10 Faaido Oo Ay Leedahay Dhunkashada Afka (Shumiska)


Halkaan waxaan ku soo koobaynaa qaar ka mid ah faa’idooyinka caafimaad ee cilmi ahaan la xaqiijiyay in laga helo shumiska ama dhunkashada afka.

Gubidda kaaloriga (calorie):

Hadii aad xaas tahay ama leedahay waxaa haboon in farxada qoyska ay ahaado mid joogto ah dhunkashana ay jirtaa waayo halkii daqiiqo oo dhunkasho ah waxey gubtaa 2 illaa 23 oo kaloori ah waana u muhiim ruuxa miisaanka dhimaya.

Xoojinta murqaha wajiga:

Dhunkashadu waxay jimicso u tahay murqaha wajiga. Jimicsiga murqaahaani wuxuu caawiyaa soo saarista maadada collagen taas oo ka qeyb qaadata xoojinta maqaarka iyo ka hortagga calaamadaha gabowga.

Waxaa lagaa helaa deggenaan:

Dhunkashadu waxey kor u qaadaa heerka oxytocin oo loo yaqaan “hormoonka jaceylka” kaas oo ka caawiya inuu qofku dareemo farxad iyo xasilooni.

Oxytocin waa hormoon la soo daayo xilliyada foosha iyo naas nuujinta, wuxuu kaloo xiriir la leeyahay jacaylka, kalsoonida, galmada iyo xiriirka wanaagsan.

Maadaama uu aad u siyaado xilliga hab la isa siinayo ama xilliga galmada, sidaas ayaa loogu magac daray hormoonka jacaylka.

Hormoonkaan waxaa soo daayo qanjir ku yaallo maskaxda, ragguna way leeyihiin, laakiin haweenka ayuu aad ugu badan yahay.

Sidoo kale dhunkashadu waxey caawisaa in jirku soo daayo “endorphins” iyo “dopamine” oo ah maadooyin kimikaad kuwaas oo sababa in maskaxdu ay dareento farxad, raynrayn iyo raaxo.

Welwelka iyo isku-buuqa:

Dhunkashu waxey hoos u dhiigtaa heerka hormoonka loo yaqaanno “Cortisol” oo haddii uu jirka ku bato sababa diiqad iyo daal nafsi ah.

Dhunkashadu waxay kaloo ka qeyb qaadataa soo saarista maaddo kale oo lagu magacaabo “serotonin” oo muhiim u ah la dagaallanka niyad-jabka iyo diiqada.

Dhiig Karka:

Dhunkashada afku waa jimicsi fudud sidaas darteed waxay ka qeyb qaadataa kontaroolista cadaadiska dhiigga “blood pressure”.

Dhunkashadu waxey yareeysaa heerka hormoonka diiqada keena ee Cortisol taas oo caawisa xakamaynta cadaadiska dhiigga.

Madax xanuunka dhafoorka iyo qadaadka:

Dhunkashadu waxey yareysaa madax xanuunka niyad kaca ee loo yaqaanno “tension headache” sababtuna waa maadooyinka kiimikaad ee ay maskaxdu soo deyso dhunkashada kadib.

Kor u qaadista rabitaanka galmada:

Dhunkashadu waxay sare u qaadaa rabitaanka galmada, waxay caawisaa in jirku uu soo daayo hormoonka “testosterone” kaas oo kaalin weyn ka qaata dareenka kacsiga.

Faaidooyinka kale ee dhunkashada afka waxaa ka mid ah xoojinta difaaca jirka iyo ka hortagga suuska ilkaha.

Talo:

  • Ka fogow dhunkashada qof xanuunsan
  • Hadduu qofka afka ku leeyahay nabar ama dhaawac ka fogow in aad shumisid
  • Ku dadaal caafimaadka ilkahaaga
  • Haddii aad hergab qabtid qofna ha shumin, isticmaal maro marka aad qufacaysid ama hindhisayso.
  • Ka fogow dhunkashada xaaraanta ah iyo dadka aadan garanayn.

Akhriso: Sida loo xoojiyo caafimaadka afka

Akhriso: Sida kor loogu qaado caafimaadka ilkaha

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *