12 Ka Nooc Ee Shakhsiyadda Aadamaha, Adigu Midkee Tahay, (3)

Waa qaybtii saddexaad ee maqaalkii aynu ku soo bandhigaynay qaybihii uu Carl Jung u qaybiyey shakhsiyadda aadamaha:

7. GADOOD – WAXA UU CADHO KULA JIRAA DHAQANNADA BULSHO

Waa shakhsi isbeddel raadis ah oo neceb caadooyinka iyo dhaqannada hore in uu u hoggaansamo. Waa shakhsi cadho iyo gadood kula jira dhaqaannada bulsho ee guunka ah. In kasta oo uu u muuqdo ruux qallafsan, haddana waxa uu jecel yahay isbedelka iyo in dib u haybayn iyo wanaajin lagu sameeyo nolosha.

Waa shakhsi aan dan ka gelin khatarta uu waajahayo, laakiin ma’aha dhoylaawe aan ogeyn heerka khatartu marayso iyo dhibta ka soo gaadhi karta khatarta uu waajahayo. Si kastaba ha ahaato ee wanaaggiisu waa in uu yahay shakhsi mar kasta ku jira halgan wanaajin iyo isbeddel togan doon ah, waxa aanu necebyahay dulmiga iyo fasahaadka.
Waxa se dhibtiisa ka mid ah in ku dhiirrashadiisa khatartu ay khatar u soo jiiddo dadka ku xeeran.

SHAKHSIYADDAN WAXA AYNU TILMAAMTEEDA KU SOO URURINAYNAA:

  • HALKUDHEGGIISA NOLOSHU WAA: Xeer kasta oo la dejistaa waxa uu bannaynayaa xaalado la burin karo iyo in la jebin karo dhammaantii.
  • DOONISTIISA AASAASIGA AHI WAA: Kacdoon iyo aargoosi.
  • YOOLKIISU WAA: Isbeddel in la keeno – In la rido cidda aan ku habboonayn isbeddelka.
  • CABSIDIISA UGU WEYNI WAA: In dadaalkiisa iyo noloshiisu tirtirmaan ama dhammaadaan.
  • ISTARAATIJIYADDIISA NOLOSHU WAA: Burburinta waxa hore u jiray si isbeddel loo helo, iyo keenista wax ku cusub dadka ku xeeran.
  • CEEBIHIISA: Waxa uu halis u yahay in khatar ku yahay naftiisa iyo nafaha ku xeeranba, iyo in aanu cadhadiisa xakamayn karin.
  • WAXA UU LA GAAR YAHAY / ASTAAMIHIISA: Doonista joogtada ah ee isbeddelka iyo wanaajinta, waxa uu caan ku yahay shakhsiyad kacaan raadis ah, waxa uu awood u leeyahay in uu iska reebo waxa xanuunka ku haya, ama cadhada ku keena.

8. HAL-ABUUR – WAXA UU MAR KASTA KU DADAALAA SIDII UU NAFTIISA UGA TURJUMI LAHAA

Shakhsiyadda Hal-abuurka ahi waxa ay u badan tahay dadka hibooyinka nololeed ee kala duwan leh. Waa shakhsiyad jecel hindisaha iyo hal-abuurka, inta badanna u ordaya in naftiisa iyo bulshada ku xeeranba uu ku soo bandhigo qaab fan iyo hal-abuur ama suugaan leh. Laakiin inta badan hal-abuurka waxaa dhibaato ku noqota humaagga furan ee mar kasta masaxdiisu sawiranayso, taas oo marar badan sababta in daba orodka humaaggaasi ay ka fogeyso xaqiiqada waaqaca hortiisa yaalla, kana dhigta ruux ku nool duni isaga u gaar ah oo aanay cidi la wadaagin.

SHAKHSIYADDAN WAXA AYNU TILMAAMTEEDA KU SOO URURINAYNAA:

  • HALKUDHEGGIISA NOLOSHU WAA: Haddii aad humaag furan leedahay, wax kasta waa aad fali kartaa.
  • DOONISTIISA AASAASIGA AHI WAA: In uu wax badan hal-abuuro.
  • YOOLKIISU WAA: In uu nolosha kaga tago raad aan noloshiisa kaddib la illaawin.
  • CABSIDIISA UGU WEYNI WAA: In uu noqdo shakhsi dadka caadiga ah la mid ah oo aan laga soocin.
  • ISTARAATIJIYADDIISA NOLOSHU WAA: In u wax ku maamulo ku xakameeyo awooddiisa faneed iyo hal-abuurkiisa.
  • CEEBTIISA: Waa shakhi naftiisa ku buuxa oo mar kasta dadka ku xeeran is kala muhiimsan, sida oo kale waa qof fawdada iyo nidaam la’aantu ku badan tahay.
  • WAXA UU LA GAAR YAHAY / ASTAAMIHIISA: Dareen hal-abuur, humaag aan xuduud lahayn, aragti faneed, iyo xirfado horumarsan.

9. HOGGAAMIYE – WAXA UU DUSHA U RITAA MASUULIYADAHA, DADKA KU XEERANNA UU KU HORGALAA

Waa shakhsiyad ina baraysa in waxa aynu dooranayno iyo waxa ka dhalanaya go’aamadeenuba ay yihiin masuuliyaddeenna. Laakiin qofka shakhsiyaddan leh waxaa muhiim u ah in uu mar kasta feejignaado; si aanu awood iyo hoggaan jacaylkak u abuurani ugu horseedin in ay noqdaan kuwo xad gudub iyo kelitalisnimo ku dhaqma. Waayo waxa ay caan ku jacaylka ay u qabaan wax kasta oo ay ku tegeyso iyo jid kasta oo ay u mari karaan sharci iyo sharcidarraba in ay awooddooda dadka ku sandquuleeyaan.

SHAKHSIYADDAN WAXA AYNU TILMAAMTEEDA KU SOO URURINAYNAA:

  • DOONISTIISA AASAASIGA AHI WAA: Xukumid / maamulid iyo in arrin kasta hoggaanka uu u hayo.
  • YOOLKIISU WAA: Qoys dhis, iyo in bulshada laga dhigo mid badhaadhe iyo horumar ku tanaadda.
  • CABSIDIISA UGU WEYNI WAA: Fawadada iyo in laga riixdo xukunka, hoggaanka iyo hormuudnimada.
  • ISTARAATIJIYADDIISA NOLOSHU WAA: Talin iyo awooddiisu muuqato.
  • CEEBIHIISA: Mayal adayg, dadka kale noloshooda in uu maamulo oo uu jecelyahay, iyo is mudnaysiin.
  • WAXA UU LA GAAR YAHAY / ASTAAMIHIISA: Masuuliyadda waxa uu falo oo aanu ka ordin, iyo maskax badnaan siyaasadeed.

10. MUCJISO – MALE-AWAALKA AYUU RUN U ROGAA

Waa shakhsiyad jecel in waxa uu run la taaban karo ka dhigo waxyaabaha ay dadku u arkaan in uu maloawaal aan run ahayn yahay. Waxa uu jecelyahay in uu cariyo habdhaqanka iyo aaminsanaanta dadku iska caadaysteen una arkaan in aan waxba laga beddeli karin, si uu ugu beddelo waaqac. Dadka noocan ahi waxa ay u badan yihiin saynisyahannada, culimada cilmiyada kala duwan iyo guud ahaan dadka ku belo qaba raadinta cilmiga.

Carl Jung waxa uu aaminsan yahay in shakhsiyadda noocan ahi ay yihiin dad aqoontooda iyo awooddooda oo dhan u hibeeya aadamaha, waxa aanu ku talinayaa in qofka dabeecaddan isku arkaa uu ka fikiro sidii uu uga shaqayn lahaa wax u fiican nolosha aadamaha, intii awooddiisa ahna uga hortegi lahaa raadinta wax kasta oo aadamaha ka badbaadin kara halaag.

SHAKHSIYADDAN WAXA AYNU TILMAAMTEEDA KU SOO URURINAYNAA:

  • HALKUDHEGGIISA NOLOSHU WAA: Awood iyo tamar ayaa uu u leeyahay hawl kasta.
  • DOONISTIISA AASAASIGA AHI WAA: In uu fahmo nolosha ee xeerarkeeda dabiiciga ah.
  • YOOLKIISU WAA: In uu rumeeyo riyooyinkiisa oo dhan.
  • CABSIDIISA UGU WEYNI WAA: Waxaa cabsi joogto ah ku haya cawaaqibka taban ee ka hor iman kara.
  • ISTARAATIJIYADDIISA NOLOSHU WAA: Aragtiin cusub in uu keeno iyo in uu fikir io aragti u gaar ah yeesho.
  • CEEBTIISA: In uu dadka kale ku dheeldheelo, iyo marar badan in uu waaqaca horyaalla ka fogaado.
  • WAXA UU LA GAAR YAHAY / ASTAAMIHIISA: Awood shakhsi ah.

LA SOCO…

Kamaal Marjaan

Facebook page: Marjaan

Check Also

horumarka guusha, nafta, nolosha

7 Talo Oo Muhiim U Ah Horumarka Shakhsiga Ah

1. Ha ka biqin qaladka: Qaladka ugu weyni waa in aad hawsha gacmaha ka laabato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *