10 Cudur Oo Lagu Daweeyo Saliid Macsarada

Saliid macsarada waxaa laga shiidaa miraha sisinta waxaana loo yaqaannaa boqoradii saliidaha “queen of oils” waxayna magacaas ku mutaysatay qiimaheeda caafimaad iyo cunno ahaaneed. Saliidani waxay ka mid tahay saliidaha la cuno kuwa ugu caafimaadka badan

Inkastoo miraha sisintu ay yihiin kuwo aad u yaryar haddana waxaa ka buuxo barootiinno, antioxidants, fitamiin E, Fitamiinnada B, iyo macdano sida phosphorus, magnesium, iyo calcium.

Sida ay caddeysay daraasad lagu sameeyay dalka Mareykanka, saliid macsarta waxaa ku jiro walxo dabiiciga ah ee caafimaadka faaido u leh waxaana ka mid ah:

  • Lignans: Maadadani waxay ka kooban tahay hormoonka estrogen iyo sunsaaraha “anti-oxidant”
  • Phytosterols: maadadani waxay caawisaa hoos u dhigista heerka kolestaroolka.
  • Antioxidants: walxahaani waxay jirka u qaabilsan sunsaarista kuwaas oo unugyada ka ilaaliya waxa loo yaqaanno “free radicals” oo keena cudurro badan.

Faaidooyinka caafimaad ee saliid macsarada

Caafimaadka wadnaha:

Saliid macsartu waxay hoos u dhigtaa heerka dufanka kolestaroolka oo khatar ku ah xididada wadnaha waxayna yareysaa halista wadne xanuunka.

Daaweynta xubno xanuunka:

Macsartu waa lid-huriye “anti-Inflammatory” awood leh, waxaana loo adeegsadaa in lagu daaweeyo roomaatisamka iyo riixa maadaama ay yareyso waxyaabaha sababa xanuunadaas.

Dhiig karka:

Maaddooyinka ku jira saliid macsarada waxaa ka mid ah “sesamol” iyo “sesamin” oo labaduba dila sunta ka dhalata cuntada, waxaa intaas dheer in saliid macsarada uu ku jiro Fitamiin E. Labada maaddo ee aynu xusnay iyo fitamiin E waxa ay si weyn u caawiyaan in dhiigkarku uu dego.

Hoos u dhigista heerka sonkorta dhiigga:

Maadada Magnesium ee ku jirta saliid macsarada waxay caawisaa kantaroolista heerka sonkorta dhiigga. Waxaa kaloo saliidani qani ku tahay fitamiin E iyo antioxidants kuwaas oo habeeya heerka sonkorta dhiigga.

Qurxinta maqaarka:

Macsartu waxay qoysaa maqaarka, waxay ka dhigtaa jileec waxayna ka hortagtaa inuu laalaab yeesho. Waxaa saliidan loo adeegsadaa ku daaweynta cilladaha maqaarka. Waxay baabi’isaa qalleylka iyo dildillaaca oogada.

Daaweynta cilladaha afka:

farsamada loo yaqaanno “oil pulling” waa in saliida lagu luqluqdo muddo 20 daqiiqo ah kadibna la tufo. Waxaa la aaminsan yahay inay dhisho bakteeriyada xun ee afka. Cilmi baaris la sameeyay ayaa lagu arkay in saliid macsartu ay yareyso xanuunka yiridka ee ka dhasha huurada.

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *