Sida in badan dhacda qofku marka uu weynaado waxa ku soo noqda xusuuso badan oo la xidhiidha noloshii kala duwanayd ee uu soo maray qadhaadh iyo macaan mid ay ahaydba, sidoo kale waxa uu dib u xasuustaa ficilladii iyo hawlihii uu hore u soo qabtay, iyo wixii uu jeclaa ee aanu qaban, taas oo haddii ay badato ku abuurta murugo iyo in uu qoomameeyo in aanu waqtigii uu xoogga ahaa ka faa’idayn.
Qormadan waxa uu Geeska Afrika ku eegayaa dhowr arrimood oo ah kuwa ugu badan ee uu qofku dayaco inta uu awoodda u leeyahay, xilliga gabowgana ka qoomamoodo in aanu sidii saxda ahayn u gelin.
1. Fiicnaan lahaydaa in aanan qayrkay isku dhererin: Inta badan bani’aadamka waxaa ku dhacda in noloshiisa, horumarkiisa iyo arrimihiisa badankoodaba uu ku dhereriyo qof qayrkii ah oo uu u arko in uu la fac yahay ama in uu ka karti hooseeyo balse uu arrimahan kaga sarreeyo iwm.
Talada xeeldheerayaasha cilmiga horumarinta nafta ayaa ah in noloshu ay ku fiican tahay in qofku uu noloshiisa la tartamo, oo tusaale ahaan uu mar kasta isbarbar dhigo halka uu tagtadiisii joogay iyo halka uu maanta taagan yahay iyo weliba halka uu timaadadana tiigsanayo, taas ayaa u samaynaysa macne ka fiican naftana uga raaxo badan in uu isbarbar dhigo naftiisa iyo saaxiibbadii ama qof qoyska ama garashada kale ka mid ah, waana sida ugu fiican ee uu noloshiisa ku horumarin karo, iyada oo aanay ku jirin xaasidnimo iyo xiqdi uu cid kale uurka ugu hayaa.
2. Maxaa wax aan qaban karayey aan dayacay: Aan kuu sheego sir laga yaabo in maanta aanad qiimaheeda garan balse ay hubaal tahay in aad garan doonto haddii aad noolaato marka aad waayeesho. “Ma jiro wax boqolkiiba boqol sax ahi” Waxaa jira dad arrin ama fikir gaar ah uun isku qufula in ay sameeyaan, hadda iyaga oo aan fulinteeda mar keliya isku dayeyn ee niyadda uun ka doonaya. Sababta ay u fulin la’ yihiin waa keliya cabsi ay ka qabaan guul darro ama in shaygaasi uu noqon waayo sidii ay filayeen ama u qorshaysnayd.
Haddaba aan kuu sheego in riyada aan ficilka wadan iyo qorshaha aan fulinta wadani ay nolosha u horseedaan murugo iyo qoomamo uu qofku ka bixi waayo marka uu weynaado. Naftaada ha ku ciqaabin riyo aanad ficil ku darayn ee waxa aad qorshayso ama niyadda ku hayso ku dhiirro ficilkii suurtogelin lahaana, ogowna oo mararka qaarkood noloshaaba u baahan indho-adayg iyo in aad isku miidaamiso wax aanad boqolkiiba boqol guushiisa hubin, balse rajo ay ku jirto.
3. Dadka kale raalligelintooda: Waa ay fiican tahay in aad ku dadaasho qaddarinta iyo ixtiraamka bulshada kugu xeeran iyo in aad intii awooddaada ah raalli geliso, laakiin mar kasta niyadda ku hay in raalligelinta aadamuhu ay tahay hiigsi aanay abidkiiba cidi gaadhin. Waxaa iyaduna waajib ah in qofku uu garwaaqsado in qaddarinta iyo ixtiraamka uu mudan yahay aanu dadka kale ka wada helayn ama ugu yaraan aanu helayn cid u qaddarisa sida uu isagu naftiisa u qaddarinayo, arrimahaas oo qofku uu yarida ku kala fahmi waayaana waxa ay qasab ka dhigtaa in hadhow marka uu weynaado uu qoomameeyo, tusaale ahaan noloshiisa oo uu dhantaalay qof kale raalli gelintiisa awgeed, ama arrimo uu fulin karayey oo uu cid kale ku raalli geliyey fulin la’aantooda.
4. Hawl aad qaban karaysay oo aad dib u dhigatay: Adduunyada aynu ku noolnahay waqtigeedu sida hillaaca ayaa uu u socdaa, dibna uma soo noqdo. Waqtiga barakadiisuna waxa ay ku xidhan tahay hadba sida aad uga faa’idaysato, sidaa awgeed ha sugin waqti barakadiisu tahay in uu gaadho xilli uu kaa badato oo hawlahaaga iyo ka badanba aad waqti iyo fursado u heli karto.
Waxa aad ogaataa in nafta aadamuhu aanay marnaba waayin wahsi iyo in ay mar kasta raadiso marmarsiinyo ay kaga baaqato hawlaha u yaalla, laakiin ogow in hawsha berri aad u dhigatay ay arrimo badani ka sokeeyaan. Haa, wadka ayaa ugu weynba. Waxa ugu weyn ee uu qofku ka qoomamoodo marka uu 50 sano jir dhaafaana waa fursadaha uu dayacay intii uu waqtiga iyo xoogga u heli karayey.
5. Fursado badan oo aad dayacday: Cabsida ay dadka badankoodu ka qabaan in arrin ay qof ka doonayeen loo , ama in hawl ay ku fashilmaan ayaa ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee hawlaha muhiimka ah uu uga baaqsado, laakiin waxaa hubaal ah in marka uu hadhow weynaado uu qoomamayn doono cabsidii aan caqliga ku dhisnayn ee ka baajisay hawlo uu midhahooda isagu u aayi lahaa ama dabadii dunida looga sii aayi lahaa.
Inta aad xoogga tahay da’duna ku saacidayso ha ka waaban shaqo culays kasta oo ay leedahay iyo khatar kasta oo ay fashilaad u tahayba, xitaa haddii aad mararka qaarkood yara dareemayso in ay kaa yara mustawe sarrayso go’aanso in aad hawshaas u badheedho aqoontaada ku aaddanna sii dhisto oo aad kobciso si aad uga soo baxdo waajibaadkaaga shaqo.
6. Fiicanaan lahaydee in aad hawshaa sii waddo: Qodobkani kaa hore xidhiidh weyn ayaa uu la leeyahay, xitaa haddii aad leedahay ku dhac iyo dhiirrasho aad leedahay, haddana guuldarro mararka qaarkood kugu timaaddaa waalama huraan, guuldarradana waxaa ku lammaan murugo iyo niyadjab, laakiin qofka geesiga runta ah ee guulaystaa waa ka soo hadha raadkaas ka dhashay guul darrada. Guuldarrada u qaado in ay tahay uun turaan-turro balse aanay ahayn kufniin kaa reebaya sii wadista hawlahaaga.
Noqo hadhi-waa aan ka daalin daba socoshada himiladiisa xitaa haddii ay ku adag tahay, ma dale noqo oo mar kasta oo aad turaan-turrooto kac oo socodka sii wad, haddii kale marka aad weynaato u diyaar garow qoomamo iyo in aad is-ciil-kaambido.
7. Bal maan dadka igu xeeran jacaylka aan u qabo u sheegto: Qof kasta oo innaga mid ahi waxa uu jecelyahay in la qaddariyo, laakiin dad aad u yar ayaa dadka kale iyaguna qaddarin iyo ixtiraam u muujiya, isaga oo sidaas ah ayaa uu haddana qof kastaa jecel yahay in uu wanaag iyo macaamil fiican ka helo dadka kale oo dhan, waxa uu rabaa jacayl iyo kalgacal aanu mid la mid ah la iman, iyo daryeel aanu isaguba bixin.
Waxaa in badan dhacda in waalidku uu ku dadaalo in ilmihiisa aanu waxa jacayl ah u muujin, isaga oo laga yaabo in uu ka dayayo edbin iyo in aau ilmuhu sida qaldan uga faa’idaysan jacaylkiisa, taasi waxa ay mararka qaarkood keentaa in ilmuhu qaato faham qaldan oo ah in aanu waalidkaasi jecelayn. Hadhow marka uu waalidku bukoodo ama ilmuhu geeriyoodo waxa uu waalidkaasi qoomameeyaa in aanu maalinna ilmihiisa jacayl tusin, lammaanaha isqaba qudhoodana taasi waa ay ku dhacdaa.
8. Xoolihii iyo adduunkii ku soo maray oo aad ku loofartayraadiyo, dadka inyar ayaa awoodda in ay qaddariso arsaaqada ballaadhan ee soo gashay sida saxda ahna uga faa’idaysato, ta’ uu hayaa uma muuqato ee siyaado kale ayaa uu raadiyaa ama mid qof kale haysto hunguriga u taagaa. Dadka badankoodu lacagta badan ee so gasha xisaab iyo caqli kuma isticmaalaan, dhibtuna waxa ay timaaddaa marka uu gaboobo ee taladu gacantiisa ka baxdo ama lacagtu ka baxdo, markaas ayaa uu qoomameeyaa barwaaqada soo martay ee aanu ka faa’idaysan.
9. Fiicnaan lahaydaa in aan jidhkayga iyo caafimaadkayga daryeelo: Dadka badankoodu inta ay dhalinyarada yihiin ama xoogga is bidayaan ma daryeelaan caafimaadkooda, waxaa jirta fikir qaldan oo ah in qofku uu xaaladdii caafimaad xasuusto, dhakhtarkana raadiyo keliya marka uu xanuunsado. Da’ kasta oo uu qofku joogaa waxa ay u baahan tahay xaalado caafimaad oo u gaar ah, tusaale ahaan marka uu dhasho ilmuhu waxaa jira shaybaadho iyo hubin caafimaad oo muhiim u ah. marka uu da’da uu koritaanka qofku aadka u socdana shaybaadh u gaar ah ayaa ay u baahan tahay, da’da dhexe qudheedu waa la mid ah dhiig-kar, macaan, wadne, kelyo iyo beer xanuun iyo xanuunno la mid ah in laga baadho qofka ayaa muhiimka, marka uu waayeel noqdana waa sidaas oo kale oo xaalado u gaar ah ayaa laga baadhi.
In qofku uu yaraanta ku dayaco daryeelka caafimaad ee ku habboon, waxa ay dhibteedu ku soo baxdaa marka uu da’ noqdo, tusaale ahaan miisaankii uu dhalinyaronimada ku ridi waayey marka uu weynaado ayaa uu dhibaa, xaaladaha caafimaad ee kalana waa la mid, waana markaas marka uu qoomameeyo daryeel la’aanta jidhkiisa iyo caafimaadkiisa ee uu ku soo jiray.
10. In aad ka murugooto taladii aad ka dhego adaygtay: Nin walba qumanihiisa qoorta loo sudhay; Waa hal-ku-dheg Soomaaliyeed oo xikmad badani ku duugan tahay, waxaa run ah in qof kastaa uu aaminsan yahay in waxa uu falayo ama go’aanka uu qaatay yahay ka saxda ah, iyo in fikirkiisu uu yahay ka toosan ee ay tahay in la qaato iyada oo aan dood iyo wada xaajood laga gelin.
Laakiin mar kasta taasi sax ma’aha, waa canaadnimo iyuo madax adayg, in talada dadka kugu xeeran ama ku danaynaya aad qaadataana marar badan waxa ay kaa badbaadinaysaa talo qaldan oo aad ku jabi lahayd. Waxyaabaha waayeelnimada aadka looga qoomamoodana waxaa ka mid ah talooyin lagu siiyey oo aad qaadan weyday oo aad dib ka ogaatay in ay saxnaayeen.
-Diyaariye: Kamaal Marjaan
-WARGEYSKA GEESKA AFRIKA