Dhammaanteen waxa aynu ognahay in jimicsigu u dhiso jidhka una kordhiyo awood iyo adkaysi, laakiin badankeennu waa aynu mooggannahay in ay jiraan habab sidaas oo kale aynu maskaxdeennana ugu dhisi karno, una tayeyn karno si ay ugu diyaarsanaato xilliyada adag ee soo waajihi kara, iyo tallaabooyinka ay tahay in aynu qaadno marka caqabadaha kala duwan ee noloshu ay innaga hor yimaaddaan, iyo weliba sida ugu habboon ee aynnu marka horeba uga dheeraan karno duruufaha noocaas ah.
Amy Morin oo ku xeeldheer dabiibka nafsiga ah (Psychotherapist) ayaa waayoaragnimada ay ka heshay muddo dheer oo ay ku soo dhex jirtay la tacaalista xanuunnada nafsiga ah iyo la talinta Bukaanka xaaladaha nafsadeed la soo dersaan, waxa ay xaqiiqsatay in caadooyinka dib u dhaca oo uu qofku iska goyn kari waayaa ay yihiin sababaha ugu badan ee ka hor istaaga guusha iyo badhaadhaha.
Xaaladaha nafsadeed ee ay ka mid yihiin ‘qofka oo dhibbane isu arka’ isla qumanaanta iyo in uu mar kasta naftiisa xaal siiya, qofka oo ku dadaala in uu dareenka naxariiseed ee dadka soo jiito, qofka oo u xanuunsada / murugooda wax aanu waxba ka qaban karin, qofka oo ka masayra waxa dadka kale u kordha (Makhruuq), iyo qofka oo tallaabo kasta oo uu qaadayo iyo hawl kasta oo uu gelayaba ka fisha guul iyo midho dhal degdeg ah, arrimahaasi dhammaantood waxa ay ka mid yihiin dabeecadaha laba diblaha u xidha qofka ee aanu hore uga socon karin, waana caadiiyinka ay tahay in uu iska daweeyo.
Amy Morin ayaa buuggeeda ‘13 Things Mentally Strong People Don’t Do’ Waxa ay ku soo gudbinaysa hannaanka ay tahay in qofku uu u kobciyo awooddiisa maskaxeed, waxa aanay soo bandhigaysaa tallaabooyin ay iyada qudheedu soo martay, kuna guulaysatay in ay isku dabiibto.
Morin waxa ay ku doodaysaa in kartida iyo tamarta maskaxdaada oo aad kobcisaa ay beddelayso hab-dhaqankaaga iyo hannaanka aad ku socotay oo dhan, kaana caawinayso jarista caadooyinkaas dib-u-dhaca, taas oo waxbadan ka wanaajinaysa tayada noloshaada.
Waxa ay faahfaahinaysaa caadooyin 13 ah oo cidda samaysa aan laga filan karin in ay guul ka soo hoyso nolosha, waxa aanay ku tilmaamtay caadooyin iyo tallaabooyin aanay dadka maskax badani samayn. Qodobbadaas iyo Faahfaahinta ay raacisayna waa:
QOOMAMO KUMA DILAAN WAQTIGOODA:
Qoomamada iyo qofka oo ka murugooda wax hore waxa ay dishaa nafta. In naftaada aad dhibbane u aragto, cidda kugu xeeranna garawshiyo iyo calool dabac uga raadisaana waxa ay qofka ka fogeysaa in uu nolol dhammaystiran ku naalloodo. Waa waqti lumis, waxa ay maskaxda ku abuurtaa dareenno taban, waxa aanay dhaawacaysaa maskaxdeeda.
Morin waxa ay ku talisay in nolosha dhinaca ifaya laga eego, quusna aan laga istaagin samaha badan ee adduunka ka jira, dareenka ka xumaanshiyaha iyo murugadana lagu beddelo in la qiro wanaagga iyo dheeraadka uu qofku haysto. Taas haddii uu qofku maskaxdiisa ku beero, waxa uu nafsadda ku abuurayaa dareen ah in uu xurmeeyo oo ku qanco waxa gacantiisa ku jira.
ISBEDDELKA KAMA KHAJILAAN
Morin waxa ay buuggeedan ku sheegaysaa in isbeddelku uu sidiisaba shan marxaladood maro: Marxaladda ka horreysa ka fikirka isbeddelka, marxaladda fikirka, diyaargarowga, fulinta iyo marxaladda ku negaanshiyaha isbeddelka.
Waa tallaabooyinka uu maro qof kasta oo isbeddel doonayaa. Isbeddelku mararka qaarkood waxa uu noqon karaa mid cabsi badani ku xeerantahay, ama dad badani aanay hore u liqi karin, laakiin in laga cabsado ama laga khajilaa waxa ay curyaamisaa horusocodka.
Mar kasta oo uu dheeraado waqtiga uu qofku sugayo in isbeddelkaas loo bislaadaana waxa ay sii adkaysaa uun xaalka.
Iska jir sugitaanka waqtiga isbeddelka aad ku dhaqaaqayso, haddii kale facaa oo kaa sarreeyey ayaad arki.
WAQTI KUMA LUMIYAAN WAXA AANAY WAXBA KA QABAN KARIN
Ma arkaysid ruux garaad badan oo tamar gelinaya waxyaabaha aanu gacanta ku haynin. Tusaale ahaan, kama warwaro shandado iyo alaab ka luntay, ama cidhiidhiga jidka, waayo waxa uu ogyahay in aanu waxba ka qaban karin.
Marka uu la kulmo wax aanu waxba ka qaban karin, waxa uu nafta u sheegaa wax uu wax ka qaban karo oo ah, in uu maamulo go’aankiisa, sidaas awgeed isaga ayaa uu xoogga saaraa.
Morin waxa ay sheegtay in qofku uu xasilooni dareemo marka uu isku hubo in arrimihiisa oo dhami ay gacanta ugu jiraan, laakiin dhibta runta ahi ay ka hor imanayso marka uu u qaato in uu awood u leeyahay in weligiiba uu arrimaha oo dhan gacanta ku hayn karo.
Dhibaatadu waa qofka oo halkii uu ku dadaali lahaa in uu iska saaro walaaca uu qabo, isku dayaya in uu gacanta ku hayo wax kasta oo ku xeeran, taas oo marka ay u suurtageli weydo ku sii kordhinaysa dhibaatada nafsadeed ee haysata.
In qofku uu ka dheeraado isku mashquulinta waxa aanu waxba ka qaban karin, waxa ay kordhisaa farxaddiisa, waxa ay yaraysaa cadaadiska saaran maskaxdiisa ee guuldarrada u horseedi kara, waxa aanay wanaajisaa xidhiidhada uu bulshada la leeyahay, iyada oo sida oo kalana ka caawisa in uu fursado cusub helo, guulo hor leh oo fiicanna gaadho.
ISKUMA LURAAN IN CID KASTA AY RAALLIGELIYAAN
Dadka garaadka badani waxa ay ku qanacsan yihiin runta ah in aanay ahayn in qof kasta ay raalli geliyaan mar kasta, waana ay ogyihiin xitaa haddii ay isku dayaan in aanay u suurtageli karin. Sidaas awgeed kama waabtaan in ay ‘MAYA’ yidhaahdaan, ama cod dheer mawqifkooda ku sheegaan marka ay lagama maarmaan tahay.
Ujeeddadu ma’aha in ay yihiin dad qallafsan oo cid kasta si kakan ula macaamila. Waxa ay ku dadaalaan in ay naxariis, dhibirsanaan iyo cadaalad kula dhaqmaan dadka oo dhan, iyaga oo qofka ka diidaya waxa uu rabo, ayaa ay haddana ku dadaalaan in ay xakameeyaan cadhada iyo calool xumada uu u qaadi karo qofkaasi. ‘Haddii aad ‘HAA’ kaga farxin weyday ugu yaraan cadhadiisa xakamee, ayaa ay ku dhaqmaan.
Taas mid kale oo ka sii muhiimsan ayaa jirta, qofka maskaxda badani waxa uu isku dayaa in uu ogaado waxa qofka kale ka aaminsan yahay, iyo dareenka uu ka qabo, kaddib waxa ay dadaal geliyaan in ay taasi saamayn ku yeeshaan.
Waxaa dhici karta in dadka qaar ay weli ku sii yara dheggenaadaan danaynta aragtida ay dadku ka qabaan, ama muhiimadda ay siinayana aragtida dadku ay ku weyn tahay, dadkaas oo kale si ay isu waafajiyaan arrinta aynu ka hadalnay iyo dareenkoodan; waxaa ku filan in ay faham fiican ka qaataan xeeladaha raadaynta maskaxda qofka iyo jihaynta aragtidooda.
Waa waxa afka cilminafsiga lagu yidhaahdo ‘Manipulation’ oo sida ugu kooban ee aynu u qeexi karnaa ay tahay in qofku uu bulsho ama qof kale ku yeesho raad uu wax kaga beddeli karo go’aanka iyo aragtida uu arrin ka qaadanayo, isaga oo waafajinaya sida dantiisa u fiican.
Waa ay fududahay in saamayn lagu yeesho hab fikirka dadka, laakiin dadka oo dhan ma’aha, sidaas awgeed waxaa ka sii hawl yar in aanad danayn dareenka dadku kaa qaadanayo. Sida ay Morin ku caddaynayso buuggeedanna, in aad faraha ka qaado isku dayga farxad gelinta dadka oo dhami, waxa ay xoojinaysaa, siina badinaysaa kalsoonida aad naftaada ku qabto.
KAMA BAQAAN KHATARTA, WAA SE AY KA TABAABUSHAYTAAN
Qofka caqliga badani si maangaabnimo ama ka baaraandeg la’aan ah isagama badheedho khataraha, laakiin haddana dhib uma arko in uu u badheedho khatartu marka ay tahay mid uu hore uga sii tabaabushaystay khasaaraha ka iman kara.
Dadka garaadka badani go’aan kasta oo ay qaadanayaan waxa ay raaciyaan dadaal ay ku qiimaynayaan heerka dhibta iyo dheefta ku jirta, ka hor inta aanay qaadan go’aankaas. Gaar ahaan marka uu yahay go’aan muhiim ah, waxa ay ku dadaalaan in xog fiican ay ka ururayaan dhinacyada taban ee saamaynta ka dhalanaysa go’aankooda.
Morin waxa ay buuggan ku sheegaysaa in dadku ay ka baqaan khatarta; khatar maaliyadeed, mid jidheed ama dareen, tu bulsho iyo shaqo mid kasta oo ay tahay. Aqoonta uu qofku u leeyahay arrinta uu go’aanka ka gaadhayo ama xogta uu ka hayo oo gaabani waxa ay keentaa cabsi badan oo ka gasha khatarta ka iman karta oo inta badan uu heerkeeda runta ah ka weyneeyo. Sidaas awgeed ku dadaal in go’aan hortii aad aqoon iyo xog badan u yeelato arrinta aad ka go’aan qaadanayso
TAARIIKH KU NOOL MA’AHA
Dadka caqliga badani waqti kuma lumiyaan in ay gabbood ka dhigtaan dhacdooyin iyo xaalado laga soo gudbay, taas beddelkeedana waxa ay aaminsanyihiin in ‘Maantu ay ka duwanaan karto shalay’. Si joogto ah xusuusta uguma celiyaan waayoaragnimo xun oo ay hore u soo mareen ama ku raaxaysiga maalmihii wanaagsanaa ee laga soo gudbay, balse waxa ay garwaaqsadaan in shalay ay tagtay, maanta ay u noolyihiin, berrina qorshaysan karaan.
Morin waxa ay buuggeedan ku leedahay, ‘Wixii tegey waxba lagama beddeli karo, in isagii lala sii noolaadaana shakhsiga waa ay burburisaa. Waxa ay qofka ka hor istaagaysaa in uu ku raaxaysto waxa maanta jooga, mustaqbalkana qorshe ka yeesho. Qofka garaadka badanina waa uu ogyahay in taasi xal ay keentaa ha joogo e’ ay keenayso walbahaar, xasilooni darro iyo xaalado la mid ah oo nafsiya.
Morin waxa ay sheegaysaa in ka fikirka wixii laga soo gudbay ay faa’iido u yeelan karto keliya marka ay tahay casharro ka barasho ay ugu horreyso in runta la waajahayo oo aanay qiiradu hagin. Waxa kale oo taariikhda laga faa’idi karaa waa in qaladaadka hore u dhacay laga dhigto digniin aragti cusub horseedda.
Akhriso qeybta labaad: Buugga: “13 Arrimood Oo Aanay Dadka Maskaxda Badani Samayn” Qeybtii 2-Aad
-Kamaal Marjaan