yeeshee waa inaad calalisaa markaad cunto ka dib wuxuun khudaar ah sida Kasbarada, Baqdooniska iwm si uu uga suuliyo urteeda Afka, Afkana si fiican u nadiifi gaar ahaan markaad Salaada u diyaar garowbayso.

10- Malmalku waa Antibiotic ga ugu wanaagsan, Antibiotic yada Chemicals ka ahi waxay leeyihiin dhib aad u wayn oo dhinac kale ah (side effects) hadaad badsato isticmaalkooda laakiin Malmalku wuxuu faa’iido leeyahay sida Antibiotic ga wuxuuna leeyahay faa’iidooyin kale oo badan mana laha wax dhibaato ah (side effects) ee isticmaala isaga markaad u baahataan Antibiotic

11- Khalka (Vinegar) isticmaal had iyo goor, Khalku gaar ahaan Khalka Tufaaxa waa Maadooyinka ugu faa’iidada badan Jidhka, faa’iidooyinkiisana lama koobi karo ku darso Malcaqad yar oo Khal ah Maalin walba Saladhka

12- Shaaha Cagaaran oo aad cabto, waxaa haboon inaad cabto Koob Shaaha Cagaaran ah Maalin walba kaas oo ka horjoogsanaya Oxidation ka Cells ka Jidhka wuxuuna yarayaa suura galka inuu kugu dhaco Kudku (Cancer) si aad uga hesho natiijo wanaagsan waa inuu culusaadaa Shaahu aadna ku cabto Sonkor la’aan.

13- Kaluunka oo aad cunto Todobaadkii hal mar, inkasta oo ay kuwa ku Xeeshadheeri ku talinayaan inaad cunto Kaluun Todobaadkii laba goor hadana inaad cunto hal mar waxa suura gal ah inay kaa gargaarto hagaajinta isu dheeli tirka Maadooyinka Chemicals ka ah ee Maskaxda, Kaluunku wuxuu faa’iido u leeyahay Caafimaadka Wadnaha iyo Maskaxda.

Ugu dambayntii Allaah waxaan ka baryaynaa Caafimaad iyo inuu na cafiyo labada Daaroodba

Check Also

madax xanuunka qubayska

Sababaha Keeno Madax Xanuunka Qubeyska Iyo Qaabka Loo Yarayn Karo

Bismillah, Waxaan qoraalkaan kaga jawaabaynaa madax xanuunka la dareemo markuu qofka madaxa dhaqdo ama qubeysto, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *