13 Dabeecadood Oo Burburiya Kalsoonida Nafta

kalsoonida nafta, caadooyin, qofka isku kalsoon,

‘Kalsoonida naftu’ waxa ay ka mid tahay dabeecadaha ugu badan ee aadamuhu janto, isugu faano, ama jecelyahay in uu barto. Laakiin waxaa jira dabeecado ay xeeldheereyaasha cilminafsigu sheegeen in ay burburiyaan kalsoonida ay tahay in aynu nafaheenna ku qabno, dhaqanno dilaya qabkeenna iyo aqoonsiga heerka nafteennu joogto; waxaa ka mid ah:

Cudur-daarashada badan

In aad raalligelin ka bixiso gefkaaga iyo gaabis kasta oo kaa yimaaddaa waxa ay ku timaaddaa kalsoonida aad isku qabto, laakiin ogoow in raalligelinta qudheeda oo aad ku talaxtagtaa ay tahay cudur burburinaya kalsoonidii naftaada.

Iska jir ku celcelinta isticmaalka ereyada raalligelinta ah; haddii aad ballan ka daahday, haddii hawl lagaa filayey aad ka gaabisay, ama aad illowdo qof ay ahayd in aad xusto iyo gef kasta oo dhaca, iska jir in aad isla munaasabadda ama fadhiga dhexdiisii ku celceliso ‘Waan ka xumahay’ .. ‘Waan qaldamay’ iyo ereyada la midka ah.

Hal mar sida ugu quruxda iyo anshaxa fiican raalligelinta u bixi, kaddib uga gudub hadallada kale ee kuu yaalla, mar dambana dib ha eegin.

Ammaanta badan:

Dad badan ayaa dhaqan u leh in ammaan kala daalaan ruuxa ay xurmada u hayaan ama sarraynta u qirayaan. Qofka ammaantiisa oo aad ku talaxtagtaa waxa ay burburisaa kalsoonida ay tahay in aad naftaada ku qabto. Mar kasta oo aad ku talaxtagto ammaanta iyo bogaadinta qofka kale, waxa ay maskaxdu qaadataa dareen ah in ay naftaada barbar dhigto wanaagga iyo ammaanta aad qofkaas ku sheegayso, waxaana ka dhasha aaminsanaan nafsadeed oo ah in aad adigu dhinaca taban iska aragto, dhaliishaada iyo meelaha aad u liidataana ay ku hor yimaaddaan.

Waxa ay keentaa dabeecad ah in mar kasta aad qof kale isku dhereriso, marka aad aragto meelaha aad uga hoosaysana waxaa ku bilaabanaya xaalad kalsooni darro naftaada aad ku qabto ah.

Ku talaxtagga ogolaanshiyaha aragtiyaha kale

Haddii aad ka baqato ka hor imaanshiyaha aragtida aad diidantahay, doodda iyo in aad si kalsooni ah u sheegto dooddaada diidmada ah, waxa aad ku dambaynaysaa in aad noqoto shakhsiyad jilicsan oo si fudud isugu dhiibta dadka kale doonistooda.

Waxa aad is arkaysaa iyada oo ay iskaga kaa xidhmeen kalsoonida aad naftaada ku qabayso iyo heerka ogolaanshiyaha aragtiyaha dadka kale. Weligaa iska jir in qabkaagu kuu diido qirashada aragtida kaa saxan iyo fikirka aad u bogto, laakiin ka dheeroow cudurka ah in aad ku dhici weydo diidmada aragtida aad ka biyo diidsantahay ama qofka kale aad kaga duwan tahay, haddii kale u diyaargarow dhimashada kalsoonida nafta.

Ku mashquulidda iimahaaga yaryar

Waxyaabaha kalsoonida naftada burburiya waxaa ka mid ah qofka oo caadaysta dabeecadda ay xeeldheereyaasha cilminafsigu ay afka Ingiriisiga ku yidhaahdaan ‘Spotlight Effect’. Waa naftaada oo aad ka dhaadhiciso in dadku ay diiradda kugu hayaan, gaar ahaan marka ay kaa dhacaan gefaf ama arrimo aad weji gabax u aragto.

Waxa uu qofku isku weynaynayaa aadna u buunbuuninayaa hannaanka ay dadka ku xeerani u arkaan ama u qiimaynayaan ceebihiisa. Tusaale ahaan, haddii uu munaasabad yimaaddo isaga oo aan muuqiisa la dhacsanayn; timaha oo aanu sidii saxda ahayd u soo qurxin ha ahaato ama labbiskiisa oo uu u arko in ka dadka kale uu ka liito, iwm. kaddib waxaa ku abuurmaya walbahaar iyo xasilooni la’aan nafsadeed oo ka dhalanaya warwawrka uu ka qabo waxa ay dadku ka odhan doonaan.

Dabeecaddani waa cudur dila kalsoonida nafta, ee dhaqso naftaada uga dawee. Sida cilmigu caddeeyey, bani’aadamku abuur ahaantii ayaanu dhugmo uba yeelan arrimaha aadka u yaryar ee hareerihiisa ka dhacaya. Waxaa intaas u dheer illowga oo badan awgeed, xitaa waxa uu markaas dareemaa dhaqso ayey maskaxdiisa uga baxaysaa.

Cabudhinta dareenka

Sida caadiga ah qof kastaa waxa uu leeyahay dareen gaar ah oo jaangooya aragtidiisa hadba arrimaha ku xeeran iyo waxyaabaha ku soo kordha noloshiisa. Qaladaadka aynu galno waxaa ka mid ah in aynu cabudhinno dareenkeenna hoose iyo su’aalaha ay maskaxdeennu iska weydiinayso arrimaha innala yaalla.

In qofku uu dadaal gelin waayo fahamka dareenkaas maskaxdiisu qabto, iyo garashada waxa ay doonaysaa, ama uu ka jawaabi waayo waxa runta ah ee maskaxdiisa ka guuxayaa waxa ay sababtaa niyadjab iyo in uu maskaxda ku abuurmo dareen ah in la dayacay, taasina waa mid ka mid ah cudurrada dila kalsoonida nafta.

Masiirkaaga oo cid kale jaangoyso

Kalsoonida naftu waxa ay ku dhisantaa kartida uu qofku u leeyahay in uu ka badheedho doonistiisa, iyo in uu ka shaqeeyo ka midha dhalinteeda.

Waxyaabaha caanka ku ah burburinta kalsoonida nafta waxaa ka mid ah in qofku uu ogolaado in uu ku socdo go’aamo khuseeya oo cid kale ay gaadhay, iyo in qof kale uu jaangooyo geeddi socodka noloshiisa.

Saaxiibbada sunta ah

Sida ay xeeldheereyaasha cilminafsigu xaqiijinayaan, ‘Qofku waa hadba dadka uu waqtigiisa ugu badan la qaato!’. Haddii waqtiga ugu badan aad la qaadato dad aan garan karin qiimahaaga qofeed ee runta ah, dad aan diyaar u ahayn in aad iskaashataan oo ay ku garab galaan marka aad u baahan tahay. Dad aan ka gaabsanayn dhibtaada, ama kuba dareensiinaya in aanad xaq u lahayn in aad si fiican u noolaato. Waxa ay ugu dambayn khaarajin doonaan kalsoonidii aad naftaada ku qabtay ama ay ahayd in aad ku qabto.

Haddii dad noocaas ahi ay kugu xeeran yihiin, waxa ay u badantahay in xadgudub uu ku dhaco dareenkaaga. Waa waxa ay culimada cilminafsigu afka Ingiriisiga ku yidhaahdaan, ‘Emotional Abuse’ oo ah xaalad nafsadeed oo ka dhalata marka dadka kugu xeerani ay noqdaan kuwo u heellan dhaliishaada, iyo in ay gef iyo liidasho kasta adiga kugu xukumaan, dad aan aqoonsanayn xuduudaha idiin dhexeeya oo arrimahaaga gaarka ah faraha la gelaya, dad isku dayaya in ay iyagu maskaxdaada jiheeyaan, dad aan danayn dareenkaaga iyo doonistaada. Marka aad duruuftaa la noolaataa waa marka ay tahay in aad ka quusato kalsooni naftaada aad ku qabi kartaba.

Dhinaca togan oo la arko

Dadka qaar ayaa dhaqan u leh in ay yareeyaan ama xaqiraan muhiimadda ay guushoodu leedahay, iyo qiimaha hawlaha togan ee ay qabteen. Muhiimadda ay siiyaan dhinaca taban ayaa aad uga badan xoogga ay saarayaan waxa togan ee ay qabteen. Arrintani waxa ay mustaqbalka dhistaa caqliyad dhinaca madow uun aragta oo ay ka dhashaan afkaar sun ah oo burburiya kalsoonida ay tahay in aynu nafteenna ku qabno.

Cidna ha isku dhererin

‘Cidda keliya ee ay tahay in aad naftaada ku dhererisaa waa naftaada’ Mar kasta oo aad isku dhereriso qof kale, waxa aad dhaawacaysaa qiimaha shakhsiyaddaada, waxa aanad dilaysaa kalsoonidii ay ahayd in aad nafta ku qabto.

In qof kale aad isku dhererisaa waxa ay ka dhigantahay in naftaada aad u sheegayso in aanay u qalmin in ay arrintaas gaadho ama ka midho dhaliso, marka loo eego qofka kale ee aad ku dhererinayso oo aad u aragto qof guushaas isagu keeni kara. Natiijada u dambaysa ee ka dhalataana waa in ay dhimato kalsoonida nafta.

Nafta oo shaki lagu abuuro

Muhiimad gaar ah iyo macne weyn ayaa ay leeyihiin ereyada iyo hadallada aad istcimaalayso marka aad naftaada ka hadlayso. Ereyada ay ka mid yihiin, ‘Waan isku dayi…’ ama ‘Waan rajaynayaa… ’ iwm. inta badan qofka dhegeysanaya waxa ay siiyaan faham ah in aanad awood u lahayn rumaynta ama gaadhista waxa uu doonayo.

Waxa ay qofka ku abuuraan dareen ah in fashilaadi soo fool-leedahay. Sidaas awgeed waa ay ku adkaanaysaa in uu wax la qabsado qof sidaas u fikiraya, ama in uu ku halleeyo ka midho dhalinta himilada iyo riyooyinka uu leeyahay.

Hadalladan iyo ereyada la midka ah ee shakiga gelinaya awoodda qofeed iyo kartida aynu leenahay, waxa ay dhaawacaan kalsoonida dadka innagu xeeran ay innagu qabaan, taasina ugu dambayn waxa ay abuurtaa in kalsoonida naftuna ay ka lunto qofka.

Naftada oo la dayaco

Siyaabaha ugu daran ee qofku uu ku burburiyo kalsoonida naftiisa uu ku qabi lahaa, waa in uu dayaco naftiisa iyo in aanu siinin danayntii iyo muhiimaddii ay u qalmaysay. Arrintani waxa ay maskaxda u dirtaa farriin ah in aanad mudnayn xurmada, fursadda, kartida, maaliyadda, waqtiga, tamarta ama xitaa nolosha fiican aanad u qalmin.

Arrintaasi waxa ay burburisaa xurmadii aad naftaada u hayn lahayd, waxa aanay dishaa kalsoonidii ay ahayd in aad isku qabto.

Isdhiibidda

‘Waa nasiibkay..’ .. ‘Waan ku guuldarraystay!’ .. ‘Waan iska sii garanayey in sidan ay u dhacayso’ … ‘Intaas ka badan siima wadi karo’ .. iwm. waa ereyo calaamad u ah hal-adayg la’aan iyo in aad is dhiibtay. Dhammaantood waxaa ereyo sun ah oo burburiya kalsoonidii la rabay in aad naftaada ku qabto.

Waxa ay maskaxda ku abuuraan dareen maloawaal ah oo u sheegaya in naftaadu ay hawshaas ka gaabisay, sidaas awgeed ay tahay in ay raacdo, jamato ama isu dhiibto cidda kale ee awoodday. Waxa aad ku dambaynaysaa in aad awoodi kari weydo in noloshaada aad wax ka beddesho.

Hadallada iyo ficillada noocan ah ka dheeroow, haddii kale ogoow in aad dilayso kalsoonidii naftaada.

Wax tegey tiigsimaad maleh

Noloshu waa tijaabo sax iyo qaladba leh, waana dariiq la maro oo looga gudbo mustaqbal kale. In wixii ku soo maray aad dib u eegto, si aad uga barato casharro iyo waayoaragnimo mustaqbalkaaga hagaa waa dhaqanka guul kuu horseedaya.

Laakiin in xusuusaha tagtadaas intii foosha xumayd ay maskaxdaada ku dhegto, in tallaabo kasta oo aad qaadi lahaydba ay ku xasuusiso jab iyo waayo adag oo laga suu gudbay, waxaa hubaal ah in ay ku dhaxalsiin doonto is dhiibis iyo in aanad ku dhicin in aad hore u socoto. Adiga oo ka cabsi qaba in qaladaadkii qudhoodu soo noqon doonaan. Waana halka ay ka bilaabmayso isku kalsoonaan la’aanta naftu.

Diyaaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *